|
Cali Cumar Xasan
1-da May darteed iyo Somaliland. Horta, shaqo maxay tahay? ma ka maarmi karnaa shaqada? Su'aalahaa markaan dhab uga jawaabno, waxa dhab ah inuu qof kasta oo taabo gal ahiba, garan karno inay shaqadu tahay, wax la'aanteed aanay nololiba suurtagal ahayn, waayo? shaqadu jaadkay doontaba ha ahaato, ha waydsanaato ama ha shishlaato dheefteeduye nacis ma leh, waana halkaad/meeshaad ka helaysay waxaad ku noolaan lahayd! Sidaa darteed hadaba waxa loo baahan yahay in dhalinyarada Somaliland guud haan, gaar ahaana dhalinyarada inuun wax-barasho ku lug lehi, ay bedesho sida iyo waxa ay shaqada ka fahansan yihiin, waxa haboon in caadada ah, in ardaygu aanu shaqo qaban aan ahayn tu xafiis ama tu fudud in la bedelo, ma garan anigu weli dhaqankaa kibirka doqonimada ah huwan ee dugsiyada yaalaa meesha uu ka yimid, ee ah in ardayga loo barbaariyo inuu yahay mid ka duwan bulshada inteeda kale, dhaqan fiican oo in la kala dhaxlo ku haboon maaha. Dhulkeenu waa dhul aan warshado iyo shirkado iyo Hantiileh-yaal badan oo loo shaqeyo lahayn, waa dhul aan daaro dhaadheer oo quruxoon oo xafiisyo ku dhexyaalaan lahayn, waa dhul aan Limosiino, Mersadis-Bens ama Royal Rooys iwm lahayn, waa se dhul leh, waxii Hooyadeen iyo Aabaheen inagu soo koriyeen, oo ahaa Xoolo yar oo marna gudhan marna irmaanaada, Beero marna ba' a marna waxoogaa laga helo, Ganacsi yaroo marna lagaa amaahdo marna lagu siiyo lacagta, ama si kaleba u soo madhuudhaynayay nolol maalmodka reerka. Markaa inaan u dudnaa waxaynaan ahayn ama aynaan heli karayn oo aynu u diidnaa waxaan ku noolayn inaan ka shaqaysano may haboon tahay? jawaabtu waa Maya. Waxa hadaba mudan in Dhalinyarada Somaliland marka hore garato, dhulku isma dhiso ee dadkiisaa hore-u-marsada, dhalinyarada kolba u kacda dhulka ayaa ama noolaysa ama disha dhulka, waxan anigu marag idinka ahay inaanu dhulkeenu lahayn waxii nolosha fudaydin lahaa, waxase uu leeyahay hadii si fiican loo hawlgaliyo waxii keeni lahaa bilowga nolosha, oo ah maskaxdiina iyo muruqiina cusub, hadaba idinka ayaa ay idinku xidhan tahay inaad ugu faa-iidaysaan dalkiina iyo dadkiina, tuujinta garashadiina iyo maalista muruqiinuba iyo inaad la kanbadhudhaan gidaarada ama majlisyada lagu qayilo! Dalalka hore u maray, sida Yurub, Maraykanka iwm, ma fududa noloshu, maaha waxa quruxda badan ee aan ka daawano Filimada Hollywood, runtu sidaa way ka duwan tahay, ninka ardayga ah ee u dhashay dalalkani waxa uu ka shaqeeyaa shaqada ugu adag uguna hoosaysa ee ugu lacagta yar leh, sida Dhul nadiifinta, Beero haramaynta, Xamaalista, Huteelo goglista, Baabbuur maydhida iyo waxx kasta oon cid kale ka shaqayn ee dadka kale diidaan, Halka inagana aad moodo in Dhalinyarada waxbarashada ku jirta ama dhamaysayba ay isku qoondeeyaan ama bulshaduba ku ogolshahay inaanay shaqo kale, jaadkay doonta ha lahaatee qaban, hadaanay helayn shaqo fiican oo lacag badan ama awood badan leh, taasi oo ah marka aad eegto runta iyo halka aynu joogno oo ah Afric oo weliba Somaliland ah, waxaan suurta gal ahayn, waxa fiican in dhalinyaradu garato in shaqo la' aantu tahay wax laga khajilo, shaqadu-se aanay miday doontaba ha ahaatee ceeb lahayn. Gabagabada maqaalkan yar waxan leeyahay. Dhalinyaradu ha ogaato in looga fadhiyo wax qabad badan iyo dadaal badan oo dhan kastaba ah, haday tahay tooda, ta dadkooda iyo dalkoodaba, waar fadhiga ka kaca oo dalkiinii baad haysataan oo idiin xor ahee ka shaqaysta oo maskaxda dhalaaliya, aheey ah, Alahayaw nin aan wax ogayn ha cadaabin!!. Intan yaree hoosena ku darso tirada,- -Gob waxad ku tahay dhulkaaga, dhoofka waa lagu gunoobaa, waxba shilimada yar ee dibadaha laga soo diro , ama daaraha la dhisay ha eegina! waxa jira waxyaaba kale oo badan oon la sheegayan, ka sokow ciilka iyo qiima jabanaiaada qof ahaaneed ee qurbaha yaala, Imisaa rag ku maqan badaha baaca dheer leh, oon lahayn raq iyo ruux, imisaa miyir iyo maan toona lahayn, imisaa farta dhexda ka qaniinsan oo meel ay wax ka qabtaan la, imisaa cir kaa dheer dhul kaa dheer ku jirta oo dalkii aan ku noqon karin dibadana aan waxba ku haysan, imisaa Oori iyo Saygeedii kale irdhoobay, imisaa wiilal barbaara la doorsaday, imisaa gabadh shabad ah shaaca qaaday!!! Dhalintaay dhulkaaga aamin oo ka shaqayso. Somaliland ha jirto oo ha joogto. Cali Cumar Xasan |