spacer
spacer
header
Riyaale VS Sharci
 Guji Garnaqsi Guji Garnaqsi
Audio News
 BBC Somali 04:00 BBC Somali 04:00
 BBC Somali 11:00 BBC Somali 11:00
 BBC Somali 14:00 BBC Somali 14:00
 BBC Somali 18:00 BBC Somali 18:00
 VOANEWS VOANEWS
 Radio Horyaal Radio Horyaal
 Radio Waaheen Radio Waaheen
 Radio Hormuud Radio Hormuud
 Radio Hargeysa Radio Hargeysa
Somaliland Link
Al-Taqwaa
Allaybaday
Aftahan
Awdalnews
Caynaba
Farshaxan
Gabiley
Gaarriye
Golisnews
MALCOLM X
Radio Somaliland
Radio Somaliland Online
Haatuf
Hadhwanaagnews
Halgannews
Hargeysa
Harowo
Hilinkatoosan
Hormoodnews
Hoygasuugaanta
Berbera
Waridaad
Jamhuuriya
Somaliland Org
Somaliland Future
Longlivesomaliland
Somaliland Times
Somaliland Talk
Somaliland News
Kulmiye Info
Saaxil
Sooyaal
Somaliland Poets
Togdheernews
Qarannews

Welcome to Somalilandcenter.com


Home arrow Articles arrow Articles arrow Reer Kulmiyow, ma runtaynu qarxinaa mise beenbaynu ku rafanaa

Reer Kulmiyow, ma runtaynu qarxinaa mise beenbaynu ku rafanaa
User Rating: / 0
PoorBest 
Sunday, 20 July 2008
Maxamud Nour (Xariif)

 

 

Reer Kulmiyow, ma runtaynu qarxinaa mise beenbaynu ku rafanaa


Inkastoo Kulmiye badi isku raacsan yahay in Jagada musharaxnimada Madaxwaynaha ee xisbiga,sida qoraallo hore lagu sheegay, Axmed Siilaanyo loogu celiyo sababo badan awgood, waxaa wali dood adagi ka jirtaa jagada M/Xigeenka. Waxaa jagadan hore u soo doontay ama damac ka hayay musharaxiin badan oo ka soo kala jeeda Gobolada Gebiley, Maroodi Jeex iyo Awdal, walina doodan meel layslama dhigin.

Waxaa jira laba figradood oo saldhig u ah doodda xulashada musharaxa madaxwaye ku xigeenka Kulmiye.Waxyna kala yihiin: Figradda hore oo odhanaysa waa in aan musharaxa madaxwaynaha iyo ku xigeenkuba aanay kasoo wada jeedin Beelaha  dhexe ee ku xigeenku noqdaa beelaha darafyada. Iyo figradda kale oo leh mar haddii aan hab-beeleed wax lagu qaybsanayn oo cod wax lagu kala helayo waxaa mar walba qasab ah in sidii ay xisbiga ugu badinayso ee uu codad badan ku heli karo la yeelo.

Si haddaba xaqiiqada dhabta ah ee meesha taal loo fahmo waxaan si cad u qeexayaa labadaa arimood tii ay ugu badinayso Kulmiye ee uu guusha ku heli karo. Isla markaan waxaan jeclaan lahaa in taageeryaasha  iyo hogaanka xisbiguba arintan talada ku darsadaan oo aynu runta isku sheegno.

Haddii aan soo qaato qaaciidadan odhanaysa darfyada, waa arin fiican oo markii hab beeleedka wax lagu qaybsanaayey inoo shaqaysay. Wali sida ka muuqata qaabdhismeedka hoggaanka sare ee xisbiga waynu ku shaqaynaynaa. Halkase weli aan la fahmin ama muranku ka jiraa waa ilaa intee in leeg ayaa loo baahan yahay in nidaamkan kawada muuqashada la isticmaalo.  Maxaase keenaya beesha reer Awdal oo Madaxweyne u sharaxan yahay in labadii xisbi ee kalena (Kulmiye&Ucid) ay M/Xigeeno u sharaxnaadan. Haddiise ay waajib muqadas ah tahay in xisbi waliba musharaxiintiisa ay ku jirto Beelaha darafyadu maxaa xisbi qudhi uga dhigi waayey Musharaxiintiisa cid ka soo jeeda Sool & Sanaag Bari. Ta kale, hore ayuu xisbiga Kulmiye u soo sharaxay Reer Awdal, isla markaan waatii cod lagu waayey, sababtun ay ahayd ama ay reer Awdal halhays ka dhigeen (Adigoo shilin heli kara maxaa summuni ku baday).  Yaan maqaalkan loo qaadan in aan reer Awdal wax u diidanahay, xaashaa lilaah, waxaan aaminsanahy in cid kast oo xayndaabka S/land ka tirsani xaq u leedahay in loo doorto jagooyinka sare ee dalka .

Mar haday sidaas tahay waa  in reer Awdal iyo reeraha kaleba aqbalaan oo runta waa- jahaan in siday xisbiga ugu badinayso la yeelo taas oo ah in la qaato figradda labaad ee ah in la eego sida xisbigu ku heli karo cod lagu hantiyi karo guusha madaxwaynanimada ee raagtay. Waxaanan anigu aaminsanahay, dad fara badan  oo reer Soomaliland ahina ay aaminsan yihiin in Musharax ka soo jeeda Gobolka Gabiley iyo maroodijeex qaybtiisa Koonfur-galbeed ilaa Woqooyi-galbeed uu xisbiga u soo hoyn karo guusha la doonayo.

Weliba markaan arinka saro ee aan muhmalka ka saaro Musharax ka soo jeeda gobolka Gebiley ayay libtu ku jirtaa sababo ay ka mid yihiin:

1. Musharax ka soo jeeda reer Gebiley wuxuu hanan karaa oo xisbiga u keeni karaa dhamaan codadka Gobolkiisa oo dhan taas oo aan garan karo codka halkaas laga heli karo.

2.  Waxa kale oo uu keeni karaa musharaxa reer Gebiley dhamaan codadka gobolka Maroodijeex qaybtiisa Koonfur-Galbeed iyo Woqooyi-Galbeed, taas oo aan iyana garan karo codadka halkaas laga heli karo marka aan eegno codadkii ka soo baxay labadaa gobol doorashooyinkii hore.

3.  Waxa kale oo uu keeni kara ama ku midoobi kara Musharaxa reer Gebiley badi ama 70% cod bixiyeyaasha gobolada waawayn ee dalka sidas Togdheer, Saaxil iyo Sanaag. Iyo gobolada cususb ee hadda la bixiyay badankooda sida Hawd iyo Oodwayne.

4. Ugu danbayntii oo aan ahayn dhamaadkii, wuxuu musharaxaasi keeni karaa marka laga tago tirada codbixiyeyaash, dhaqaale aad u buuran oo xisbigu ku hawl geli karo waqtiga Kaambaynka.

Ta kale, Kulmiye ha xasuusto wixii ka horeeyey doorashadii Marxuum Cigaal ee 1993 Markii ragii waqtigaa joogey ee SNM ka tirsanaa ku heshiin waayeen xukunkii dalka ee ay u kala baxeen Khaakh , Shiish iyo khuukh iwm, waa kuwii markay badhkood ama badidoodba xaqiiqsadeen in aanay ayagu dalka ka saari karin kadartii ama dallcaddii adkayd ee waqtigaas, waa kuwii Cigaal oo Imaaraadka iska jooga u yeedhay ee yidhi waar anagu kari weynaye kaalay dawladnimda dhaqaaji. 

Raggii berigaa cigaal u yeedhidiisa ka qayb galay oo  immikana badhkood Kulmiye ku jiraan maxaa u diidey in ay sidii berigaas oo kale yeelaan oo qaataan go’aan geesinimo leh si loogu guuleyst doorashda, islamarkaana  cod iyo dhaqaaleba loogu helo xisbiga ay u raadin waayeen qofka ku haboon kaalintaa musharax M/Xigeen xisbiga.

Maahmaah ayaa odhanaysa (Wixii indho arkayaan ayaa ilko gooyaan). Way jiraan rag xul ah oo waa la heli karaa oo waad garanaysaan ee ha la raadiyo cidda ku haboon jagadaas M/xigeen ee laga heli karo reer Gebiley, taas ayaan libta kulmiye  ee doorashadan ku jirtaa.  Mid kalena xasuuso Kulmiyow, reer Gebiley may garan waayin sida reeraha kaleba inay xoog, xeelad iyo indho iska tuur wax ku doonaan.  Hase yeeshee dhaqankooda ayaan sidaas ahayn oo waa dad samir badan oo xishooda oo danta guud ka hor mariya danaha kale oo dhan. Markalena Kulmiyow xasuusnow, Gebiley waa halkii laga aasaasay ee lga bineeyey xisbiga.  Markaa  haddii gobolkii aad u magacaabi lahayd Gabiley Kulmiyow lagaaga horeeyey, waa inaanad maanta kala masuugin Musharax M/xigeenka.

Wa bilaahi tawfiiq

Maxamud Nour (Xariif)

spacer
Reference
NSS-tii
--------
Gobolka Gabiley
 Dhul Boob Dhul Boob
 Xasan Ganey Xasan Ganey
 Cabdi Qays Cabdi Qays
 Muj: Ibrahim Maygaag Muj: Ibrahim Maygaag
 Dr:Gaboose Dr:Gaboose
 Muj:Farxaan Faacuul Muj:Farxaan Faacuul
 Muj: M. Hashi Muj: M. Hashi
 Dr:Gaboose Dr:Gaboose
 Dr:Duxood Dr:Duxood
 Saleebaan Gaal Saleebaan Gaal
 Samaale Samaale
 Maxamuud Nuur Maxamuud Nuur
 London London
 Cawke Cawke
 Bayaan Bayaan
 Muj. Cashuur Muj. Cashuur
 Muj:Xasan Ciise Muj:Xasan Ciise
 Maxamed Arabay Maxamed Arabay
 Salaadiin Salaadiin
 Xasan_Gadhweyne Xasan_Gadhweyne
Shuronet
 Halkan ka dhageyso Halkan ka dhageyso
Cartoons
Cartoons
Statistics
Visitors: 10003948


Copyright(C) 2002 Somalilandcenter.com
spacer