|
Sunday, 04 May 2008 |
Abdalla FAREH
Awr Kiraale Ina Bullaale SC, ma ninkii aan ogaa ee Buuhoodle cashuurta dawlada hoose loo soo ururiyo qaadka siisan jray, dabadeedna la xidhi jirey, Ina Bulaale niman ku aqoon u sheeke. Waxaanu kala garanayn inay laba kala yihiin dawladda iyo xisbigu. Wuxuu u hadlaya sidii nin xukuumadda xubin ka ah ama ba NSS iyo CID iyo saldhig police. Ma uu garanayo professionkiisu wuxuu yahay. Waxaa loo liqimay dadka inuu iska aflagaadeeyo, sidaana uu qaadkiisa ku qaato. Dhinac walba u saydho, bidix iyo midig, ilayn waa awr kiraalee! Bal ha inoo sheego xisbiga uu leeyahay waan ka tirsanahay goortu golihiisa dhexe shirayo, ama gudida fulintu kuwa ay yihiin, intuu rag talaabsaday oo taabo qaaday, oo dimuqraadiyadii dadka u soo bandhigay, oo doorasho galay, inta ugu hanjebayo jeelka Mandheera. Waar hadhkaaga hayska saarin yaa yidhaahda. Laakin maxaan kaga daalaya ilayn marba ninkii meheradda hayuu maasuuli ugu shaqeeyaaye. Mabda la'aantu waa belaayo. Odaygu haatan cimrina umuu hadhine muu Tooooooooooooooba intii hore ku dhaafo. Isma dhaafno Abdalla FAREH
|