spacer
spacer
header
Riyaale VS Sharci
 Guji Garnaqsi Guji Garnaqsi
Audio News
 BBC Somali 04:00 BBC Somali 04:00
 BBC Somali 11:00 BBC Somali 11:00
 BBC Somali 14:00 BBC Somali 14:00
 BBC Somali 18:00 BBC Somali 18:00
 VOANEWS VOANEWS
 Radio Horyaal Radio Horyaal
 Radio Waaheen Radio Waaheen
 Radio Hormuud Radio Hormuud
 Radio Hargeysa Radio Hargeysa
Somaliland Link
Al-Taqwaa
Allaybaday
Aftahan
Awdalnews
Caynaba
Farshaxan
Gabiley
Gaarriye
Golisnews
MALCOLM X
Radio Somaliland
Radio Somaliland Online
Haatuf
Hadhwanaagnews
Halgannews
Hargeysa
Harowo
Hilinkatoosan
Hormoodnews
Hoygasuugaanta
Berbera
Waridaad
Jamhuuriya
Somaliland Org
Somaliland Future
Longlivesomaliland
Somaliland Times
Somaliland Talk
Somaliland News
Kulmiye Info
Saaxil
Sooyaal
Somaliland Poets
Togdheernews
Qarannews

Welcome to Somalilandcenter.com


Home arrow Blog arrow Golayaasha Guurtida iyo Wakiillada oo ka jawaabey Xaaladda ka aloosan heshiiska Dhoofka Xoolaha

Golayaasha Guurtida iyo Wakiillada oo ka jawaabey Xaaladda ka aloosan heshiiska Dhoofka Xoolaha
User Rating: / 0
PoorBest 
Tuesday, 22 July 2008

Golayaasha Guurtida iyo Wakiillada oo ka jawaabey Xaaladda ka aloosan heshiiska Dhoofka Xoolaha

Labada Gole ee Guurtida iyo Wakiillada Somaliland ayaa siyaalo kala duwan uga jawaabey khilaafka u dhexeeya xukuumadda iyo Ganacsatada muwaaddiniinta ah ee xoolaha, kaas oo abuuray xaalad xasaasi ah.

Golaha Wakiillada ayaa Axaddii guddi 8 xubnood ah u magacaabay xaaladda ka aloosan ganacsiga xoolaha nool ee Somaliland oo xukuumaddu kooto ugu xidhay maalqabeen Sucuudi ah, isla markaana ay si weyn uga soo horjeedaan ganacsatada xoolaha ee muwaaddiniinta ah.

Guddida oo shirguddoonku saaray, kadib markii Guddida Ganacsatadu cabasho la hortageen golaha Axaddii, waxana uu guddidu isla maalintaa la kulmay Ganacsatada oo uu ka xogwarraystay heshiiska xukuumaddu la gashay Al Jaabiri iyo sida ay u arkaan, kaas oo ay ganacsatadu ku tilmaameen mid sharci darro ah oo aan waafaqsanayn Dastuurka, iyaga oo sheegay inay u halgamayaan xuquuqdooda dastuuriga ah.

Xukuumadda Somaliland ayaa habeenkii Axaddu soo gelaysey xidhay Guddoomiyaha Guddida Ganacsatada xoolaha, Mr. Cabdillaahi Maxamed Cabdiraxmaan, iyada oo la sheegay in xubno kale oo guddidaas ahna la doondoonayo, lana armay in la xidho, kadib markii Guddida ganacsatadu ay ku gacansaydheen heshiis Daahir Riyaale la gaadhey Maalqabeenka Al Jaabiri, kaas oo uu ugu talagalay inuu wax kaga qabto cabashada ganacsatada ee heshiiska kootada ay ugu xidhay dhoofka xoolaha. Waxaana uu ilaa iyo hadda ku xidhan yahay xarunta CID-da.

Sidoo kale, Golaha Guurtida oo ku gudajira doodda ajandaha kalfadhigooda 36aad ee ku saabsan xaaladda siyaasadda ee gudaha dalka, ayaa xildhibaanadu waxay si adag u cambaareeyeen heshiiska xukuumaddu kootada uga xidhay ganacsiga xoolaha ninka Carbeed ee Al Jaabiri, iyada oo ay mudanayaal door ahi ay caddeeyeen in heshiiskaasi uu yahay mid sharci darro ah oo ka soo horjeeda Dastuurka.

Waxa kale oo ay mudanayaashu aad uga doodeen sicir bararka maciishadda. Waxayna ku taliyeen in talo qaran laga yeesho arrimahan sicir bararka maceeshadda iyo kootada dhoofka xoolaha.

Guddida Golaha Wakiillada waxa kale oo la filayaa inay la kulmaan dhinaca xukuumadda oo ay wax ka weydiiyaan heshiiskaas.

Waxa la filayaa in xadhigga Guddoomiyuhu uu ka dhashay hanjabaad ka soo yeedhay ganacsatada xoolaha oo ah in ay dekedda Berbera ka dhoofinayaan xoolahooda, cid ay fasax weydiisanayaanna aanay jirin, iyada oo qaar ka mid ah xoolahooduna ay haddaba ku sugan yihiin Berbera.

Xukuumadda ayaa iyaduna abaabushey dad sheeganaya ganacsatada xoolaha oo difaacaya heshiiska kootada ganacsiga xoolaha ee xukuumaddu la gashay Al Jaabiri, waxaana warbaahinta dowladda ka baxaya baaqyo iyo shirar jaraa’id oo ay xukuumaddu u soo abaabushey taageerada heshiiska.

 

C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.

XG: Somaliland.org

spacer
Reference
NSS-tii
--------
Gobolka Gabiley
 Dhul Boob Dhul Boob
 Xasan Ganey Xasan Ganey
 Cabdi Qays Cabdi Qays
 Muj: Ibrahim Maygaag Muj: Ibrahim Maygaag
 Dr:Gaboose Dr:Gaboose
 Muj:Farxaan Faacuul Muj:Farxaan Faacuul
 Muj: M. Hashi Muj: M. Hashi
 Dr:Gaboose Dr:Gaboose
 Dr:Duxood Dr:Duxood
 Saleebaan Gaal Saleebaan Gaal
 Samaale Samaale
 Maxamuud Nuur Maxamuud Nuur
 London London
 Cawke Cawke
 Bayaan Bayaan
 Muj. Cashuur Muj. Cashuur
 Muj:Xasan Ciise Muj:Xasan Ciise
 Maxamed Arabay Maxamed Arabay
 Salaadiin Salaadiin
 Xasan_Gadhweyne Xasan_Gadhweyne
Shuronet
 Halkan ka dhageyso Halkan ka dhageyso
Cartoons
Cartoons
Statistics
Visitors: 10003985


Copyright(C) 2002 Somalilandcenter.com
spacer