|
Cali Cumar Xasan
Gabiiley: Dugsiga sare ee Timo-cade iyo Xidigihii ifka dheeraa ee ka soo mudh-baxay
Qarnigii labaatanaad badhtamahiisii ayaa ay ka unkantay waxbarasho jaad cusub ahi dalkeena Somaliland, waxa dadaal iyo dhabar adayg badan oo ay sameeyeen dad indheergarad ahi ka dib, suurtagal noqday in dugsiyo laga dhiso dalkeena. Meelaha cawada u helay in laga furo dugsi ayay hadaba Gabiiley ka mid noqotay waxana ka tis-qaaday dugsi dhexe oo Hooy ah waa Qalax-e iyo qayb kale oo dugsi sare ah oo mar danbe lagu kordhiyay, waa dugsigii sare eeTimo-cade-e. Dhamaadkii 50-dii ayaa afaafkiisa la furay dugsigii faca waynaa ee Qalax oo ka mid ahaa, dhawrkii dugsi ee Hooy-ga ahaa ee doorka wayn ka ciyaaray soo saarka dadka wax u bartay dalka Somaliland, kuwaasoo ninba taagtii iyo tamartii hagrasho la' i uga qayb qaatay hor-u-marinta dadkooda iyo dalkooda, inta hadaba daafaaha aduunka ku kala nool maanta, aan yara xasuusiyo ardaydii reer Qalax magacyada guryihii la seexan jiray '' Botor, Laag-barako, shariif Cali iyo wadajir''!. Bal xasuustaada dib ugu celi sarirahii Carabiyadaha ahaa iyo dadaalkii wax barasho ee yaalay Qalax. Magacan qalax meel uu ka yimid waan ku guulaysan waayay inaan helo, inkastoon ka mid ahaa ardaydii ugu mudoda dheerayd ee soo marta dugsigaa oon ku jiray 7 sano, weliba aan isku hawlay inaan ogaado waxa uu u taagan tahay. Waxa sanadihii 1975-76-kii lagu biiriyay dugsigii dhexe ee Qalax, qayb cusub oo kale oo laga dhigay dugsi sare looguna magac daray gabayagii wadaniga ahaa ee Cabdilahi Suldaan '' timo-cade'' allah ha u naxaristee, kooxdii u horaysay waxay ka qalin jabisay dugsigan sare sanadkii 1978-79-kii, waxa kooxdaa ka dibna uu dugsigu soo saarayay Gu kasta arday ay aad iyo aad tayadooda wax barasho u sarayso, oo ka muuqda madalaha wax barasho ee heer kastaba leh. Hadii aanan seeganayn, magacyada xasuustayda weli ku yaala ee Xidigaha reer timo-cade ahaa, uguna cadcadaa kalaasyadooda, oon hubo in meel kasta oo waxbarasho lagu hayay ooy tageena ka noqdeen kuwa ka iftiima, waxa ka mid ahaa iyaga oo magacyo ahaan iskugu xiga siday u kala horeeyeen fasal ahaan,- 1- Maxamed-Cali '' boqore'' ..............kooxdii ugu horaysay ee ka qalin jabisa Timo-cade '' 1979''. 2- C/qaadir laba-dhako iyo C/lahi sh, muxumad Gabobe, . 3- Daahir Cali Cabdilahi '' xabashi''. 4- Cabdi khalif wayrax '' awray''. 5- Cali-sayid sh. Muxumed Saleebaan. 6- Axmed Muuse iyo ........ ? 7- Dheg-jar aw Xasan Xuseen. -Waxa xasuus mudan ragii raga ahaa ee sida hagar la' aanta ah u tuujiyay maskaxdooda ee macalimiinta dugsigan Timo-cade ahaa, ee soo saaray ragan dusha ku qoran iyo kuwa kale oo fara badan oon laftarkoodu la laalaadin kuwa dusha, waxa ka mid ahaa, Maxamuud afay, Liibaan, sh, Cabdilahi Suufi, C/laahi axmed shirdoon, Bulle. Sacad, Cali jaamac, Cabdi Askar, Mawliid dheere. Af-xakame iyo macalimiin kale oo badan oo wada sharfan Ma maqashay in degaamadu ku kala fiican yahiin ku dhaqashada xoolaha, oo meelo aad loogu amaansado Ishinka, adhiga ama Gamaanka, waa meelaha la yidhaa '' dal-san-e '', meelaha qaarna loogala ooyo, oo lagala fogaado? Waxan hoosta iska leeyahay faana ha iga ahaatee, degaanka qodaalka la yidhaa ee Somaliland dadka ku barbaaraa aad ayay ugu fiican yihiin wax barashada, waxse ugu wacan ma garan, malaha Gorowgaa wax ku jiraa, bal garowga ha loo yaado yeesho !!! Dagaaladii iyo waayahii la galay 1988-kii ilaa hada, waxay hakiyeen ardaydii ka soo baxi jirtay dugsiyadii Hooyga ahaa gabi ahaanba, waana kaalin muhiima oon tabayno oo u baahan inaan dib u bilowno oo xoog la saaro si ardayda meelaha ka baxsan magaalooyinka waawayn ku nooli, u helaan fursad wax barasho, hadii aan xaga Timo-cade u leexdona waxan leeyahay reer Gabiley Hanbalyo, hadii maanta loo qalab qaatay dib u dhiska dugsigii sare ee Hooyga ahaa ee Timo-cade, Dugsigaasi inagama gafobine wuu inaga yara gaagaxay ee ha loo guntado oo ha loo kaco, waxa uu wax wayn ka tari doonaa baahida gobolka iyo ta dalkaba ee wax barasho, kuna darsoo '' shinidu waa tii uun qodaalkuna waa kii uun'' , dhawaan waxa laga goosan sidii caadada u ahayd TIMO-CADE amadsan oo anfaca dhulkeena hooyo ee Somaliland, oo la mid aha ragaa sare. Dugsigaa Hooyga ahi waxa uu dhali doonaa jaamacad ee ha loo dadaalo taabogalintiisa. Somaliland ha jirto oo ha joogto. Cali Cumar Xasan |