|
Gudoomiye Kuxigeenka gudida Doorashooyinka Qaranka Somaliland Md. Xirsi Xaaji Cali Xasan ayaa shaaca ka qaaday geebi ahaanba inuu iska casilay xubinimadii komiishanka doorashooyinka saacado, kadib markii ay maanta gudida doorashooyinku xilkii Gudoomiye Kuxigeenka ka qaadeen, iyagoo ku sababeeyey xilka qaadistiisa inuu ku kacay falal gef ku ah dhexdhexaadnimada iyo wada shaqeynta ka dhaxeysa komiishanka doorashooyinka.
Sida waxa uu Md. Xirsi Xaaji Cali Xasan ku sheegay Shirjaraa’id oo uu wax yar kadib markii gudidaasi sheegeen inay kaqaadeen xilka Gudoomiye Kuxigeenimo oo maanta ku qabtay xarunta gudida doorashooyinka ee Magaalada Hargeysa.
Md. Xirsi Xasan Cali Xasan oo ka mid ahaa todobadii xubnood ee gudida doorashooyinka, isla markaana ahaa uu soo magacaabay Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE. War-Saxaafadeed uu maanta soo saaray Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Md.Maxamed Ismaaciil Maxamed(Kabo wayne) ayaa lagu sheegay in Komishanku ay go’aamiyeen in xilkii laga qaado Gudoomiye ku xigeenka Komishanka laga bilaabo Maanta iyo Digniin kama dambays ah oo loo jeediyay Md.Xirsi Cali X.Xasan. War-saxaafadeedkaasina waxa uu u qornaa sedan:- “Shir ay iskugu yimaadeen Xubnaha komishanka Doorashooyinka Qaranku,maalintii sabtidii ee taariikhdu ahayd 03 May 2008, shirkaasi oo ku qabsoomay Xarunta komishanka ee magaalada Hargeysa waxaa Gudoominayay Gudoomiyaha Komishanka waxaana lagu gorfeeyey aadna looga dooday arrimo ku saabsan Gudoomiye ku xigeenka Komishanka Doorashooyinka Qaranka.
Mudane Xirsi waxaa lagu eedeeyey inuu ku kacay falal gaf ku ah Wada shaqaynta ka dhaxaysa Komishanka Doorashooyinka, isagoo sameeyey Tallo-goosi u gaar ah oo aanay Guddiga intooda kale ku waafaqsanayn,qoraal horena looga digan, sidaa awgeed waxay Guddidu go’aamiyeen sidan hoos ku qoran:- 1. In laga qaado Xilka Gudoomiye ku xigeenka Komishanka laga bilaabo marka ay taariikhdu tahay 04 May 2008. 2. In digniin kama dambays ah loo jeediyo Md.Xirsi,taasi oo ah in aanu mar kale ku kicin gafaf noocaasi oo kale ah oo ka dhan ah Xeer hoosaadka Guddida Doorashooyinka.
Waxaanu u sheegaynaa Ummada Somaliland in markasta naga go’an tahay Guddi ahaan in aan Gudano Xilka nalagu aaminay,oo aanu dhamaystirno si waafaqsan xeerka iyo shuruucda loo dhigay Diiwaangalinta Codbixiyeyaasha, doorashooyinka iyo xeer hoosaadkaba. Waxaa kale oo aanu u sheegaynaa Ummada in meel howli ka socoto khaladaad laga waayayn waxaase muhiim ah in si wada jir ah markasta la saxo oo la toosiyo waxii khaldamay si loo gaadho himilooyinka qaranku hiigsanayo. Waxaa markasta waajib ah in xubin kasta oo ka mid ah Guddida Doorashooyinka Qaranka inuu ku dhaqmo xeer hoosaadkooda si looga badbaado in lagu dhex milmo howlaha siyaasadeed ee dalka, lana ilaaliyo dhex-dhexaadnimada iyo dhowrsoonaanta Guddiga doorashooyinka Qaranka.” Source: Waaheen.com |