spacer
spacer
header
Riyaale VS Sharci
 Guji Garnaqsi Guji Garnaqsi
Audio News
 BBC Somali 04:00 BBC Somali 04:00
 BBC Somali 11:00 BBC Somali 11:00
 BBC Somali 14:00 BBC Somali 14:00
 BBC Somali 18:00 BBC Somali 18:00
 VOANEWS VOANEWS
 Radio Horyaal Radio Horyaal
 Radio Waaheen Radio Waaheen
 Radio Hormuud Radio Hormuud
 Radio Hargeysa Radio Hargeysa
Reference
 Xasan Ganey Xasan Ganey
 Muj: Ibrahim Maygaag Muj: Ibrahim Maygaag
 Dr:Gaboose Dr:Gaboose
 Muj:Farxaan Faacuul Muj:Farxaan Faacuul
 Muj: M. Hashi Muj: M. Hashi
 Dr:Gaboose Dr:Gaboose
 Dr:Duxood Dr:Duxood
 Dhul Boob Dhul Boob
 Saleebaan Gaal Saleebaan Gaal
 Samaale Samaale
 Maxamuud Nuur Maxamuud Nuur
 London London
 Cawke Cawke
 Bayaan Bayaan
 Muj. Cashuur Muj. Cashuur
 Muj:Xasan Ciise Muj:Xasan Ciise
 Maxamed Arabay Maxamed Arabay
 Salaadiin Salaadiin
 Xasan_Gadhweyne Xasan_Gadhweyne
Somaliland Link
Al-Taqwaa
Allaybaday
Aftahan
Awdalnews
Caynaba
Farshaxan
Gabiley
Gaarriye
Golisnews
MALCOLM X
Radio Somaliland
Radio Somaliland Online
Haatuf
Hadhwanaagnews
Halgannews
Hargeysa
Harowo
Hilinkatoosan
Hormoodnews
Hoygasuugaanta
Berbera
Iftin
Jamhuuriya
Somaliland Org
Somaliland Future
Longlivesomaliland
Somaliland Times
Somaliland Talk
Somaliland News
Kulmiye Info
Saaxil
Sooyaal
Somaliland Poets
Togdheernews
Qarannews

Welcome to Somalilandcenter.com


Home arrow Articles arrow Articles arrow Kumuu ahaa Maxamed Xaji Ducaale Axmed-yare yaase u bixiyey Ninkii? (the man of the East)?

Kumuu ahaa Maxamed Xaji Ducaale Axmed-yare yaase u bixiyey Ninkii? (the man of the East)?
User Rating: / 0
PoorBest 
Saturday, 03 May 2008
Ahmed H. Yuusuf DualehAxmed X.Yussuf Ducaale, London, UK

 

Kumuu ahaa Maxamed xaaji Ducaale Axmed-yare yaase u bixiyey Ninkii? (the man of the East)?  

 

 
Maxamed Xaaji Ducaale Axmed, Alla hawnaxariistee wuxu ku dhashay magaalada Gar'adag ee G.Sanaag 1914 kii. Haalkaasoo ahayd dalsan ay dadka iyo xooluhuba ceel haye ka ahaayeen hadana ah degmo aad ugu tallaabsatay horuumar la'wada ogyahay.
 
Wuxuu malcaamad qur'aanta ka bilaabay Ceerigaabo, wuxuu ugasii gudbey Madarasaddii caanka ahayd ee Fallaax ee kutaalley Berbera wuxuna muujiyey faham iyo niyad hanaysan ooy ka muuqatey yool iyo tiigsi aqooneed. Isagoo oon badani u hayey tacliinta ayuu u sadcaalay magaalada Herer & Dirir-dhabe wuxuna markiiba halkaa ka bilaabay waxbarasho sare oo ku soo qaatay Lluqadda Carabiga.
 
Maqfuurku markuu soo bartay tacliin wanaagsan intii Eebbe uga qadderey ayuu ku soo laabtay dhulkii la odhan jirey British Somaliland haduu soo gaadhay degaankii uu ka soo jeedey ee hada loo yaqaan Sanaagna, wuxu Marxuumku kusoo beegmay iyadoo uu
Caaqilkii Beeshiisu Xasan Dhunkaal Axmed Alla HN mudo sii mootanyahay Beeshuna gudaheeda dil iyo dakano ku kala maqantahay cidina ka wada hadlin ciilqab iyo cadho sokeeyena caaro afaysatay.
 
Alla hawnaxariistee maxamed X Ducaale wuxu bilaabay inuu dhibaatada jirta wax ka qabto
isagoo talo tusmo taakulo weydiistey oo ula tegey aabihii Xaaji Ducaale Axmed-yare iyo adeeradii oo qoodh iyo xeroba dhaqnaa waagaas. Gacan qabasho iyo is barbar taag ayuu ka helay aabihii iyo adeeradiiba iyo dabcan tolweynihiiba, wuxuna u gunti giijistay inuu heshiis ka dhex raadsho xigtadii. Isagoo u ballan qaaday 2dii qoys ee dilka tirsanayey inuu jifidii oo dhogor ah siinayo kana codsaday inay iska ilaawaan aar-goosi. Way ka aqbaleen iyadoo uu wer-wer kaga jiro sida uu mar u wada bixinayo ayuu gacan-qaad ku sagootiyey.
 
Ilaahay janadii haka waraabiyee wuxu tegey Ceerigaabo wuxuna la' kulmay DC gii (District commisioner) oo ahaa nin cad oo ingiriis ah wuxu u sheegay inuu yahay Caaqilkii ka dhintay beesha Axmed Faarax biciide inaadeerkii, doonayona inuu reerkooda wixii ku kala maqnaa u kala doono maxkamad iyo muraado kale oo kala fogeeyana laga dhawro.
 
DC gii aad buu ula yaabay ninkan dhallinyarada ah ee hawsha intaa le'eg ku dhiiranaya isagoo shakigaa qabana wuxu ku yidhi miyaad suura gelin kartaa inaad jifida u kala mariso 2da dil ee Axmed Farax Biciide ku kala maqan? Maxame X. Ducaale wuxu ku jawaabey nacam waan u kala dhamaynayaa. DC giina wuu soo dhoweeyey hawlkarnimada uu muujiyey Dhoolayare.
 
Marxuumku wuxu kasoo caraabbay Ceerigaabo isla markuu Ceel-afweyn yimina wuxu gacan geliyey hawshii uu watey. Labadii qoys ee dilka tirsanayey ayuu u keenay jifidii oo dhogor ah iyadoo mudo koobani u dhaxaysey weliba jifiyaha mid-ahaan wuxu ka gooyey geela aabihii iyo adeerkii Xuseen Axmed-yare.
 
Beeshii ayaa waxay u aragtay marxuumka mucjiso Ilaahay usoo diray waxana laga codsaday inuu u qabto Caaqil-nimadii iyadoo aan filayo in cimrigiisu ahaa waqtigaas waxaan ka fogeen 22 gu'. Halkaa ayaa caleema-saaray oo lagu gudoonsiiyey inuu noqdo Caaqlka Axmed Faarax Biciide dhammaadkii 1935. Waxanuu noqday Caaqilkii 7aad ee beesha AFB isla markaana wuxu ahaa Caaqilkii ugu da'da yaraa maxmiyadda British Somaliland.
 
Wuxuu ahaa ganacsade isku xidha Berbera, Conqor, iyo Cadan.  waxa xarun iyo sal u ahayd magaalo xeebeeddii CONQOR oo waagaas aad u cammirayd doonyuhuna jaaraa ka hayeen iyagoo ka qaadi jirey Beeyada, dhuxul dhagaxda, hargaha, xoolaha nool, iyo dabcan bucshirado badan oo ka iman jirtey Cadan. Alla hawnaxriistee wuxu ka hirgeliyey magaalada Cadan xaafadda Macalla guri weyn oo qaybi ahayd bakhaar aad u weyn oo lagu soo dejiyo Beeyada laguna safeeyo isagoo la' kaashaday dhismihiisa AHN Xaaji Xasan Axmed. Dhammaadkii dagaalkii labaad ee aduunka ayuu usoo wareejey ganacsigiisii Ceel afweyn halkaasoo u noqotay sal fadhigiisa rasmiga ah ilaa dhamaadkii noloshiisa.
 
Alla HA wuxu ahaa nin naftiisa iyo maalkiisaba u hibeeyey waxbarashada jeclaana in dadka wax la' baro oo lagu tabco, isagoo taa ka duulayana wuxu qaatay mas'uuliyda wax-barasho ee mujaahidkii halgankii SNM caanka ku ahaa ee Muusa Xasan Dhunkaal (Muusa-Bidaar) oo agoon ahaa inaadeerkii ka tegey. Muuse markuu dhamaystay School-ka dhexe ee Shiikh kamay jirin dalka haba-yaraatee School sare waagaa, marxuumku wuxuu go'aansaday inuu u diro Muuse-bidaar dalka Masar si uu uga soo dhamaysto secondary School-ka, isagoo mushaharkiisana masaariif uga dhigay oo uu awood u siiyey (power of attorney) in safaaradda Ingiriisku halkaa waa Qaahira e' (Masar) ku siiso Muusa-Bidaar.
 
Maqfuurku sanadkii siiga-sase 1950 ee dadku caydhoobey ee lagu soo hoydey tuulooyinka iyo magaalooyinka ayuu ku fekerey inuu dugsi (School) ka dhiso Ceel-afweyn.
 
Wuxu la' soo qaaday dawladii ingiriiska iyo dad kaleba fekerkiisaa, hase ahaatee muuka helin soo dhoweyn iyo dhiirrigelin iyagoo ku gudbey qoladii tacliintu in aan laga helayn caruur daboosha dugsi la' furo macallina lagu khasaarayn karayn.
 
Maxamed Xaaji  Ducaale AHN wuxu gacanta ku qabtay mag ka soo hoyatey nin beeshiisa ahaa oo la' dilay, magtaas ayuu go'aan qadhaadh ku goostay inuu School ku dhiso waana bilaabay. Wuxuu suuf iyo xanjeeyoba wuxu dhamaystiray (Ail-afwein primary School)
maantana loo yaqaan dugsiga hoose ee (Dhoola-yare) ee Ceel-afweyn.
 
Maqfuurku wuxu ka codsaday Maxamuud Axmed Cali AHN inuu macallimiin u qoro isagoo dareensiiyey inay iyagu dhismihii la' yimaadeen. Nasiib darro waxa loogu jawaabey School kani nooma diiwaan gashana sidaas darteedna mahaa sharci in macallin la' keeno meel aan diiwaan gashanayn.  
 
Halkaa iyadoo taagan ayuu DC gii u bandhigay qorshihiisa iyo sida uu rabo inu u suura geliyo School Ceel-afweyn, wuxuna iftiimiyey inuu rabo in seere laga sameeyo magaalada hareereheeda si wiilasha School-ka gala loogu geliyo seerahaas 2 halaad oo caanaha looga liso qaarna loogu iibiyo sidaana dadka wax lagu baro. DC giibaa la' dhacay fekradii, wuxuna ku yidhi waxad tahay Ninkii bariga  (you are the man of the East) Wuxuna maalintaa DC-gu u sheegay inuu u diyaar garoobo safar dheer oo loogu baxayo London UK si uu uga qayb galo caleema- saarkii boqoroda (coronation) Queen Elizebith the 2nd ee dhacayey 1953kii loogana imanayey caleema saarkeeda dhulkii uu xukumayey Ingiriisku.
 
Maxamed Xaaji Ducaale AHN wuxuu ka mid noqday/ahaa lixdii nin ee laga soo xulay 6dii District ee ay ka koobnayd mustacmaradii la'odhan jiray British Somaliland si ay uga qayb galaan caleema saarkii (coronation) Boqorada Ingiriiska Queen Elizabeth the 2nd ee 1953kii.
Lasoco Qaybta 2aad
ammaano Alla,
Axmed X.Yussuf Ducaale, London, UK.

 

spacer
Shuronet
 Halkan ka dhageyso Halkan ka dhageyso
Polls
Doorashada Somaliland ee sanadka 2008.
  
Cartoons
Cartoons
Statistics
Visitors: 9749272


Copyright(C) 2002 Somalilandcenter.com
spacer