|
WAA KUMA BADHASAABKA CUSUB EE LOO MAGACAABEY GOBOLKA GABILEY? SIDEESE LOOGA DAREEMAY GABILEYO Sha |
|
Sunday, 20 July 2008 |
WAA KUMA BADHASAABKA CUSUB EE LOO MAGACAABEY GOBOLKA GABILEY? SIDEESE LOOGA DAREEMAY GABILEYO
Shabakada Wararka ee GABILEYNEWS iyadoo ka duuleysa, xiisaha ay bulsha weynta Gobolka Gabiley u qabaan in ay wax ka ogaadaan qofka uu yahey Badhsaabka Cusub ee Maanta abaaro 2dii duhurnimo uu Madexweynaha Somaliland Md Daahir Rayaale Kaahin u magacaabey Gobolka Gabiley,waxey akhristayaasheeda qiimaha leh ee kukala sugan dunida dacaladeeda iyo gudaha dalkaba halkan ugu soo gudbineysaa warbixin kooban oo ku sahabsan Badhsaabka Cusub ee Gobolka Gabiley Maxamed Axmed Aw Cabdi (Xabiib) iyo taariikhdiisa shaqo iyo aqooneed.
Maxamed Axmed Aw Cabdi (Xabiib) Badhasaabka Cusub ee loo Magacaabey Gobolka Gabiley, waxa uu hore uga soo shaqeeyey meelo kala duduwan laga soo bilaabo dalkii hore la isugu odhan jirey Soomaaliya oo uu kasoo shaqeeyay D/hoose ee magaala madaxdii Muqdisho taas oo uu xilal kala duwan kasoo qabtey intii udhaxeysey 1984kii-ilaa 1990kii, waxanu sanadkii 1991kii kamid noqdey Masuuliyiintii uhoreysey ee D/hoose ee Hargeysa,halkaas oo uu markii u horeysey kanoqdey Agaasimaha Waaxda Cashuuraha,/Agaasimaha Waaxda Maaliyada ee D/hoose,iyo Xoghayihii D/hoose ee waaxda 26ka juun, waxanu kamid noqdey, Ururkii ugu horeeyay ee Aqoonyahanada Somaliland,Waxa kale oo uu Xubin muhiim ah ka ahaa aasaasayaashii Hay,ada Wadaniga ah ee HAVAYOCO, oo uu kasoo qabtey xilal kala duduwan sida Agaasimaha Maamulka iyo Xisaabaadka,gudida joogtada ah (board of directors),iyo khasnajiga guud iyo waliba Wakiilka dalalka Scandanvianka oo uu ilaa dhawaan ahaa.
Hadii aan intaa kusoo koobono xogta kooban ee ay GABILEYNEWS kasoo ururisey Badhsaabka Cusub ee Gobolka Gabiley Md Maxamed Axmed Aw Cabdi (Xabiib), Dhinaca kale wararka ku sahabsan Magacaabista Badhsaabka Gobolka Gabiley ayaa Galabta iyaduna Magaalada Gabiley ka abuurtey Xiisad Cusub oo Dadweynaha reer Gabiley ugu diyaar Garoobayaan Soo dhaweynta Maamulka Cusub ee Gobolka loosoo Magacaabey,iyadoo shucuurta dadka ay ka muuqatey iney u ooman yihiin maamul Daacad ah oo wax kabadala dhibaatooyinka dhinaca maamulka ee saameynta ku yeeshay guud ahaanba deegaanka Gobolka Gabiley, Waxana arintaasi aad looga dareemayey saacadihii u danbeeyay oo dadweyne aad u tiro badani Shabakada Waraka GABILEYNEWS usoo direen Emailo badan iyo waliba khatka telefoonka oo ay ku Hanbelyeynayaan Badhsaabka Cusub ee loo Magacaabey Gobolka Gabiley
XG: Gabileynews |