spacer
spacer
header
Riyaale VS Sharci
 Guji Garnaqsi Guji Garnaqsi
Audio News
 BBC Somali 04:00 BBC Somali 04:00
 BBC Somali 11:00 BBC Somali 11:00
 BBC Somali 14:00 BBC Somali 14:00
 BBC Somali 18:00 BBC Somali 18:00
 VOANEWS VOANEWS
 Radio Horyaal Radio Horyaal
 Radio Waaheen Radio Waaheen
 Radio Hormuud Radio Hormuud
 Radio Hargeysa Radio Hargeysa
Reference
 Xasan Ganey Xasan Ganey
 Muj: Ibrahim Maygaag Muj: Ibrahim Maygaag
 Dr:Gaboose Dr:Gaboose
 Muj:Farxaan Faacuul Muj:Farxaan Faacuul
 Muj: M. Hashi Muj: M. Hashi
 Dr:Gaboose Dr:Gaboose
 Dr:Duxood Dr:Duxood
 Dhul Boob Dhul Boob
 Saleebaan Gaal Saleebaan Gaal
 Samaale Samaale
 Maxamuud Nuur Maxamuud Nuur
 London London
 Cawke Cawke
 Bayaan Bayaan
 Muj. Cashuur Muj. Cashuur
 Muj:Xasan Ciise Muj:Xasan Ciise
 Maxamed Arabay Maxamed Arabay
 Salaadiin Salaadiin
 Xasan_Gadhweyne Xasan_Gadhweyne
Somaliland Link
Al-Taqwaa
Allaybaday
Aftahan
Awdalnews
Caynaba
Farshaxan
Gabiley
Gaarriye
Golisnews
MALCOLM X
Radio Somaliland
Radio Somaliland Online
Haatuf
Hadhwanaagnews
Halgannews
Hargeysa
Harowo
Hilinkatoosan
Hormoodnews
Hoygasuugaanta
Berbera
Iftin
Jamhuuriya
Somaliland Org
Somaliland Future
Longlivesomaliland
Somaliland Times
Somaliland Talk
Somaliland News
Kulmiye Info
Saaxil
Sooyaal
Somaliland Poets
Togdheernews
Qarannews

Welcome to Somalilandcenter.com


Home arrow Blog arrow Komishanka oo la sheegay inuu mar kale wakhti u cayimay Doorashooyinka.

Komishanka oo la sheegay inuu mar kale wakhti u cayimay Doorashooyinka.
User Rating: / 0
PoorBest 
Tuesday, 06 May 2008

Komishanka Doorashooyinka ee sii liiqliiqanaya ayaa mar kale dib u riixey wakhtiga ay qabsoomayaan doorashooyinka Golayaasha Deegaanka iyo Madaxtooyada, iyada oo uu weli taagan yahay muranka xukuumadda iyo Guurtidu geliyeen heshiiskii saddexda xisbi iyo Komishanku ku gaadheen wakhtiyaynta diiwaangelinta codbixiyayaasha iyo Doorashooyinka, 09 April, 2008. 

Si rasmi ah Komishanku uma shaacin wakhtiga cusub ee doorashooyinka ay u qabteen, hase yeeshee, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo dhexdhexaadin ka galay khilaafka cakiran ee ka dhashay go’aankii Golaha Guurtidu muddada xilka ugu kordhiyey Madaxweyne Riyaale ayaa la sheegay in Komishanku u soo gudbiyey wakhtiyayn cusub oo ay u dejiyeen doorashooyinka deegaanka iyo Madaxtooyada, taas oo ay doonayaan in xisbiyada mucaaridka ahi la qaataan, isla markaana ay ka dhigayaan meel dhexe oo la isugu iman karo.

Sida ay sheegayaan warar ku dhowdhow Komishanka, Doorashada Golayaasha Deegaanka waxay ugu talagaleen inay qabsoonto bisha November, 2008, doorashada Madaxtooyadana la qabto bisha January 2009, halka heshiiska Guurtidu muranka gelisey ee saddexda xisbi iyo Komishanku uu ahaa in labada doorashado ta hore ay qabsoonto 06 Oktoober, doorashada dambena ay noqoto 31 December, iyada oo loo dhaafay xisbiyadu inay ka heshiiyaan labada doorasho ta horraynaysa.

Warkani waxa uu mar la soo baxay soo jeedin xukuumaddu u soo dhiibtey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo nuxurkiisu ku soo ururayo saddex qodob oo kala ah: -

          In Go’aankii Golaha Guurtidu muddada xilka ugu kordhisey Madaxweynaha uu sidiisa ahaado-         

In laga wadahadlo wakhtiga doorashooyinku qabsoomayaan-         

Iyo in marka la isla meeldhigo wakhtiga doorashooyinku qabsoomayaan, golaha Wakiilladu wax-ka-beddel kooban ku sameeyo xeerka DiiwaangelintaWaxayna sheegayaan warar ku dhowdhow Komishanku in Xukuumaddu raalli ka tahay ama ay la qaadatay wakhtiga cusub ee ay u dejiyeen doorashooyinka, balse, xisbiyada mucaaridka ahi aanay hore ugu bandhigin. 

Komishanku waxay ku macneeyeen wakhtiga cusub ee ay dib u riixeen doorashada mid ka yimi muranka Guurtidu gelisey heshiiskii hore ee saddexda xisbi iyo Komishanka oo lumiyey qayb ka mid wakhtiyayntii hore ee la isla qaatay. 

Hase yeeshee, labada xisbi ee mucaaridka ah oo xalay kulan ka yeeshay soo jeedinta Xukuumaddu keentay ayaa la sheegay inay weli ku adkaysanayaan in la qaato heshiiskii saddexda xisbi iyo Komishanka iyo in aanay aqoonsanayn mudda-kordhinta Madaxweynaha ee Guurtida.  

Dhinaca kale, Deeqbixiyayaasha Somaliland ka caawinaya doorashooyinka ayaa la sheegay inay dhinacyada oo dhan cadaadis ku hayaan, iyaga oo sheegaya in lacagta ay u hayaan doorashooyinka Somaliland ay dhacayso haddii degdeg heshiis looga gaadhi waayo arrimaha muranku ka taagan yahay.  

Madaxweyne Riyaale ayaa isagu hore u sheegay in Somaliland aanay u baahnayn lacagta deeqbixiyayaasha, kadib markii wefti ka socdey deeqbixiyayaashu ay walaac ka muujiyeen go’aankii Guurtidu muddada xilka ugu kordhisey.

Source: Somaliland.Org
spacer
Shuronet
 Halkan ka dhageyso Halkan ka dhageyso
Polls
Doorashada Somaliland ee sanadka 2008.
  
Cartoons
Cartoons
Statistics
Visitors: 9749364


Copyright(C) 2002 Somalilandcenter.com
spacer