spacer
spacer
header
Riyaale VS Sharci
 Guji Garnaqsi Guji Garnaqsi
Audio News
 BBC Somali 04:00 BBC Somali 04:00
 BBC Somali 11:00 BBC Somali 11:00
 BBC Somali 14:00 BBC Somali 14:00
 BBC Somali 18:00 BBC Somali 18:00
 VOANEWS VOANEWS
 Radio Horyaal Radio Horyaal
 Radio Waaheen Radio Waaheen
 Radio Hormuud Radio Hormuud
 Radio Hargeysa Radio Hargeysa
Somaliland Link
Al-Taqwaa
Allaybaday
Aftahan
Awdalnews
Caynaba
Farshaxan
Gabiley
Gaarriye
Golisnews
MALCOLM X
Radio Somaliland
Radio Somaliland Online
Haatuf
Hadhwanaagnews
Halgannews
Hargeysa
Harowo
Hilinkatoosan
Hormoodnews
Hoygasuugaanta
Berbera
Waridaad
Jamhuuriya
Somaliland Org
Somaliland Future
Longlivesomaliland
Somaliland Times
Somaliland Talk
Somaliland News
Kulmiye Info
Saaxil
Sooyaal
Somaliland Poets
Togdheernews
Qarannews

Welcome to Somalilandcenter.com


Home arrow Articles arrow Articles arrow Faalo: Tartankii Musharaxiinta Kulmiye oo Bilaabmay - Yaa Tartamaya, Yaa wax doonaya,Yayse Dadku ..

Faalo: Tartankii Musharaxiinta Kulmiye oo Bilaabmay - Yaa Tartamaya, Yaa wax doonaya,Yayse Dadku ..
User Rating: / 1
PoorBest 
Tuesday, 15 July 2008
Yusuf Daahir Geelle

Faalo: Tartankii Musharaxiinta Kulmiye oo Bilaabmay - Yaa Tartamaya, Yaa wax doonaya, Yayse Dadku Doonayaan?

Tartankii jagooyinka madaxwaynanimada iyo madaxwayne-ku-xigeenka ee Xisbiga Kulmiye ayaa bilaabmay iyadoo shirkii Golaha Dhexena loo qorsheeyay inuu Burco ka dhaco 29 Bishan July. Somalidu waxay ku maahmaahdaa, " xalaal dharaar baa la qashaa", tartanka Kulmiye waa mid furan oo lawada arkayo. Waxa lagu kale baxayaa waa cod ee maaha muruq. Yaa tratamaya, yaa wax doonaya, yayse dadku doonayaa?

Jagada musharaxnimada madaxwayna ee xisbiga Kulmiye waxaa suura gal aha in laba nin ku tartamaan oo kale ah Axmed Siilaanyo iyo Maxamed Cumar Xaashi. Ahmed Xuseen Ciise oo hore u shaaciyay inuu damac ka hayo madaxwaynanimada, waxaa la rumaysan yahay inuu ka noqday.

Haseyeeshee marka laga qiyaas qaato shirwaynihii labaad ee xisbiga iyo sida dadku codkooda u bixiyeen, waxay dadka ku dhwdhaw arrimaha xisbigu saadaalinayaan in Axmed Siilaanyo uu si fudud ugu guulaysan karo musharaxnimada madaxwaynaha. Arrimo badan ayaana sabab u ah, waxase ugu wayn iyadoo xubnaha galaha dhexe badidoodu u arkaa inaan xisbiga maanta diyaar u ahayn isbedel hogaamiye iyo iyadoo codbixiyayaasha gobolka Hargaysa, Gabiley iyo Burco ay intooda badan taageersan yihiin Axmed Siilaanyo.

Su’aasha hadhay waxa weeye yaa soo raacaya Axmed Siilaanyo? Ragga lafilayo inay badka isku soo tuuraan jagada musharaxa madaxwayne ku xigeenka waxaa ugu hireeyay raxan ka soo jeeda gobolka Awdal ah oo ay ka mid yihiin Abdiraxman Aw Cali, Ismaaciil Aare iyo Cabdirahman Saylici. Furasadoodu ma xuba, laakiin midkoodna ma haysto taageero ka badan inta ka kale haysto. Cabdiraxman Aw Cali waxaa wata koox u hogaamiyo Maxamed Kaahin iyo ina Cumar Xaashi, haseyeeshee kumay guulaysan inay u helaan taageero ku fulin inuu ku guulaysto.

Ismaaciil Aare taageerayaal ka badan koox yar oo reer Awdal ah ma wato, umana eka nin heli kara jagadan imika. Saylicise wuxuu leeyahay taageerayaal aan ka yarayn inta uu haysto Cabdiraxman Aw Cali. Haddii ay seddexdooduba iswada sharxaan, waxaa aad u fudadaanaysa in qofka  kale oo isla soo taagaa ka heli karo. Rajadoodu waxay ku xidhan tahay iyagoo kala hadha  oo qof qudha soo sharaxa oo taageera. Haddii ay yeeli waayaanse waa loo baqaa kooxdan.

Musharaxa kale ee culus waa Muuse Biixi. In kastoo Muuse imika yahay  Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Xisbiga, una badan tahay inuu la wareegi doono guddoomiyanimada xisbiga markuu Silaanyo noqdo musharaxa madaxwaynaha, haddana waxaa dad badani doonayaan inuu isku soo taago jagada musharax madaxwayne ku xigeenka. Haddii uu sidaa yeelana, Muuse wuxuu u dhawyahay inuu ka guulaysan karo kooxdan hore. Waana nin taageeri badan ka heli kara xisbiga, inkastooy jiraan dad  ka soo horjeedaa. Haseyeeshee haddii musharax ka soo jeeda Gobolka Gabiley uu ku soo baxa, Muuse isagana waa loo yaabaa.

Waxaa kaloo jira rag aan hadda tartanka madaxwayne ku xigeenka ku jirin una diyaar ahayn inay ka qaybgalaan oo laakiin dad badan iyo siyaasiyiin miisaan wayn ku leh xisbigu ay jeclaan lahaayeen inay isa soo taageen loona badaniyo inay si dhib yar ku heli karaan musharxnimada jagadan madaxwayne ku xigeenka.

Waxaa  ka mid ah raggaasi Dr Axmed Xuseen Ciise, Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar iyo Dr. Cabdi Aw Daahir.

Ugu danbaynti, waa la arki doonaa halkay arrintani sal dhigato.

Yusuf Daahir Geelle
Email:
spacer
Reference
NSS-tii
--------
Gobolka Gabiley
 Dhul Boob Dhul Boob
 Xasan Ganey Xasan Ganey
 Cabdi Qays Cabdi Qays
 Muj: Ibrahim Maygaag Muj: Ibrahim Maygaag
 Dr:Gaboose Dr:Gaboose
 Muj:Farxaan Faacuul Muj:Farxaan Faacuul
 Muj: M. Hashi Muj: M. Hashi
 Dr:Gaboose Dr:Gaboose
 Dr:Duxood Dr:Duxood
 Saleebaan Gaal Saleebaan Gaal
 Samaale Samaale
 Maxamuud Nuur Maxamuud Nuur
 London London
 Cawke Cawke
 Bayaan Bayaan
 Muj. Cashuur Muj. Cashuur
 Muj:Xasan Ciise Muj:Xasan Ciise
 Maxamed Arabay Maxamed Arabay
 Salaadiin Salaadiin
 Xasan_Gadhweyne Xasan_Gadhweyne
Shuronet
 Halkan ka dhageyso Halkan ka dhageyso
Cartoons
Cartoons
Statistics
Visitors: 10003800


Copyright(C) 2002 Somalilandcenter.com
spacer