Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan Shacabka xalaasha ah ee Reer S/land meel kasta oo ay joogaan, marka xigta waxaan salaamaya Bahda War-baahinta oo xil gaara iska saarta soo gudbinta Akhbaarta Wadanka iyo Maskaxaha kala duwan ee Dadka Qoraalka adeegsada.
Sida aan la wada socono waxa jirtay mudoharaad rabshado wata oo ay dad ku dhinteen oo ka dhacay magaalada madaxda somaliland ee hargeysa, 07/07/08 kaas oo daba socday sida la sheegay riig biyo qudis ka wada koonfurta hargeysa gaar ahaan meesha lagu magcaabo UUBAALE. Oo dadkii biyaa sugaayey mar kaliya loo sheegay in riigii la qabad siinaayo magaalo madaxda G/awdal ee boorama.. taas oo dadkii deegaanku ku doodeen in horta iyaga la haraad tiro inta aan meel kale loo qalab qaadan.
Mudaharaadkan oo sida la xaqiijiyey ay sadex qof oo shicib ahi ku dhinteen in badan oo kale ku dhaawacmeen, waxa loo yeelay waji badan gaar ahaan saxaafada iyo dadkii madaxda ahaa ee ka hadlay ay meelo badana isku fakar ka ahaayeen meel kale oo badana ku kala duwanaayeen.
Waxaana ay iskaga mid ahaayeen in marka hore dadkii dhinta qaraabadoodii tacsi loo diro, kuwa dhaawaca ahna caafimaad loo rajeeyo. Qofkasta oo ka hadlaa marka uu intaasi afkiisa ka soo baxdo waxa uu u dhaafaayey meesha uu is leeyahay mudaharaadku wajiga ayuu ku hayey, laakiin waxaas oo dhan waxa jira nin ka duwanaa oo la yidhaahdo Jawhar C/samad Qalinle, oo isagu diiradda meel kale u jeediyey. isla markaana waxa caloosha ugu huursanaa isku dayey in uu uga faa’iiidaysto dhacdadan naxdinta leh dumar iyo caruurta ZUUG iyo SHILKA loo adeegsaday.
Waxaana uu ninkaasi Jawhar maqaal ciwaankiisu yahay (Baroortu orgiga ka weyn) ku soo daabacay website laga leeyahay s/land. Isagoo ku dooday in riigan hadii Berbera ama Burco la qabad siin lahaa aanay waxaasi dhaceen laakiin Awdal cadaawad loo qabo daraadeed loogu diidaayo. Laakiin dhankiisa ayuu muujiyey cadaawad buuxda, waayo kamay muuqan wax naxdan ah oo la xidhiidha dadkii ku nafwaayey rabashadii ( somalidu waxay ku maah maahdaa (BIDOW ANIGU KU SHEEGI MAAYEEN YAAN CAMAL KAAGU KU SHEEGIN).
Jawrahaw, sxb. taariikhda ayaa kaa khaldane reer Awdal maaha waxa ka gaara s/land, dan aan Somaliland lahayn reer Awdal malaha, Masiirkan aad ku celcelisay ee aad leedahay reer Awdal masiirkooda waa in ay ka tashadaan, marbaa la tashaday oo waxa lagu tashaday dal s/land la yidhaahdo in la noqdo. Mar labaad talada aad sheegayso waxaan filayaa in aan la fahmi doonin.
Waxa kale oo xusid mudan in ninkan Jawhar aanu maanta oo kaliya qorin maqaalo naxli badan ee waxa ka horeeyey mid uu bil ka hor qoray oo cinwaan uga dhigay ( MAXAA KA JIRA IN GUDOOMIYAHA XUSBIGA KULMIYE MAGAN GALYO WAYDIISTAY MADAXTOODA KADIB MARKII LOOGU HANJABAY IN UU HARGEYSA KA BAXO).
Isagoo markaa u sacab tumaaya fakarkii khaldanaa ee shikhsiyaad ka mid ah beelaha Hargeysa daga ku kaceen, oo waliba runtii ay ahayd in lagu qaado danbiga ay galeen.
Mr Jawhar Qalinle, waxa kale oo jiray maqaal dheer u uu qoray 16/12/2006 kuna sheegay in madaxweyne Riyaale ragii ay UDUB wada ahaayeen uu ka dhigay waxa uu iska horaysiiyey oo uu la jeeday DR. CABDI AW DAAHIR, MAXAMED XAASHI, DR MAXAMED CABDI GABOOSE iyo qaar kale oo badan iyo sida uu Jawhar maqaalka ku sheegay waxa uu hubiyey oo aan ka daba hadlayn.
Hadaba waxaan is waydiinayaa ninkan Jawhar ma qaybta records-ka ayaa xun mise wuu u badheedhayaan sidan. Wuxuu sawirkiisu u muuqdaa nin dhalin yaro ah oo mustaqbalkiisu soo socdo haddii ilaahay aanu manada ka qaadin. Mar hadii ay sidaa tahay waxa fiican in aad hadalkaaga waliba kuwa aad war baahinta marinayso u meel deydo sumadna ku dhigato is badbadalkana ninka rag ah waa looga fiican yahay.
Hadii ay dhacdo in Daahir Riyaale laga helo doorashada soo socota muxuu odhanayaa Jawhar Qalinle ama marka uu oday weyn oo taliya u noqdo reer Awdal.
Hadalka Jawhar waxa uu muujinayaa in ay jirto cadaawad buuxda oo isaga caloosha ugu jirta anigu odhan maayo reer Awdal ayaa la qabee.
Jawhar waxa uu ka dhigan yahay nin ka mid ahaa reer wada daga dhul miyi ah oo ku gudi jiray xaafadaha habeenkii markii danbe ayaa la isu sheegay ninkii waxaana la bartay raadkiisii gaar ahaan kabahii uu xidhan jiray. Markii sidaa lagu ogaaday ayaa waxa uu bilaabay in uu kabaha aabihii u xidho marka u xaafadaha ku gudaayo. Maalintii danbe ayaa la isu sheegay in ninka dumarkii sodoha ahaa habeenkii nafta u keenay yahay oday 70 jir ah.
Ninkan Jawhar ayaa sidaa ka dhigan oo marba kabo soo xidhanaaya.