By A. Geeljire
DALJIRE Taayir Bay Gubeene Toogta
Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan. Dubbe: Haa. Hee. Haye.....mayee kamuu baqane sidan uu yeelay baa aniga ila fiican. muxuu hadal ka qaadayaa Ina Rayaale? Doolaal:Waar yaad la hadlaysaa? iska dhig teleefanka oo nala qayil. hadduu hadal ku hayo miidaankan is keen. Dubbe:Maya. somalida sina looga ammaan heli maayo. Doolaal:Maxaad ka hadlaysaa iminka. waar iska aamu haddaba oo daaqaddaa dushaada naga fur ama naga baydh annagaa iska furaynee. Dubbe:Caqligooda mar waxay ku odhanayaa ninkan Ina Cali Waraabe hadal badanaa markuu iska aamuso oo hawsha u taalla qabsado oo ummaddii mudaharaadday kala qaboojiyana waxay odhanayaan muxuu isagu uga hadli waayay ee uu Xoghayaha Guud uga hadlay. waxay ku odhanayaan hadalkii Ina Rayaale ee cayda ahaa ayuu ka baqday. Waar Faysal nin baqda maahee idinka si uun ha laydinku soo hagaago. Anigu dadka uu kala qaboojiyay iyo maslaxaaddaa uu qaranka u galay waan ku bogaadinayaa. ciddii kale ee ka qayb qaadaday dejinta kacdoonka. Doolaal: Anaguba waanu u mahadnaqaynaa dee. Haddaa maanagaa rabna inay sii socoto. bal waxaad ku hadlayso eeg? Dubbe:Haa oo idinku waa rabtaan. sabbta oo ah. Ina Rayaale halkuu garawshiiyo ka bixin lahaa, halkuu umadda ugu ballan qaadi lahaa inuu xaqiiqada arrinta u soo bandhigo ayuu hanjabaad kale iyo manno sheegad "anigaa riigga keenay" iyo "riigga layla maamuli maayo." iyo daciifnimo noocaas ah. miyaanu ogsoonayn inay yihiin dadkii xukunka u dhiibtay oo wax aanay doonayn hadduu ku xukumo aanay yeelayn? ma maalin xukun laga hadlaa baa? Xagguuse riigga ka keenay ragbaa ka soo shaqeeyay oo kaalay ku sharaf doono ayuumbaa la yidhiye? waar taad naga cuntay ee aad daaraha ka dhisatay baaba boqol riig noo goyn lahaa yaa yidhaahda. Doolaal:Waar dee haaye saw dadku sharcigii may jebin oo nabaddii may halis gelin? Dubbe:Waar horta arrintani muran iyo "middi middi ku mud" uma baahna. si miyir qabta aan uga wada hadlano. muwaadiniin xaqoodii doonaysa ayaa meesha ku dhimatay oo ku naf waayay. muwaadiniinta dad baa dhalay oo sannaddo ku soo tabcayay oo kadeed walba u soo maray. muwaadiniintu waa hantida koowaad ee ugu qiimaha badan ee dalku leeyahay. Markaa riigga layla maamuli maayo in lagu laayaa wax aannu qaadan karno maaha. shilkii dhacay waxaanu doonaynaa in su'aalaha ka taagan lanaga qanciyo. Diyaar uma nihin hanjabaad kale. Doolaal:Oo waa maxay xaqiiqadaad doonaysaa waxa naloo doortay soo maaha inaanu dalka maamulo? haddii wax walba qarqarka cidi qabsato sidee baanu yeelaynaa? Dubbe:Horta halka arrintu fadhidaa waa su'aashaa aad i weydiisay. haddaba adiga aan su'aal dib kuu weydiiyee markii laydiin doortay inaydin dalk maamushaan ma ku darsateen inay ku jirto inaydin xal u heshaan wixii dhibaato ah ee dadka haysta ama idin hor yimaadda ee markaa dhasha? mise waa nala doortay ayuumbay idiinku joogtaa wixii naga hor yimaaddana tikniko ayaanu dabada qabanaynaa? Doolaal:xmmmm. xmmm. maxaad uga jeeddaa maan fahmine? Dubbe: Iska dhaaf oo weligaaba xxxxxmmm ta iska guroo, mid kale aan ku weydiiyo. Marka aydin Distoorka iyo Kitaabka Ilaahayba ee Distoorku ku salaysan yahayba eegtaan goorma ayay idiin bannaan tahay inaad muwaadin nafta ka goysaan oo dishaan? Doolaal:Soco. Dubbe:Socday. Miyaad ku aragtay labada midna marka muwaadin uu gubo taayir gaboobay dila oo nafta ka jara? Doolaal:Soco. Dubbe:Socday. Miyaad ku aragtay marka muwaadin dhagax ku tuuro Booliska dila oo nafta ka jar? Doolaal:soco. Dubbe:Socday. Miyaad ku aragtay midna marka muwaadin u joogsan waayo askari meel cidla ah ilaalinaya sida wadada beerta xorriyadda isla markaa aan cidna khatar ku hayn lana raadinayn oo aanay dembi gelin dila oo nafta ka jara? Doolaal:Kitaab yare, soco. Dubbe:Kitaablaawe soconmaynee ka jawaab dee. Doolaal:Waar waxanoo su'aala awalba namaad weydiin jirin marka xaafadahaa kale daka lagu laayee ma kaa qabyaalad baa waxani? Dubbe:Haye. Waa markeenii. "fallaadhi gilgilasho kaagama go'do." Waa markaa sheekada beddeli jirteen ee ama qof weerari jirteen ama cid aan la aqoon baa? waar mayee qabyaaladna maaha. Booramena maaha sheekadu Gabileyna maaha muwaadin walibana waa ehelkayga iyo beeshayda ee su'aashu waxay tahay; bal waxaad ii sheegta dadkii aydin layseen ee caawa Aakhiro u dirteen ma haysaan cid ka cabanaysa oo muwaadin ah oo leh waxaby na yeeleen ama naga burburiyeen markay mudaharaadayeen? Doolaal:Soco. Dubbe:Waar iminka waxaan soco ahayn miyaanad garanayn? socday eh waxaan ku weydiiyay. Halkay ku taallaa nafta muwaadinku waxay la qiimo tahay taayir duug ah? Doolaal:Soco. Dubbe:Waxa loo baahan yahay in la ogaado: 1. Maxaa kallifay in rasaas lagu dadka? 2. Yaa amray in rasaas lagu furo muwaadiniinta? 3. Muxuu ahaa amarka laftiisu? 4. Yaa rasaasta riday? ururkee? Kooxdee? Askarigee? 5. Nin walba rasaastii loo tiriyay intaan goobta la geyn ma laga tiriyay inta u hadhay? 6.Hubka culus koormaa la amray? 7. Duruufta lagu amray maxay ahayd? 8. Yaa amray? 9. Amarku muxuu ahaa? 10. Yaa yidhi hoos ugu dhiga dadka/ 11. Askartii qoryahayooda rasaas ka ridday ma la waraystay? 12. Askari waliba cidduu ku riday iyo siduu uriday ma garanayaa? 13. Ma intay carruur dad kale laayeen ayuumbay guryahoodii u casho tegeen oo carruurtoodii madax u salaaxeen? 14. Kumaa taliye ahaa? 15. warbixintii goobta ee taliyeyaasha ma la hayaa oo qoran? 16. Boolisku ma soo ururiyay khasharkii rasaasta wixii la heli karaayay si xaqiiqada loogu baadi doono? 17. Dadkii dhaawacmay Boolisku wax ma weydiiyay? 18. Kuwa kale oo goobjoogayaal ahaa Boolisku wax ma weydiiyay? 19. Kuwii la laayay ehelkoodii cidi wax ma weydiisay? 20. Cid la xidhay ma jirtaa? 21. hadday jirto maxaa la weydiiyay muxuuse dambiga loo xidhay yahay? 22. Ciidamada sirdoonka wax ma la weydiiyay? 23. C.I.D da wax ma la weydiiyay? 25. Wariyeyaashii saxaafadda ee dadka dhaawaca ah daadguraynayay wax ma la weydiiayay? 26. Sababta waxani ka kaceen ciddi ku hawl lahayd wax ma la weydiiayay? 27. Wasiirka Biyaha iyo Macdanta war bixin qoraal ah ma laga hayaa? 28. Wasiirka Daakhiliga war bixin hor dhac ah ma laga hayaa? 29. Guddida Arrimaha Guddidaha ee Wakiiladu ama Guddida Joogtada ahi baadhis ma furtay? 30.Xeer Ilaaliyaha Guud gal maw furay arrintay iyo wixii ka soo baxa? 31. Ilaahay ka sokow yaa ka masuul ah dadka xaqdarrada xukuumaddu ku layso? Doolaal:Waar dee haddaba na wareerisay eh naga daa waxan oo su’aal ah adigu dadka qareen uma tihide. Dubbe:Waar sidaa layskaga hadhi mayo ee hadda ayuumbay su’aalahu bilaabmeen. Fari kama qodna. Waa innoo toddubaadka dambe, ahddii Eeebbe idmo. A. Geeljie |