spacer
spacer
header
Riyaale VS Sharci
 Guji Garnaqsi Guji Garnaqsi
Audio News
 BBC Somali 04:00 BBC Somali 04:00
 BBC Somali 11:00 BBC Somali 11:00
 BBC Somali 14:00 BBC Somali 14:00
 BBC Somali 18:00 BBC Somali 18:00
 VOANEWS VOANEWS
 Radio Horyaal Radio Horyaal
 Radio Waaheen Radio Waaheen
 Radio Hormuud Radio Hormuud
 Radio Hargeysa Radio Hargeysa
Reference
 Xasan Ganey Xasan Ganey
 Muj: Ibrahim Maygaag Muj: Ibrahim Maygaag
 Dr:Gaboose Dr:Gaboose
 Muj:Farxaan Faacuul Muj:Farxaan Faacuul
 Muj: M. Hashi Muj: M. Hashi
 Dr:Gaboose Dr:Gaboose
 Dr:Duxood Dr:Duxood
 Dhul Boob Dhul Boob
 Saleebaan Gaal Saleebaan Gaal
 Samaale Samaale
 Maxamuud Nuur Maxamuud Nuur
 London London
 Cawke Cawke
 Bayaan Bayaan
 Muj. Cashuur Muj. Cashuur
 Muj:Xasan Ciise Muj:Xasan Ciise
 Maxamed Arabay Maxamed Arabay
 Salaadiin Salaadiin
 Xasan_Gadhweyne Xasan_Gadhweyne
Somaliland Link
Al-Taqwaa
Allaybaday
Aftahan
Awdalnews
Caynaba
Farshaxan
Gabiley
Gaarriye
Golisnews
MALCOLM X
Radio Somaliland
Radio Somaliland Online
Haatuf
Hadhwanaagnews
Halgannews
Hargeysa
Harowo
Hilinkatoosan
Hormoodnews
Hoygasuugaanta
Berbera
Iftin
Jamhuuriya
Somaliland Org
Somaliland Future
Longlivesomaliland
Somaliland Times
Somaliland Talk
Somaliland News
Kulmiye Info
Saaxil
Sooyaal
Somaliland Poets
Togdheernews
Qarannews

Welcome to Somalilandcenter.com


Home arrow Blog arrow Xisbiga Kulmiye Oo si Kulul U Cambaareeyey Xukuumadda

Xisbiga Kulmiye Oo si Kulul U Cambaareeyey Xukuumadda
User Rating: / 0
PoorBest 
Monday, 05 May 2008
Gudoomiyaha Xibsiga Kulmiye Md.Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo warsaxaafadeed maanta ka soo saaray Xafiiskiisa waxa uu kaga hadlay Xaalada Siyaasadeed iyo Khilaafaadka dalka ka aloosan.

Gudoomiyuhu waxuu warsaxaafadeedkiisan ku sheegay xadgudubno iyo dagaalo xukuumadu ay ku hayso xisbigiisa waxaanu u qornaa sidan:-

 

 “Tan iyo intii talada dalka uu qabtay daahir Riyaale doorashadii madaxtooyada ee 2003dii ka dib waxa uu dagaal toos ah oo qaawan  oo dhinac walba leh af iyo addinba  ku qaaday xisbiga KULMIYE, taasoo aanu xisbga kulmiye marnaba ka bixin jawabtii ku haboonayd ama uu xaqa u lahaa, isagoo xeerinayey waxyaalo badan una arkayey inay jawaab la’aantaa maslaxadi ku jirto.
 
Xukuumadda Daahir Riyaale waxa ay marwalba oo ilaa xilligaa aan kor ku sheegnay ku simaan ilaa maanta oo aynnu joogno si cadawtinimo ah ugu isticmaalaysey  cabudhinta iyo cadaadiska xisbiga kulmiye awoodda dawladeed ee ay gacanta ku hayso.
 
Dhibaatada, dibindaabyada, iyo xad-gudubku waxay yihiin kuwo saameeyey dhamaan bulshada reer Somaliland, waxase intooda badan dhibaatadu gaar ugu dhacdaa cidda loo tuhmo inay yihiin taageerayaasha ama xubnaha xisbiga kulmiye.
 
Waxa taageerayaasha kulmiye xukuumaddu si qaawan ugala dagaallantay dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga, qandaraasyada, shaqada dawladda, hay’adaha caalamiga ah, NGOyada maxalliga ah iyo meel kasta oo ay nolosha  ka raadsan lahaayeenba.
 
Dhaqamadani waxa ay ku khasbeen in badan oo umadda ka mid ah in ay muujisan kari waayaan dareenkooda siyaasadeed ee ay xaqa u leeyihiin,
 
Waxa markhaato madoon ah oo umaddu si cad  u ogtahay:
 
1. in 04/04/2005 xukuumaddu weerar ku qaadday xarunta xisbiga kulmiye iyagoo aan dariiq sharci u soo marin, oo raadinaya idaacad loogu sheegay inay xaruntaas taallo oo kulmiye leeyahay, taasoo haddii ay jiri lahaydba ay ahaan lahayd mid xisbigu xaq dastuuri ah u leeyahay, oo in lagu weeraro iskaba daayoo in laga horjoogsadaa ay xaraan tahay.
 
2. waxa xukuumaddu isku dayday inay xidho xog-hayihii guud ee xisiga
Daa’uud Maxamed Geelle alla ha u naxariistee 04/04/2008.
 
3. waxa 2006dii madaxweynuhu shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay isagoo ku nuuxnuuxsanaya in kulmiye yahay cadwoga gudaha ee Somaliland leedahay, isla markaana ay yihiin qaran dumis.
 
4.waxa xukuumaddu guud ahaan gaar ahaanna madaxtooyadu xuquuqdeedii muwaaddinnimo ka qaaa\dday marwada guddoomiyaha xsibiga kulmiye Marwo Aamina  Sh. Kaddib markii ay ku guulaysatey imtixaan ay  u gashay jago ka bannaanayd hay’adda CARE International, shaqadaasoo  madaxtooyadu dhaar iyo wacad ku martay inaanay qabanayn ama hay’addu dalka ka baxayso, aakhirkiina la siiyey nin sawaaxili ah oo ka mid ahaa dadkii imtixaanka galay ee ay kaga guulaysatey.
 
5. waxa xukuumaddu sannadkii 2006dii si sharciga aan waafaqsanayn u xidhay guddoomiyihii xisiga ee gobolka Awdal.
 
6.waxa xukuumaddu weerar gelisey guriga xubin ka mid ahayd guddida fulinta ee xisbiga iyadoo doonaysey inay xidho sababo fekerkiisa la xidhiidha dartood (Muuse Biixi)
 
7.waxa xukuumaddu si sharci darro ah xabsiga u dhigtay muddana ay ugu haysatey xubin ka mid guddida fulinta ee xisbiga ka mid ahayd (C/waaxid C/Qaadir C/Raxmaan).
 
8.waxa xukuumaddu isku dayday inay xabsiga u taxaabto masuul isna ka mid ah guddida fulinta ee xisbiga kulmiye (Maxamed Kaahin Axmed).
 
9.10/04/2008 waxa wasiirka arrimaha guduhu C/laahi cirro warbaahinta caalmaka iyo ta maxalliga ahba ka sheegay inuu kulmiye ka danbeeyey qarax la sheegay inuu ka dhacay guriga guurtida taasoo:
 
10. 10//4/2008 loo qabtay oday Deyr Maxamed Cilmi.
 
11.12/04/2008na loo qabtay guddoomiyaha gobolka maroodi jeex ee xisbiga kulmiye Axmed Cumar X.C/laahi (xamarji).
 
12. 01/05/2008 waxa xukuumaddu si sharci darro ah xabsiga ugutaxaabtay xubin ka mid ah golaga dhexe ee xisbiga kulmiye ilaa haddana uu u xidhan yahay (Abshir Xasan Xaashi).
 
Dhamaan dhacdooyinkani waa kuwo la wada ogayahay oo Aan qarsoodi ahayn, mana jirto dhacdo keliya oo xukuumaddu caddaysay, isla markaana mar jirto dhacdo keliya oo maxkamad lagu horgeeyey ciddii lagu eedeeyey, muwaadin walba marka muddo la haysto ee xorriyaddiisii, karaamadiisii iyo tii xisbigiisaba laga lumiyo ayaa lasyka soo daayaa.
 
Arrimahan aan kor ku soo sheegnay iyo qaar kaleba waxa xisbiga kulmiye u arkyey ilaa haddana u arkaa daan-daansi iyo falal cadowtinnimo oo loola badheedhay, waxa kale oo Kulmiye u arkayey dagaal ay xukuumaddu go’aamisey ama ay caddaysay oo nalagu soo qaaday,
 
Xisbiga kulmiye waxa uu xukuumadda u soo jeedinayaa in ay sii deyso xubnaha xisbiga ee gardarrada ugu xudhan.
 
Xisbiga kulmiye waxa uu dhaleecaynayaa falalkaa  masuulyad darrada ah ee xukuumaddu kula dhaqanto, waxaanu caddaynayaa inaanu dulqaad danbe u yeelan doonin una adkaysan doonin tallaabooyin danbe oo noocan ah.

spacer
Shuronet
 Halkan ka dhageyso Halkan ka dhageyso
Polls
Doorashada Somaliland ee sanadka 2008.
  
Cartoons
Cartoons
Statistics
Visitors: 9749367


Copyright(C) 2002 Somalilandcenter.com
spacer