spacer
spacer
header
Riyaale VS Sharci
 Guji Garnaqsi Guji Garnaqsi
Audio News
 BBC Somali 04:00 BBC Somali 04:00
 BBC Somali 11:00 BBC Somali 11:00
 BBC Somali 14:00 BBC Somali 14:00
 BBC Somali 18:00 BBC Somali 18:00
 VOANEWS VOANEWS
 Radio Horyaal Radio Horyaal
 Radio Waaheen Radio Waaheen
 Radio Hormuud Radio Hormuud
 Radio Hargeysa Radio Hargeysa
Reference
 Xasan Ganey Xasan Ganey
 Muj: Ibrahim Maygaag Muj: Ibrahim Maygaag
 Dr:Gaboose Dr:Gaboose
 Muj:Farxaan Faacuul Muj:Farxaan Faacuul
 Muj: M. Hashi Muj: M. Hashi
 Dr:Gaboose Dr:Gaboose
 Dr:Duxood Dr:Duxood
 Dhul Boob Dhul Boob
 Saleebaan Gaal Saleebaan Gaal
 Samaale Samaale
 Maxamuud Nuur Maxamuud Nuur
 London London
 Cawke Cawke
 Bayaan Bayaan
 Muj. Cashuur Muj. Cashuur
 Muj:Xasan Ciise Muj:Xasan Ciise
 Maxamed Arabay Maxamed Arabay
 Salaadiin Salaadiin
 Xasan_Gadhweyne Xasan_Gadhweyne
Somaliland Link
Al-Taqwaa
Allaybaday
Aftahan
Awdalnews
Caynaba
Farshaxan
Gabiley
Gaarriye
Golisnews
MALCOLM X
Radio Somaliland
Radio Somaliland Online
Haatuf
Hadhwanaagnews
Halgannews
Hargeysa
Harowo
Hilinkatoosan
Hormoodnews
Hoygasuugaanta
Berbera
Iftin
Jamhuuriya
Somaliland Org
Somaliland Future
Longlivesomaliland
Somaliland Times
Somaliland Talk
Somaliland News
Kulmiye Info
Saaxil
Sooyaal
Somaliland Poets
Togdheernews
Qarannews

Welcome to Somalilandcenter.com


Home arrow Blog arrow Xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE ayaa ku baaqay isu soo bax berrito lagu qabanayo fagaaraha xarunta

Xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE ayaa ku baaqay isu soo bax berrito lagu qabanayo fagaaraha xarunta
User Rating: / 0
PoorBest 
Tuesday, 06 May 2008

Xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE ayaa ku baaqay isu soo bax berrito lagu qabanayo fagaaraha xarunta Dhexe ee xisbiga ee magaalada Hargeysa.

Dhambaal ogeysiis  ah oo xisbigu baahiyey maanta ayaa xisbiga KULMIYE waxa uu ku wargeliyey taageerayaasha xisbiga iyo guud ahaan, dadweynaha ku dhaqan Caasimadda Hargeysa inay ka soo qaybgalaan kulan ballaadhan oo lagu qabanayo xarunta dhexe ee xisbiga, burrito oo Arbaca ah, 07 May, 2008, halkaas oo la sheegay in madaxda iyo siyaasiyiinta hoggaanka xisbiga KULMIYE ay dadweynaha hadal uga jeedin doonaan.

Faahfaahin dheeraad ah lagama bixin ujeeddada isu soo baxaas iyo arrimaha xisbigu ka hadli doono. Hase yeeshee, waxa la filayaa inuu ku xidhiidhsan yahay ballanqaadka xisbiga ee ah in aanay Madaxweyne u aqoonsanayn Daahir Riyaale marka muddadii 5ta sannadood ahayd ee la doortay ay dhammaato 15ka May iyo dadweynaha guud ahaan uga warramaan xaaladda dalku haatan marayo. 

Ma cadda in isu soo baxa berrito uu hordhac u yahay tallaabooyin xisbigu ku horkacayo taageerayaashiisa iyo dadweynaha guud ahaan isu soo baxyo waaweyn oo dadku dareenkooda ku muujinayaan. Xukuumadda Somaliland oo digniino iyo hanjabaado kaga hortegeysa kacdoono ay ka baqayso inay ka dhashaan baaqa labada xisbi ee mucaaridka ah ayaa ilaa maanta dedaal weyn ugu jirta sidii ay u baajin lahayd isu soo baxa xisbiga KULMIYE ku baaqay ee la filayo burrito.

Waxaana la sheegay in masuuliyiin ka tirsan xukuumaddu ay uga digeen Iskaashatada Basaska magaalada Hargeysa in loo kiraysto isu soo baxaas. Dhinaca kale, Badhasaabka Gobolka Togdheer, Jaamac Cabdillaahi Biin ayaa sheegay in aanay ogolaan doonin wax dhaqdhaqaaq ah in laga sameeyo magaalada Burco maalmaha soo socda, si looga hortago ayuu yidhi dhawaaqa siyaasiyiinta mucaaridka ee ah in 15ka May wixii ka dambeeya aanay Madaxweyne u aqoonsanayn Daahir Riyaale.  

Badhasaabka oo ka hadlayey furitaanka tababar ku saabsan wada shaqaynta bulshada iyo Booliska, waxa uu ugu baaqay Booliska iyo guddiyada xaafadaha ee nabadgelyada ka shaqeeya inay jawaab ka bixiyaan baaqa xisbiyada mucaaridka ah, waxana uu ka codsaday in la iska kaashado sidii loo daafici lahaa “Madaxda Qaranka ee Doorashada ku timi” ayuu yidhi. 

Source:Somaliland.Org

spacer
Shuronet
 Halkan ka dhageyso Halkan ka dhageyso
Polls
Doorashada Somaliland ee sanadka 2008.
  
Cartoons
Cartoons
Statistics
Visitors: 9749261


Copyright(C) 2002 Somalilandcenter.com
spacer