Dahir Riyaale oo dikreeto ku soo saaray maalinta ay bilaabanayso Diiwaangelinta Codbixiyayaashu
Hoggaamiyaha xisbiga talada haya ee UDUB, mudane Daahir Riyaale ayaa maanta soo saaray xeer uu ku cayimayo maalinta ay dalka ka bilaabmayso diiwaangelinta codbixiyayaasha. Sida uu sheegay warsaxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada, mudane Riyaale waxa uu u cayimay inay dalka ka bilaabanto diiwaangelinta codbixiyayaasha doorashadu 04 Oktoober, 2008 oo ah maalin salaasa ah. Mudane Riyaale waxa uu xeerkan soo saaray – sida warsaxaafadeedku sheegay – “markuu arkay qodobka 99aad ee Dastuurka Qaranka, markuu arkay qodobka 14-aad , farqadiisa Koowaad ee xeerka doorashooyinka Golayaasha Deegaanada iyo Madaxtooyada Xeer Lr:20/2001, markuu arkay qodobka 12-aad farqadiisa 6-aad ee xeerka diiwaan gelinta codbixiyayaasha xeer Lr. 37/22007, markuu tix geliyay soo jeedinta gudida doorashooyinka Qaranka ee wakhtiga diiwaan gelinta doorashooyinka.” Guddida doorashooyinka Qaranka iyo Saddexda xisbi ayaa dhowaan isla ogolaaday jadwalka qorshe hawleedka Diiwaangelinta iyo doorashooyinka. Waxana uu dhigayaa in diiwaangelintu ay dhammaanayso dabayaaqada December 2008, doorashada Madaxtooyaduna ay qabsoomayso 29 March 2009. C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa. XG: Somaliland.org |