Cumar Daarood Xassan Norway
Kulmiyow TALADAAN LA RUUGIN WAA LAGU RAFAADA, u hibee codkaaga siyaasiga ku haboon M/weynenimada JSL Saddex bilood ka diba markii dib loo dhigay shirweynihii golaha dhexe ee xisbiga ayaad mooda in maanta la in caymay maantii u dhici lahaa shirweynihii golaha dhexe ee lagu soo dooran lahaa musharax madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenkiisa ee xisbiga kulmiye. Sida aynu la wada socon xisbiga kulmiye wuxu sanadkan horaantiisi qabtey ama u qasoomay shirweynihii labad ee xisbiga oo lagu soo doortey hogaanka maanta jira ee u hormoodka u yahay Muj. Siilaanay taaso aanay cidi kula tartami jadaasi gudoomonimada xisbiga, iyo kuxigeenadiisa oo ah saddex gudoomiye oo cusub, sikastaba shirku ah u dhece waxay u muuqata doorasho u qabsoontay xisbiga oo aheyd shirweynihii labad ee kulmiye, hogaanka cusub ee xisbigu waxay aheyd inuu bil gudaheed ku soo dabaalo shirkii labad ee golaha dhex taasi oo runtii noqotey mid aan dhicin una suurto galin waqtigii la fialaya taaso lagu micneyay duruufo jira awgood. Waxa haddaba aakhristoow maanta looga fadhiya xisbiga qaran ee kulmiye dadaal iyo siyaasada qorsheysan oo keeni karta isbadal siyaasadeed iyo doorasho xaal ah oo aan reernimo iyo laaluush mid ku abtirsan oo aan inaga noqon tii Madaxweyne Mugabi oo kale. Waxa waajib iyo ka fiirsasho mudan golaha dhexe ee codkooda dhiibanaya iyagaanu saaran yahay xil gudashadood iyo badbaadinta xisbiga kulmiye iyo sidii loo soo saari laha mushariintii hanan kari laha islamarkaan kasban kari laha kalsoonida shacabka JSL islamarkaan lagu aamini laha qarannimadaa iyo iso soo dhaweynta shacabkeena kala daadsan iyo sugida xuduudaheena furan iyo kobcinta dhaqaalahane cakiran ee sicirbararku naafeya iyo siyaasadeedna maalinkaste jahawereerka ku jirta ee aan cadaw iyo sokey kala garan la'. Sideeba digo-rogashadu iyo isbadalku wuxu keena kara khasaro iyo faa'iido labadaba, maanta mudo dhawr sano ah ayeynu hoos joognay ama talada xisbiga gacanta ku yahay muj. Siilaanayo ama hormood ka ahaa hogaanka sare ee xisbiga, wuxu faa'iido keenayna waynu la wada socon wixi siyaasada xumo soo gaadhey xisbigan waa macruuf oo waa la ogyahay, oo waxa inoo qarsooni ma jirto oo waxaba u danbeyay shaqaaqadii ka dhalatey mudo kordhintii gurtidu ugu yaboohday madaxweynaha iyo ku xigneenkiisa ee qeyrul sharciga aheyd, waad ogeydeen madaxdii mucaariidka xisbiga kulmiye sidii looga guuleystey, ee loo mar siiyay go'aanadii iyo xilligii u madaxweyne Rayaale doorbidayay inoo qabsoomo doorashada madaxweynimada oo u yidhi waa in ay noqota bisha April 09 maantana ay gudidii doorashadu tidhi waa bisha March 09 taaso u faraqa u dhexeya yahay bil waxa ka yar, taasina waxay khilaafweyne soo kala dhex dhigtey hogaankii sare ee kulmiye oo isafgarad la'aani iyo jahawereer ku dhacay, oo ay saddexgudoomiyaba mida goonidiisa u go'aaan u gaadhey, sida aynu ula wada socono waxaynu ognahey in ey guuldaradii xilligaasi xisbiga soo waajahaday ay tahey mid aynaan qarinkarin oo loo baahan yahay in la saxo. Mudadii shirkaasi socday dhexdhexaadinta dawlada iyo mucaaridka waxa hogaankan sare ee kulmiye dhex miranaaya isafgarad la'aan sida gudoomiyaha o aaminsana in aan go'aamadii u xisbigu gaadhey ee u warbaahinta iyo saxaafadaba ka sheega aan dib looga noqon, iyo gudoomiye ku xigneenka o yidhi islamarkaasan cadeystey inoo ka hor yimaado go'aamadii xisbiga gaadhey oo sidaa ay doonaysan dawladu qalinkii ugu duugay heshiis an laga wada raali aheyn. Dhibaataasi dhacday ee isafgarad la'aanta hogaankan sare ee xisbiga waxaan runtii u aaneynaya ama ku sababeynaya doorashadii shirweynihii labad ee kulmiye, taaso labada mas'uul ee isafgaradwaago soo kala dhex galay lagu soo doortey qaab qabiil, oo labad mansaba lagu qeybsaday hab qabiil, taaso markhaati ma doon ah oo ay ka muuqato sida u maanta yahay hogaankeena sare, taasina runtii waa fadeexd kale oo wax weyne u dhimaysa hogaankeena sare. Waxa kaloon aad iyo aad ugu faraxsanahey goobta maanta lagu qabanayo shirka golaha dhexe ee xisbiga oo runtii ah goob muhiimah islamarkaan lagu soo dooranayo musharaxa madaxweynenimada iyo kuxigneenkisa oo la sheegay inuu noqon doon magaalo madaxdada G/Togdheer ee Burco oo runtii ah meeshii loogu soo wanqalay JSL ee dhidibada loogu soo taagay, waxan ilaahey ka rajeynayaa inuu noqon doono musharaxa maanta laga soo doorto madashaasi kii dalka iyo dadkaba hormor gaadhsiin lahaa. Waxan haddab leeyahay yaan maantana lagu qeybsan guri madow dhexdii masiirkii umadda iyo xisbiga kulmiye iyo ta qarannimada JSLba ee waa in ay golaha dhexe ka faa'iideysatan wixi ina soo maray oo ay doortan siyaasiga hanan kara shacabka JSL odhan hormarna in gaadhsiin kara, kalsoonida shacabka hanan kara, sidaaseynu guul ku soo hooyan karnaa kulmiyow, ee maha in aynu laba reer ku qeybsan labad jago ee madaxweynaha iyo kuxigneenkiisa. Waxan ku soo gabagabeynayaa qoraalkeygan TALADAN LA RUGIN WAA LAGU RAFAADA waa in laga fiirsada doorashaadaasi oo aan hadho la odhan sidaasi maan moodeyn in ay u noqonayso iyo iwm. Cumar Daarood Xassan Norway |