|
Taliyaha Bileyska Somaliland, Saqadhi Dubad, ayaa si kala duwan uga hadlay eedda loo haysto Abshir Xasan Xaashi, madaxii hore ee Gaadiidka Madaxtooyada oo ay ciidanka Bileysku Khamiistii xabsiga u taxaabeen, kadib markii ay si argagax leh uga qabteen Hotelka Imperial oo uu wakhtigaas ku sugnaa, iyadoo sida la sheegay loo geystay garaac qoriga dabadiisa ah xoogna lagu saaray gaadhi bileysku leeyahay.
Taliyaha Bileyska ayaa sida laga baahiyay idaacadda BBC-da laanteeda Af-Soomaaliga u sheegay in Abshir Xasan loo haysto Aflagaado uu sheegay inuu u geystay Qoyska Madaxtooyada. Sidoo kale Shabakadda internet-ka ee Hadhwanaagnews ayaa daabacday isla habeenimadii Khamiistii inuu Taliyaha Bileysku u sheegay in Abshir loo haysto Aflagaado iyo dambiyo oo mar hore galay oo loo raadinayay.
Hase yeeshee Taliyaha Bileyska ayaa war uu siiyay shalay Idaacadda Radio Hargeysa ku beeniyay warkiisii hore ee uu siiyay Laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da iyo warbaahinta kale, waxaanu sheegay in aan loo haysan dambi la xidhiidha aflagaado uu u geystay Madaxtooyada ee loo haysto Abshir Xasan dambiyo kale oo uu galay, laakiin taliyuhu ma sheegin dambiyada kale ee loo haysto iyo cidda uu ka galey toona.
Arrintan keentay inuu Taliyaha Bileysku uu hadalo is-burinaya warbaahinta u sheego ayaa sida ay warar xog-ogaal ahi sheegeen waxay ka dambaysay kadib markii Madaxtooyadu culays ku saartay Taliyaha inaanu kula soo gal-galan eedda Madaxtooyada ee uu u magac-bixiyo dambiga dusha laga saarayo, waxaanay wararku intaas ku dareen in saraakiil uu ka mid yahay Saqadhi Dubad ay xilsaaran yihiin inay xadhigga Abshir Xasan u sibir saaraan meel kale oo ka duwan qadiyadda musuqmaasuqa Madaxtooyada si aan mar kale warbaahinta u soo gelin.
Abshir Xasan ayaa shir jaraa’id oo January 4, 2007 ku qabtay hotelka Xaraf ee magaaalada Hargeysa, waxa uu kaga marag-kacay fadeexado musuqmaasuq oo ay qoyska Madaxtooyadu ku kaceen, si isdaba-joog ahna loogu daabacay wargeyska Haatuf dabayaaqadii 2006 iyo horraantii 2007, iyadoo ay xukuumadda Somaliland wakhtigaas xabsiga ugu taxaabtay arrintaas saddex suxufi oo ka tirsan wargeyska Haatuf, kadib markii ay ku eedaysay Aflagaado qoyska Madaxtooyada, kuwaas oo xabsiga Mandheera ugu jiray dacwadaas muddo saddex bilood ka badan. Mr. Abshir Xasan ayaa shirkaas jaraa’id waxa uu ku soo bandhigay dhokumentiyo muujinaya musuq-maasuqa ay qoyska Madaxtooyadu ku kaceen, isagoo isla markaana sheegay inuu hayo dhokumentiyo intan ka badan oo la xidhiidha musuq-maasuqyo ay Madaxtooyadu ku tallaabsatay, waxaanay xilligaas ciidanka Bileysku isku hawleen sidii loo soo qaban lahaa, balse kumay guulaysan marnaba inay soo qabtaan.
Abshir Xasan oo tan iyo Khamiistii ku xidhan Saldhigga Dhexe ee Bileyska Hargeysa, ayaa gebi ahaanba loo diiday cid booqata iyo cunto in loo geeyaba, iyadoo xataa loo diiday inay aragto xaaskiisu ama ay cunto u geyso, waxaana la sheegay Abshir Xasan inay Bileysku nabaro u geysteen uu ka mid yahay nabar qoriga dabadiisa lagaga dhuftay kelida oo aad uga cabanayo, balse ilaa hadda dhakhtar lama tusin.
Xaaska Abshir Xasan Xaashi oo magaceeda la yidhaahdo Muxibo Saleebaan Faarax, ayaa Haatuf u sheegtay in saygeeda lagu kacay xadhig fool-xun oo si khaldan loo maamulayo, iyadoo sidoo kalena sheegtay in madaxa bileyska ee Saldhigga Dhexe uu u diiday inay aragto ninkeeda, isla markaana dib loogu soo celiyay cuntadii ay u sidday.
Marwo Muxibo Saleebaan waxa kale oo ay sheegtay in eedda Taliyaha Bileysku sheega in loo haysto Abshir Xasan ee ah aflagaadadu ay ahayd arrin sannad iyo badh ka soo wareegay markii uu shirka jaraa’id ku soo bandhigay arrimo musuq-maasuq oo Madaxtooyadu ku kacday, iyadoo xustay in xilligaasna ay ciidanka Bileysku gurigeeda ay soo weerareen baadhis iyo cago-juglayna ay iyada lafteeda u geysteen iyagoo aan wax waarran ah siddan.
“Abshir waxaa lagula kacay xadhig foolxun, waxyaabaha caynkaas ahina waa kuwii laga dhiidhiyey ee keenay dhibaatooyin farabadan. Sheekadan imika la soo cusboonaysiiyay ee uu sheegay Taliyaha Bileysku waa dhacdo laga joogo sannad iyo shan bilood, haddii uu Abshir eedaysane dawladda u yahay Hargeysa habeenna kamuu maqnayn, nin isqariyayna ma aha oo is qarin kara. Markaa xadhigan lagula kacay waa mid khaldan oo anagu aanu had iyo jeer leenahay dawladdu waxyaabaha caynkaas ah haka tanaasusho, waayo, dhibaatooyin farabadan bay keenaysaa,” ayay tidhi Muxibo Saleebaan iyadoo ka waramaysa xadhigga Ninkeeda Abshir Xasan loo geystay waxaanay intaas ku dartay “Guriga ayaa naloogu yimid oo nala yidhi wax baanu raadinaynaa, waxay ahayd xilligaa sannadka iyo badhku ka soo wareegay, ciidan bileys ah oo ka tirsanaa saldhigga Koodbuur ayaa gurigayaga si xun u soo galay, waxaan weydiiyay inay wax waarran ah sitaan iyo waxa uu yahay waxa ay guriga ka baadhayaan, waxay iigu jawaabeen ‘naa annagu waarran iyo wax kale toona garan mayna’e naga baydh’ ilaa qolka hurdada iyo musqusha ayay galeen, markii aan weydiistay inay guriga ii dhaafaan ayay labada dhinac intay I qabteen i-kala tureen, Diricii bay igu dul jeexjeexeen, cid aanu uga dacwoonana maanu helin. Markaa waxyaabaha caynkaas ah ee dumarka lagu samaynayaa waa dhibaato, waa waxyaalihii taliskii faashiistiga ahaa ee Siyaad Barre lagula dagaalamay.”
Marwo Muxibo oo ah hooyo afar carruur ah u dhashay Abshir Xasan waxay sheegtay in loo diiday inay booqato ninkeeda iyo in cuntadii ay u siddayba loo geeyo, waxaanay iyadoo taas ka waramaysa tidhi: “Caawa [Habeen hore] oo aan cashadii ugu geeyay saldhigga dhexe ee Bileyska Hargeysa, la igama qaban cuntadii, waana layla dagaalamay, waxaana laygu yidhi naagtaas wax raashin ah oo aydin ka qabataan yaanay jirin. Kadib ayaan iska yara sugay si aan cid aan garto u helo, waxaana ii soo baxay nin taliye ah oo la yidhi waxaa la yidhaahdaa Maxamed Case, ‘naa meesha maxaad ka qabanaysaa’ buu igu yidhi, waxaan ku idhi waxaan u siddaa casho maxbuus Abshir oo aan xaaskiisii ahay, kadib ninkaasi hareer ayuu ii tuuray, waanu I caayey, waxaanu igu diray askar oo uu ku yidhi naagtaasi yaanay soo gelin haddii kale xidha iyadana. Askartii waxay u qaateen inaan wax dambi ah sameeyay dabadeedna intay i-qabteen ayay isoo tureen, kadibna kaabadda saldhigga ayaan ka soo turunturooday oo aan ka soo dhacay. Waxaas oo kalena waa wax ka baxsan hab-dhaqanka Diinta Islaamka, in dumarka loo hanjabo inta ragooda la xidho oo la turufeeyo gacanna loo taago.”
Ugu dambeyntii waxay Marwo Muxibo Saleebaan u soo jeedisay Madaxweyne Riyaale inuu dhaqamada noocan ah ka tanaasulo oo uu dib ugu noqdo sidii wanaagsanayd ee uu ku bilaabay madaxweynenimada wadanka.
“Waxaan u soo jeedinayaa Madaxweyne Riyaale inuu dhaqanka noocan ah ka tanaasulo, waayo waa ficiladii dawladii Faqashta lagu ridday, waxaanan leeyahay Madaxweynuhu dadkiisa ha kasbado sidii uu markii hore ahaan jiray oo halkiisii haku noqdo, haweenka xaasleyda ahna dhaqanada noocan ah ee bileysku kula kacayo halaga daayo, askartiisana ha u sheego in dumarka iyo carruurta ragooda la xidhay si asluub leh ula dhaqmaan,” ayay hadalkeeda ku gunaanaday Marwo Muxibo Saleebaan Faarax.
Source: Haatuf |