|
Cabdilllaahi Axmed Caarshe, Freelance Jouraliste, Hargeysa
Rayaale Kordhiso Ama Ha kordhisan 15 May Wixii Ka Danbeeya Cid Aan Carruurtaada Iyo Xaaskaaga Ahayn Mas’uul Kama Tihid. Waxa dhammaad ama gaba-gabo ah muddadii madaxweyne Rayaale ay kaga ekayd muddada xilka loo egmaday taasoo ku beegan 15 May oo ay ka hadhsantahay muddo yar oo hal todobaad ah, distoorka dalka u yaalla ayaan Rayaale u ogolayn in hal saacad loo kordhiyo haddii aanay dalka ka jirin xaaladda ammaan-darro oo aan suura-gelinayn in ay dalka ka qabsoomaan doorashooyin. Ilaahay ina kuma keeno e. waxaynu wada ognahay in waxa keliya ee Somaliland ay ku faanto ee aynu caalamka ka iibinaynaa ay tahay nabadgelyada aynu haysano, sabab Rayaale loogu kordhiyaana maanta meesha ma taallo. hadaba iyada oo arrinku sidaa yahay oo aan Rayaale waddo aanay u furnayn doorasho gal mooyaane ayay golaha Guurtidu sharci-darro ugu kordhiyeen Rayaale muddo sanad ah iyaga oo aan sharci u eegin balse eegay tii sharci-darrada ahayd ee iyagana Rayaale horey ugu sameeyey oo ah xaaraanta ay maanta ku fadhiiyaan odayaashu. Rayaale iyo Guurtidu waxay baal mareen oo iska idho-tireen go’aankii ay dhowaan wada gaadheen saddexda xisbi Qaran iyo guddida doorashooyinku oo ay ku cayimeen waqtiga ay qabsoomayaan doorashooyinka Madaxtooyada iyo kuwa Degaannada. waxayna abuurtay muddo kordhinta sharci-darrada ahi khilaaf hor leh. maantana dalku waxa uu ku jiraa xaalad adag oo xaas-xaasiya, waxase is weydiinleh su’aasha ah ayaa ka mas’uul ah dhibaatadan taagan ee aadka u cakiran. haddii aan ka jawaabo cidda ka masuulka ah arrimahan taagan, waxa ka mas’uul ah ninka diidan in ay dalka ka dhacaan doorashooyin xor iyo xalaal ah oo dhaca waqtigii layska qaaday ee lawada ogaa. waxa ka mas’uul ah ninka hadh iyo habeen faragelinta ku haya guddida doorashooyinka ee xadhiga ay xidhaanba kala furaya. waxa ka mas’uul ah ninka bur-buriyey ee kala qaybiyey guddidii doorashooyinka, ee leh maalinba nin erya. waxa ka mas’uul ah ninka waqtigiisii dhammaaday ee leh xoog ayaan ku fadhiyayaa. waxa ka mas’uul ah ninka nabadgelyo darrada abuuraya ee ciidamada suuqyada soo dhoobay ee leh. dadka toogta habeenkiina baadha. waxa ka mas’uul ah ninka habeen walba telefishanka fadhiya ee dadka ka caayaya. waxa ka mas’uul ah ninka ku tumanaya distoorka iyo xeerarka dalka u dejisan. waxa ka mas’uul ah ninka hantidii ummadda iyo awooddii qaranka ku takri-falay, dadkiina gaajada iyo biyo la’aanta ku laayey. Waxa ka mas’uul ah ninka ummaddii soo dooratay dhegaha ka furaystay, gurigana ka xidhay. waxa ka mas’uul ah ninka aan soo halgami ee basaaska Siyaad u ahaa, ee inta la saamaxay suudhka loo geliyey kursigii ugu sareeyeyna loo dhiibey, iyada oo kuwii u soo dhintay, u soo dhaawacmay, u soo raamaystay, u soo gaajooday, u soo curyaamey, injirtu u soo gashay, ay ka qatanyihiin oo suuqyada joogaan, ninka garan waayey waa lagu sharfaye, ummadda si daacad ah ugu shaqay. waxa ka mas’uul ah ninka leh haddii kursiga laygu soo eego waa la saqiirayaa. Waxa ka mas, uul ah ninka laga la yahay miisaaniyaddii dowladda ee ceebka ku haysta, golihii sharci dejintana aan waxba iskaga tirinayn. waxa ka mas’uul ah ninka doonaya in sharci-darro loogu kordhiyo. runtii arrimahaa qalafsan ee maanta taagan waxa ka mas’uul ah Rayaale iyo xukuumaddiisa fadhiidka ah. waxa runtii wax la layaabo ah markasta oo madaxweynuhu afka kala qaado waxa uu ku hadlaa hadalo aan munaasib ahayn, waxana uu caadeystey in uu wax ka sheego oo yidhaahdo waxba garanmaysaan iyo sharciga barta, ragg ka aqoon iyo maskax badan. iyada oo la ogyahay in aan Rayaale dugsi sareba aannu dhammaysan, runtaa waa nasiib-darro in Rayaale aqoon cid ugu faano xataa afka somaliga ayaanu si fiican u akhri-karin marka uu soo diyaarsado ee uu masraxa isla soo taago. waxa iyana is weydiin leh marka ay gaadho 15 may Rayaale yuu madaxweyne u noqonayaa? 15 may marka ay gaadho Rayaale ha kordhisto ama yuu kordhisan cid aan ahayn caruurtiisa iyo xaaskiisa mas’uul kama aha, waayo waqtigiisaa xiligaa ku beegan. hadaba maxaa looga baahan yahay asxaabta mucaaradka ah iyo shacabka sharafta leh. waxa loo baahan yahay in marka ay gaadho 15 may in ay isu yimaaddaan labada xisbi mucaarad, ururrada bulshada rayidka ah, golaha wakiilada ee sharciga ah, aqoon yahanada, iyo ururka QARAN, iyo haddii ay jirto cid miyir qabta oo ka tirsan xisbiga UDUB. ka dibna laga wada tashado aayahay dalka lana soo dhiso xukuumadda wadaag ah dalka ka hirgelisa doorashooyin xor iyo xalaal ah sidaa ayaa loo baahan yahay. Rayaalena waxan kula talinayaa kursigu uu kala macaanaan dalka kursiga ha dhaafsan, xoogna waxba lagu helimaayo, haddii aad is tidhaahdo Somaliland burburina ka hor dhimanayaa waa adiga. Cabdilllaahi Axmed Caarshe, Freelance Jouraliste, Hargeysa |