|
Mujaahid Shine Cali
Riyaale xasuuqii hore uu u geystay iyo ta manta muwaadiniita Somaliland ku hayaba waa In cadaaladda la mariyo
Anigoo ah muwadin u dhashay Somaliland,magac,abaal iyo sharafna u haya dhammaan mujaahidiinta SNM,waxaan marka hore tacsi u diarayaa guud ahaan umadda Somaliland ,gaar ahaanna qoysaska caruurtoodii ,odayaashoodii,walaaladood,ehelkoodii,maalin walba cadaalad darro,dulmi,xadhig,loogu geysanayo waddankii ay naf iyo maalba u soo hureen xorayntiisii.
Run ahaantii waa ayaan darro iyo qaadan waa aan loo dul qaadan Karin sidaa muwaadiniinta Somaliland uu Riyaale ula dhaqmayo ,una horseedayo dalkan burbur hor leh. Riyaale xasuuqii hore uu u geystay iyo ta manta muwaadiniita Somaliland ku hayo waa In cadaaladda la mariyo.
Akhristow Intaanan dulucda qoraalkaygan u gudo galin, waxaan rabaa Inaan halkan ka caddeeyo, Inaan anigu taageero xisbiga talada haya ee UDUB ,laakiin aanan marnaba raali ka ahayn dulmi,dil,xadhig xaq darro ah ,oo loo geysto dadkayaga reer Somaliland .
Haddaba dadkayga iyo dalkayga aan u dhashay waxaan u soo gudbinayaa suaalahan aan rabo Inay Is weydiiyaan:
1-Riyaale distoorka iyo sharciga waddanka loo sameeyay ma qabtaa mise masaakiinta Iyo Inta jeebkoodu liito ayaa lagu fuliyaa ?
2-Mujaahid Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Riyaale keebaa dadkan iyo dalkan ka bad baadiyay xasuuqii Isir tirka ahaa ee loo geystay shacbiga Somaliland
3-Markaad kii shalay aad dalkan ka xoreysay u doorateen Inuu idin hogaamiyo,ma waxaad ka filayseen Inuu:
A- Naftiina badbaadiyo B- Cadaalad iyo Distoorka ku dhaqmo C- Hantida Umadda Ilaaliyo D- Xaqa muwaadinka difaaco
4-Keebaa dalkan iyo umadda Somaliland lexo Jeclo ka haysaa,ma Jabhadkii Naftiisa u soo huray , mise kii xasuuqay ?
5-Riyaale hantidiisu Intay leekayd markii ugu horeysay ee madaxweyne ku xigeen loo doortay, mantase ma la qiyaasi karaa ?
Intaa markaan ka gudbo, bal akhristow aan ku xasuusiyo nabarada iyo dhaawaca uu Riyaale u geystay dalka, dadka hana qaadka dimuqraadiyadda curadinka ah iyo distoorkaba.
1-Xadhiga loo geysto muwaadiniita iyadoon sharci loo soo marin 2-Hantida umadda oo boob caddano lagu hayo,sidii la doonana loogu tagri falo 3-Ururada xuquuqul Iinsaanka oo awood loo sheegto loona cago jug leeyo 4-Distoorka iyo sharciga oo layska dhinac maro 5-Kheyraadkii waddank oo dad gaar ah loo cayimay iyaddo dano gaar ah laga leeyahay 6-Saxaafadda oo la cabudhiyo,xadhigan loogu abaal guda kii ka hor yimaadda 7-La tashi la aanta lagula dhaqmo muwaadiniita loo doortay guurtida iyo baarlamanka 8-Nabadii Somaliland ku can baxday oo mijo xaabin uu ku hayo,lidina ku ah Aqoonsi doonka Somaliland iyo kuwo kale oonan qoraal keliya ku soo koobi karayn
Intaa waxaa u dheer Riyaale fal danbiyeedyo naftoodii ku waayeen muwaadiniin Somaliland u dhashay.
Taariikhdu markay ahayd April 26,2008 , waxaa gaadhi lagu dhex toogtay alla ha u naxariistee Hani Xasan Jaamac, oo ahayd Inan yar oo labaatan jir ah oo wax ay galabsatay aanay jirin , illaa haddana gacan ku dhiiglihii Inantaa yar nafta ka qaaday cadaalad lama hor keenin,Waxaana la xaqiijiyay Inuu ka tirsanaa Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka, Isla markaana ka soo Jeedo beesha uu Riyaale ka soo Jeedo.
Ta waxaa xigtay, xadhigii aar goosiga iyo sharci darrada ahaa ee lagula gacay muwaadinka la yiraahdo Abshir Xaashi oo ahaan Jiray maamulaha gaarka ah ee gaadiidka qoyska madax weynaha. Abshir wuxuu ku markhaati furay xatooyo qaran oo lagu eedeeyay Marwada madax weynaha Huda Barkhad oo lagu soo qoray wargeyska Haatuf sannadkii 2006.
Abshir wuxuu ka mid ahaa dhalinyaradii dalkan xoreyntiisa ka qayb qaadatay, maanatana Isagii baa si xaq darro ah looga qaaday xoriyadiisii. Waana nasiib darro In manta reerkiisii iyo caruurtiisii uu xabsi aanu galabsan kaga maqnaado. Ta manta Abshir ku dhacdayna waa mid ku dhacda muwaadiniinta Somaliland, haddii aan laga hadlinna waxaa hubaal ah In Abshir iyo kuwo kale oo badan oo xaq darrom lagu xidhayba jeelasha lagu iloobi doono.
Tan u danbaysay, oo dhacday, July 7,2008 , oo dil iyo dhaawacba loogu geystay dhalin yaro mudaharaad ka qayb gashay.Jawaabta ay had iyo jeer ka bixiyaan maamulka Riyaalana waxaa weeye “NABADDAAN SUGAYNAA”.Taasoo la mid ah Jawaabaha uu bixiyo Cabdillahai Yuusuf, markuu dhalin yarada , dumarka iyo caruurta ku xasuuqo Koonfurta Somaliya.
Anigoo taa ka jawaabayana , waxaan ku odhan lahaa Riyaalaw ,dhalin yaradani Iyagaa kaaga lexo Jeclo badan nabadda,horumarka,distoorka,sharciga ,dadkooduna naf iyo maalba ku bixiyeen dalkan siday u xorayn lahaayeen.Markaa NABADAAN SUGAYNAA,wax Ku daafacaya ma noqonayso , dhiiga umadana If iyo aakhiraba maalin maalmaha ka mid ah ayaa lagu weydiin.
Haddaba Intaan arrintu faraha ka sii bixin ,waxaan soo jeedinayaa waa In laga arrin sadaa sidii Riyaale xasuuqii hore uu u geystay iyo ta manta muwaadiniita Somaliland ku hayaba, loo hor keeni lahaa cadaaladda , iyadoo loo marayo habka distoorka iyo sharciga ee waddanka u yaalla.
Ilaahay waxaan weydiisanayaa In dalkayga iyo dadkaygaba ugu badalo madaxweyne dadka iyo dalkba u damqanaya,caadil ah , bash bash iyo barwaaqana u horseeda.
Wa bilaahi tawfiiq
Mujaahid Shine Cali |