spacer
spacer
header
Riyaale VS Sharci
 Guji Garnaqsi Guji Garnaqsi
Audio News
 BBC Somali 04:00 BBC Somali 04:00
 BBC Somali 11:00 BBC Somali 11:00
 BBC Somali 14:00 BBC Somali 14:00
 BBC Somali 18:00 BBC Somali 18:00
 VOANEWS VOANEWS
 Radio Horyaal Radio Horyaal
 Radio Waaheen Radio Waaheen
 Radio Hormuud Radio Hormuud
 Radio Hargeysa Radio Hargeysa
Somaliland Link
Al-Taqwaa
Allaybaday
Aftahan
Awdalnews
Caynaba
Farshaxan
Gabiley
Gaarriye
Golisnews
MALCOLM X
Radio Somaliland
Radio Somaliland Online
Haatuf
Hadhwanaagnews
Halgannews
Hargeysa
Harowo
Hilinkatoosan
Hormoodnews
Hoygasuugaanta
Berbera
Waridaad
Jamhuuriya
Somaliland Org
Somaliland Future
Longlivesomaliland
Somaliland Times
Somaliland Talk
Somaliland News
Kulmiye Info
Saaxil
Sooyaal
Somaliland Poets
Togdheernews
Qarannews

Welcome to Somalilandcenter.com


Home arrow Articles arrow Articles arrow Taageerayaasha kulmiye iyo inta moogiba waa in ay fahmaan waxey tahey dimuqradeyada wanaagsani

Taageerayaasha kulmiye iyo inta moogiba waa in ay fahmaan waxey tahey dimuqradeyada wanaagsani
User Rating: / 0
PoorBest 
Sunday, 20 July 2008
Cumar Daarood Xassan

Taageerayaasha kulmiye iyo inta moogiba waa in ay fahmaan waxey tahey dimuqradeyada wanaagsani

Axsaabta qaranka iyo shacabka JSLba waxa waajib inagu ah in eynu u bislaano oo eynu barano habka dimuqradeyda wanaagsani ina fareyso iyo sida ad ugu codeyn kareyso xisbigaad doonayso adigu xor ah oo aan cidina ku qasbeyn iyo musharaxad ad ugu deeqeyso codkaaga oo ad ka baaran dagto waxqabadkiisa iyo aqoontiisa iyo sucmada u bulshada ku leeyahay oo ad qadarinayso, si aanad u khaldami markiiba ugu horeyn u fiirso barnaamijiyada siyaasadeed iyo qorshaha axsaabto soo bandhigto xilliyadda doorashooyinka iyo waliba dastoorka xisbiga u leeyahay oo aad uga baarandagto, si fiican u aakhriso waxay xanbaarsan yihiin barnaamjiyadooda siyaasadeed ee axsaabtu soo saarto xilliyadaasi doorashooyinku dhacayaan ama inagu soo dhawyihiin. 
 
Sidaa lawada ogyahay koley qodobo badan ayaa noqon kara qaar is- khilaafsan islamarkaan kala gadisan oo ku sheegay waxay ku kala gadisan yihiin barnaamjiyada asxaabtu soo bandhigto iyo musharaxiinta ay wataanba sidaasad ugu kala codeyn karta markaad fahamto ujeedooyinkooda iyo waxay ku kala gadisan yihiin, had iyo jeer waxay barnaamjiyadaasi u badan yihiin kuwo ay shacabka ku xodxodantan si ey codkooda ugu hibeeyan, waxa ka mid ah oo inta badan ay ka hadalaan baahiyaha jira xilliyadaasi doorashooyinku so dhawyihiin iyo xaaladda siyaasadeed ee u wadanku ku sugan yahay waqtigaasi,

 

Sida inta badan ay soo qaatan waxa ka mida ah.

 Haddii ey jirto dhaqaalo xumo wadanka waxay ku soo bandhigana in ey waxbadan ka qaban doonaan ama waxa ka badali doona xaaladaasi dhaqaale ee liita.

 

Haddii ey nabadgalyo xumaan jirto waxey ku soo bandhigaan barnaamiyadooda in ay waxbadan ka qaban doonan nabadgalyo xumata dalka ka jirta.

 

Haddii ey jirto dhibaatooyin iyo dibo dhaacabadan oo xaga waxbarashada, aad bey u soo dhaweyaan shacabkan u sheegaan in waxbadan ka qaban doonan iyo iwm, dhawrka qodob ee aan soo sheegay waa qodobada had iyo goor ay soo adeegsadaan axsaabto oo ay yidhaahdan waxbaanu ka qabanaynaa haddii ad noo hurtaan codkiina iyo taageeradiinaba, taaso inta badan beenowda oo aaney sidii la filayay waxba uga qaban marka ay hantiyaan codadka shacabka islamarkaan ay ey helaan wixi ay himiladood aheyd oo ah hogaaminta dalka oo ey gacanta ku qabtaan oo kaliya.
 
Waxa jira laba xilli oo runtii axsaabta iyo shacabkaba iskaga khaldan oo loo baahan yahay in la fahmo xiliyadaasi.
 
1. Mar waa  la dooranaya madaxweynihii qaranka oo waxa tartamaya axsaabta qaranku leeyahay  odhan oo fooda isdaraysa sida Kulmiye, UBUD iyo UCID kuwaaso ah xilligan axsaabti qaranka JSL oo magacayadood iyo astaantoodaba la wada garanayo, Markaasi waa doorashadii kama danbeysta aheyd oo waxa lagu jira yaan lagaa badin iyo waa car maantaba cidii ay ceebtu raacdayey. markaasi waxa la dooranayaa madaxweynahii iyo ku xigneenkiisa waxa xilligaasi looga baahan yahay  xisbi kaste inuu dadaal iyo isku duuban la yimaado oo u ujeedo qudha yeesho o ah iyaan laga badin.
 
2. Marna waa xisbiga dhexdiiso loolan siyaasadeed oo lagu soo xulayo mushariixi loo igman laha inuu tartanka xisbiga uga qeyb galo doorashada dhici doonta ee madaxweynenimada, isla waqtigaasi waxa xisbiga gudihiisa  fooda isdara xildhibaanadii iyo taageerayaashi xisbiga oo soo dooranaya mushariixi ugu codka bata ee xisbigaasi, sida maanta ba laga filayo kulmiye gudihiisa iyo golihiisa dhexe oo soo dooran doona musharaxii isu soo taagi lahaa madaxweynenimada iyo kuxigneenimada JSL.

Xilligani waa xilligii ama waa waqtigii aanu xisbiga gudihiisa ka mideysneyn oo u xildhibaankasteba xaq u leeyahay musharaxii u dooran laha isagu, oo ay afkaarta iyo aragtidu ba aad u kala duwan tahey oo ay waajib tahey inuu qeybsamo golaha dhexe ee xisbigu oo u xildhibaan kaste codkiisa ku dhiibto si xor ah isagoo taageeraya musharaxa u doonayo, waxa iyan waajib ah in ay taageerayaashu qeybsamaan oo ay u kala ololeyaan musharaxiinta ay bidayaan inuu ku habano yahay jagada madaxweynenimada iyo kuxigneenimada JSL. Arinkaasi aan kor ku soo xusay waxad mooda in aaney taageerayaal badan iyo waliba madax badani oo xisbiga kulmiyahi aaney si fiican u fahamsaneyn qaladan aaney aheyn in la qeysamo oo la kala taageero musharaxiinta doonaysa hogaanka xisbiga kulmiye ama doonaysa in ay noqdaan musharaxiinta xisbiga uga qeyb galiysa doorashada madaweynenimada iyo ku xigneenkiisa, taasi waxan ka dareemay in ay dadbadani aaney si fiican u fahmsaneyn qebysanaanta xisbiga xilligan oo kale in ay tahey waajibo muqadas ah oo u xildhibaankaste iyo taageerayaashu ay xaq u leeyihiin in ay taageeran musharaxii ay doorbidaan, xaqan ay u leeyihiin. 
 
Sidii aynu la wada soconay olalihii siyaasadeed ee dalka mareykan mudada gaaban ka socotey labad xisbi ee ugu waaweyne dalkaasi mareykan ee kala ah  xisbiga dimuqradiga ah iyo ka republicanska ah, xisbi kaste dhexdiisa waxa ka dhex miranaysey xamaasada iyo afkaar kala gadisan oo lagu taageerayayo musharaxii doorashada madaxweynenimada  uga qeyb gali lahaa xisbigooda, ilaa intii la gaadheya natiijada cidii noqon laheyd musharaxa rasmiga ah waxaba la iskuma habeynayni musharax kaste waxa la sheegayaya wixii dhaliil ah ee u leeyahay iyo wixii wanaaga ah ee u leeyahay iyo iwm taasina maha mid u ku qaladan yahay inoo dhaliilo madaxda qofkii ka tirsan taageerayaasha xisbiga ee doonaya inuu u ololeyo musharaxa u doonayo isagu, waxa muhiim ah marka ay dhamaanto codeyntu ee ey soo baxdo natiijadu in loo wada hogaansamo oo la wada taageero cidii ku guuleysata jadaasi islamarkaasina sidaasi loogu wada duceyo inuu xisbigii u noqdo musharaxa guuleysata ee isu soo taagaya madaxweynenimada dalka xilliga ay timaado doorashadu, waxakaloo taagerayaashan iyo golaha dhexeba looga baahan yahay in ey  gacmaha is wada qabsadan oo ay u diryaar garooban doorashadii guud ee qaranka JSL loogu soo dooran laha madaxweyne ah dalks mudada 5ta sano ah ee soo socota.

Waxan haddaba aakhristow ku so gabagabeynayaa qoraalkeyga waxa mudan in aynu isla fahamo xilliyada iyo marxaladaha kala duwan ee ey soo maraan axsaabta iyo musharaxiintoodu xilliyada doorashooyinku soo dhawaadan iyo sidii loo qiimeyn laha habka dimuqradeyda wanaagsan ee aynu higsanaynaa nooca ay tahey iyo ku dhaqankeeda rasmiga ah.

Cumar Daarood Xassan

Norway 

spacer
Reference
NSS-tii
--------
Gobolka Gabiley
 Dhul Boob Dhul Boob
 Xasan Ganey Xasan Ganey
 Cabdi Qays Cabdi Qays
 Muj: Ibrahim Maygaag Muj: Ibrahim Maygaag
 Dr:Gaboose Dr:Gaboose
 Muj:Farxaan Faacuul Muj:Farxaan Faacuul
 Muj: M. Hashi Muj: M. Hashi
 Dr:Gaboose Dr:Gaboose
 Dr:Duxood Dr:Duxood
 Saleebaan Gaal Saleebaan Gaal
 Samaale Samaale
 Maxamuud Nuur Maxamuud Nuur
 London London
 Cawke Cawke
 Bayaan Bayaan
 Muj. Cashuur Muj. Cashuur
 Muj:Xasan Ciise Muj:Xasan Ciise
 Maxamed Arabay Maxamed Arabay
 Salaadiin Salaadiin
 Xasan_Gadhweyne Xasan_Gadhweyne
Shuronet
 Halkan ka dhageyso Halkan ka dhageyso
Cartoons
Cartoons
Statistics
Visitors: 10003772


Copyright(C) 2002 Somalilandcenter.com
spacer