Baaq Ka socda dadweynaha Somaliland ee qurbaha ku dhaqan
Ka: Qurbajooga Beesha Habar Jeclo ee reer-Somaliland Ku: Shacbi-weynaha Somaliland Og: Xukuumadda Somaliland Og: Golahayaasha Baarlamaanka Og: Guddida Doorashooyinka Og: Xisbiyada Mucaaridka Ujeedo: Cambaarayn Tacadiga iyo Dilka Lagu Hayo Maatada iyo Caruurta Somaliland Ee Waxa Ay Galabsadeen Jirin
BAAQ Furan
Shacabkayaga qaaliga ahow, salaanta Islaamka dabadeed, annagoo ka mid ah qurba joogta beesha Habar-Jeclo ee Reer-Somaliland, isla markaana daneeya danaha iyo horumarinta dalkeena hooyo, waxaad marka hore naga guddoontaan hambalyo iyo salaan sharaf aad ku mutaysateen sida aydun markasta heegan ugu tihiin horumarinta dalkeena ee dhinac walba leh, nabad-gelyada iyo xasiloonida u dhawrtaan, dalkeenana aad ula hamooteen nidaam dimuquraadi ah oo aynu ku kasban karo ictiraaf iyo himilooyin kaleoo faro badan. Doorashadan Madaxweynaha ee soo socotay waxa ahayd mid la filayey in ay furo u noqoto ictiraafkii aynu in badan baadi goobaynay, waxaana aynu ka warqabnaa in waftiyadii inooga yimid wadamada EU da iyo Maraykan kaba, kuwaas oo dhamaantood ku nuux nuuxsaday muhiimada ay leedahay qabsoomida doorashadan Madaxtooyada oo wakhtigii loo cayimay ku dhacda. Laakiin su'aasha hadda taagani waxay tahay: Hadiiba doorashadan Madaxweynaha muhiimada intaa leeg leedahay. Hirgalinteeda hadii ay noqoto xag dhaqaale iyo mid farsamoba la inagu garab taagan yahay, sababta ilaa iminka xukumadu uga meer meerayso in ay hirgaliso go’aamadii kommisionka ama guddiga doorashooyinka ee iyagu cayimayay wakhtigii ay qabsoomaysay doorashadan Madaxtooyadu maxay tahay? Walaayaal, Somaliland waxa ay nabadaa iyo horu markaa ay haysato ku soo gaadhay waa wado tashi iyo is qancin ay kaga hor tagto mar kasta oo xaalad murugsani lasoo daristo Dalka.
Nasiib darose, go’aankii dhawaan guurtidu ugu kordhisey mudada aan sharciga ahayn madaxweynaha Somaliland, iyada oo aan wax wado tashi iyo is qancin ah la samayn cidii arintani khusaysay, oo ahayd Kommisionka doorashooyinka, Baarlamaanka iyo Xisbiyada mucaaridka. Talaabadan guurtidu waxa ay fashilisay dimuquraadiyadii aynu mudada dheer higsanayney!!! Waxaana arintan u aragnaa mid dalka u horseedi karta fawdo iyo nabadgalyo daro aan dabadeeda la soo qaban Karin. Walaalayaal, dimuqraadiyadeenii waa la af-duubay, hamadaynu lahayna waa jabtay, bulshadii caalamka ee markii hore inna majeeran jirteyna hadda meel ay joogtaba waa yaaban tahay. Intaa oo nabar iyo sumcad xumaba, ee aynaan mutaysan, waxaa inna gaadhsiiyey xisbiga (UDUB) iyo Madaxweyne Riyaale, oo caruurtii iyo maatadii maanta u adeegsaday ciidankii ay ahayd in ay difaacaan. Waxaanan ummada Somaliland meel ay joogtaba ka tacsiyadeenaynaa geeridaa ku timid dhalinyardii ku dhimatay banaabixii dhawaan ka dhacay Magaalo Madaxda Hargeisa, Somaliland.
Walaalayaal, maanta dalkeenii waxaa ka socda in dadku marka ay si dimuqraadiyad ah u mudahaaraadaan la mariyo xabad, Madaxweyne Riyaalena waxaa manta ka danbeeya aanu leenahay waa in loogu yeedho magaca uu mutaystay oo ah, gacan ku dhiigle Dahir Riyaale?
Walaalayaal waa in aan laga yeelin Madaxweyne Riyaale oo u badheedhay in dalka uu ku xukumo qori caaradii, waana in masiirkii ummadda dhakhso loo soo celiyaa.
Walaalayaal, cabudhiska iyo rabitaanka ummadda loo majaro habaabiyaa cawaaqib xumo mooyee faa'iido lahayn, waxaynu ka garan karaa dalalka qaarada Afrika ee aynu ka tiransahay oo intooda badan masiibadani hore ugu habsatay, maantana aynu tunkooda iyo tagoogadooda ka aragno. Sidaas darted, qurba jooga beesha Habarjeclo ee kala jooga dunida dacaladeed markii ay arkeen xaalada foosha xun ee uu marayo dalkii Hooyo taas oo ay u sabab tahay Xukuumada maanta ka talisaa,waxay isku raaceen :
• Markay dhamaato muddadii loo doortay Rayaale Madaxweyne oo ku eeg 15 May,2008 wixii ka danbeeya uma aqoonsanin Madaxweyne sharci ah.Waxaanu soo jeedinaynaa in Umaddu doorato cidii heshiis lagu yahay. • Go’aankii Guurtudu ugu Kordhisey Madaxweyne Riyaale ee ahaa in uu yahay Madaxweyne ilaa iyo sanadka 2009,15 May waa go’aan aan ku fadhiyin wax sharciyad ah kana soo hor jeeda Dastuurka Somaliland. • In la taageero muddadii ama waqtigii ay isku raaceen Saddexda Xisbi iyo Komishanka Qaranka. • Inaanay mudahaaraadyada kala joojin ay ku cambaaraynayaan majaro habaabinta la majaro habaabshay geedi socodkii Dimuqraadiyadeed ee Somaliland. Isla markaana joojiyaan cashuuraha ay bixinayaan si dawladda Madaxweyne Riyaale ee sharci darada masiirkii ummadda ku boobtay uga xakameeyaan maalka ummadda. • Inay shcabka wanaaga jecel ee reer Somaliland nabadooda ilaashadaan oo adkeeyaan mar walba, laakiin aanay ka hadhin masiirkoodii la dhacay.
• Ummada Somaliland Meel kasta oo ay joogaan waxaan ugu baaqaynaa in ay gacmaha is qabsadaan oo ay meel uga soo wada jeestaan Gabraaratada ka talisa dalkii ee aan ahayn qabiil qudha ee ah qawlaysato isa soo uruursatay oo qabiil kasta oo Somaliland ka mid ah. Magacyada Baaqa saxeexay: Waqooyiga Ameerika: 1.Oday Faarax Abokor Khayre
2.Oday Ducaale Maxamed Xirsi 3.Oday Cawil Xaaji Cumar 4.Oday Aadan Jamaac Galaal 5.Oday Maxamuud Ismaaciil Cawed Caanonuug 6.Gen. Qaasim Abokor 7.Gen. Nuux Xuseen Turub 8.Eng.Mustafa Cabdi Cartan 9.A/Y Naasir Maxamuud Xaaji Yuusuf 10.Eng. Axmed Cali Ubaxle 11.A/Y Cabdiraxman Cabdi Diiriye Seeraar 12.A/Y Maxamuud Caydiid Lafcambe 13.A/Y Maxamed Botan Wacays 14.Oday Cawil Aadan Gabyaaye 15.Oday Axmed Xaaji Ducaale 16.Taajir Cabdilaahi Amare 17.Taajir Aadan Ismaaciil Cawed Caanonuug 18.A/Y Axmed Sh. Xuseen 19.Eng. Saciid Cawed Ducaale 20. Eng. Khaalid Xasan Cabdi Khayre 21.Eng. Saciid Axmed Aadan Caano 22.SH. Shaakir Xaaji Xuseen 23.SH. Maxamed Xasan Sulub 24.Dr. Fu’aad Xuseen Cabdilaahi 25.Dr. Cabdikariim Cabdi Diiriye Seeraar 26.A/Y Naasir Saleebaan Ciise 27.Taajir Cumar Cige Xaaji Xasan 28.A/Y Cumar Xirsi Xaaji Xasan 29.A/Y Cabdi Xuseen Xaaji Abyan 30.A/Y Baashe Xuseen Xaaji Abyan 31.A/Y Rashid Xuseen Xaaji Abyan 32.A/Y Cabdiraxmaan Axmed Cali 33.SH.Axmed Raage Umal 34.Sh. Daahir Cali Muuse 35.A/Y Ibraahim Aadan Maxamed 36.A/Y Maxamed Adan Ducaale Food 37.Eng. Warfaa Cabdilaahi Sugaal 38.Eng. Maxamed Ismaaciil Maxamed 39.Taajir Cismaan Aw faarax Jaamac 40.A/Y Cabdijibaar Xaaji Cali 41.A/Y Maxamuud Jirde 42.A/Y Sharmarke Ismaaciil Maxamed 43.A/Y Libaan M. Cashuur 44.A/Y Maxamed Nuur Cibraan 45.SH. Ibraahim Xaaji Xuseen 46.A/Y Axmed Jaamac Aar 47.A/Y Cabdixakiim Xasan Ismaaciil 48.Eng. Libaan Maxamed Yusuf 49.A/Y Dhaqane Maxamed Yuusuf 50.A/Y Bashiir Cawil Xaaji Cumar 51.A/Y Maxamed Xasan Cabdi Khayre 52.A/Y yuusuf Mxamed Daahir 53.Taajir Maxamed ciise Riyoole 54.A/Y Maxamed Saleebaan Harwash 55.SH. Yuusuf Xaaji Cabdi 56.SH. Ibraahim Xaaji Cabdi 57.Eng. Cabdiqaadir Xasan Khaliif 58.A/Y Axmed Xasan Xuseen 59.A/Y Axmed Ibraahim Maxamed Dhagaweyne 60.Eng. Cabdikariim Axmed Xagar 61.A/Y Maxamed Cali Fagadhe 62.A/Y Maxamed Cismaan Nuur 63.Eng. Cabdi Maxamud Xaaji Yuusuf 64.A/Y Kenediid Maxamuud Xaaji Yuusuf 65.A/Y Axmed Cabdilaahi Xaji Yuusuf 66.SH. Cabdiraxmaan Faarax Cali 67.Eng. Cabdinuur Cali Yuusuf 68.A/Y Saciid Jaamac Faarax 69.A/Y Cabdi Sh. Xuseen 70.Oday Maxamed Xaaji Ducaale 71.SH. Cabdilaahi Sellin 72.A/Y Cabdirisaaq Cabdilaahi Xashiish 73.A/Y Maxamed Cabdilaahi Saleebaan 74.A/Y Xuseen Cali Xuseen 75.A/Y Axmed Xasan Axmed Quick 76.A/Y Xasan Cali Abokor 77.A/Y Cabdiqani Axmed Beledi 78.Oday Saciid ina indho fariidle 911 79.A/Y Saciid Dubad Xiirey 80.A/Y Faaruuq Maxamed Qaalib 81.A/Y Maxamed Cabdi Xasan 82.A/Y Cismaan Jirde 83.Eng Xasan Nuur 84.Taajir Axmed Caynab Qaalib 85.Eng. Mustafa Xasan Cabdi Khayre 86.A/Y Yoonis Xasan Cabdi Khayre 87.A/Y Maxamed Caydiid 88.A/Y Cismaan Axmed Xagar 89.Eng. Yuusuf Suldaan Cali 90.Eng. Cabdiraxmaan Xasan Khaliif 91.Eng.Cabdiraxmaan Xuseen Burco 92.A/Y Xuseen Cabdi Diiriye Seeraar 93.A/Y Cumar Cismaan 94.Eng. Cali Cabdi Diiriye Seeraar 95.DR. Cabdi Cawil Xaaji Cumar 96.A/Y Axmed Mxamed 97.A/Y Maxamed Jaamac Diiriye 98.Eng. Xirsi Dirir 99.SH. Maxamed Cabdi Cartan 100.A/Y Aadan Barre Dhuurjoog 111.Eng. Cali Shabaaniye 112.Eng. Cabdirisaaq Jaamac Cadami 113.Eng. Xuseen Cabdi Ducaale Gurey 114.Eng. Ismaaciil Shahmaad 115.Eng. Jaamac Barre 116.Eng Xasan Ibraahim Buraale 117.A/Y Isaaq Warsame 118.A/Y Maxamuud Xaaji Jaamac 119.A/Y Jaamac Cabdilaahi Baashe 120.A/Y Maxamed Cabdilaahi Baashe 121.A/Y Maxamed Saleebaan Xaaji Faarax 122.A/Y Cismaan Maxamed Xaaji Cabdi 123.A/Y Yuusuf Cabdi Baashe 124.A/Y Cali Cabdiraxman Cutubi 125.A/Y Saciid Ducaale 126.A/Y Saleebaan Ducaale 127.A/Y Yusuf Sugaal Geele 128.A/Y Cismaan Maxamed Sugaal 129.A/Y Cabdirashiid Aadan Subeekar 130.A/Y Cali Jaamac Himbir 131.A/Y Cabdi Axmed Xaaji Gurey 132.A/Y Naasir Axmed Goodir 133.A/Y Maxamuud Xasan Madoobe 134.A/Y Axmed Xayir 135.A/Y Maxamed Cismaan Xaaji Cabdilaahi 136.DR. Maxamed Cabdilaahi Hilib 137.A/Y Cabdi Aadan Xaaji Faarax 138.A/Y Cali Cawl Xaaji Cabdilaahi 139.A/Y Cabdilaahi Abokor Guure 140.A/Y Saleebaan Nuur Cabdiraxmaan 141.A/Y Mansuur Aadan Jibril 142.Eng. Faarax Cumar Sanweyne 143.DR.Maxamed Xasan Khaliif 144.A/Y Cabdi Jaamac 145.A/Y Cumar Cabdi Kabotole 146.A/Y Maxamed Jaamac 147.Eng. Shakiib Cabdi Diiriye Seeraar 148.A/Y Cabdirisaaq Caydiid 149.DR. Cali Cabdi Xasan 150.Eng. Xasan Cali Warsame 150.A/Y Saciid Saleebaan 151.Oday Xasan Giir 152.Eng. Ismaaciil Xayraan 153.DR Jaamac Hiirad Yusuf 154.A/Y Cabdilaahi Bulaale 155.DR. Maxamed Cismaan Shacaabi 156.A/Y Cabdikarim Xasan Ducaale 157.A/Y Cabdiraxmaan Faarax Dhuujog 158.A/Y Axmed Nuur Faahiye 159.A/Y Cali Salaad Dhamac 160.DR. Cabdirisaaq Jaamac Nuur 161.A/Y Mubaarik Xasan Cali 162.A/Y Cumar Xaashi Yuusuf 163.A/Y Yaasiin Abu-shiraac 164.A/Y Yuusuf Xuseen Cabdi 165.A/Y Cismaaan Faarax Dhuujog 166.A/Y Mustafa Cawil Saciid 167.A/Y Cabdisalaan Xasan Axmed 168.A/Y Maxamed Jaamac Cali 169.A/Y Mahad Cali 170.A/Y Cabdicasiis Cashuur 171.A/Y Axmed Saleebaan Cabdikariim 172.A/Y Maxamed Cawil Saciid
Yurub:
1 Suldaan Maxamuud Xaaji Xuseen
2 Prof. Sulema Dirir Cabdi 3 Sh. Aniis Maxamed Axmed 4 Eng. Cabdi Jaamac 5 Eng. Jaamac Raage 6 Dr Axmed Ciroobe (salad) 7 Eng. maxamed X C/hi Jamac 8 Eng. Saciid Xaaji Suleman 9 Eng. Ismail Omar Adan (Boos) 10 C.Q Faysal Abokor Xasan dhunkaal 11 C.Q mubaarak maxamed maxamud 12 A/Y Maxamed Yusuf Cali (Garaad) 13 A/Y Maxamud Raage Ibrahim 14 A/Y Maxamud Xaashi Cabdi 15 A/Y Axmed Suleman Cawed 16 A/Y Maxamed Iidle Cabdulle 17 A/Y Xasan Axmed Geeddi 18 A/Y Axmed X Cabdullahi Rooraye 19 A/Y Axmed Cilmi Barre 20 A/Y Saciid Cali Jaamac 21 A/Y Muusa Xaaji Yuusuf 22 A/Y Cabdoo Aayar 23 A/Y Adan Gaas Cabdi 24 A/Y Siciid aw Jaamac 25 A/Y Cabdi Cabdullaahi xasan 26 W/B Faarax Xasan Jagac 27 W/B Yaasiin Xaaji Cabdullahi 28 W/B Axmed X Yuusuf Ducaale 29 W/B Yuusuf Ismaciil Cali 30 W/B Ismaciil Barre Maxamud 31 W/B Haaji Caydii Xasan 32 W/B Jaamac Haybe 33 W/B Cismaan Nuur 34 W/B Maxamed Yuusuf Cali 35 W/G Ciisa Yuusuf 36 W/G Xuseen Xaaji Nuux 37 W/G Rashiid Axmed 38 W/G Jamac Maxamud Adan 39 W/G Saalax Maxamed Diiriye 40 W/G Saciid Maxamed Adan 41 A/Y Cabdullahi Salax 42 A/Y Xuseen Cali Cilmi 43 W/B Axmed Xaji Maxamed Biixi 44 A/Y Maxamed Farax Diiriye 45 W/B Maxamed Cabdullahi Cariish 46 A/Y Cumar Maxamed Xasan 47 A/Y Ismail maxamud Cali Dhuxul 48 A/Y Abdi Cabdullahi Xaashi 49 W/B Axmed Maxamed Jaamac 50 A/Y Moxamed Xuseen Rooble 51 A/Y Cusmaan Adan Caabi 52 A/Y Maxamed Cabdi Cilmi 53 W/B Cali Xasan Cumar 54 W/B Maxamud Cabdi Muuse 55 A/Y Yuusuf Axmed Xaaji Yuusuf 56 A/Y Xuseen Xaaji Axmed 57 A/Y Rooble Cali Guure 58 W/B Yuusuf Xaaji Maxamed 59 A/Y Cabdiwahaab Muuse Bootaan 60 A/Y Xuseen Ibrahim Jaamac. 61 A/Y Jamac Cali Muuse 62 A/Y Jamac Xaaji Dirir 63 A/Y Abdi Xuseen Jamac Farax 64 A/Y Yuusuf Xasan Umal Yucuboole 65A/Y Axmed Saleebaan Sarmaan 66. A/Y Maxamed Jaamac Cawad 67. A/Y Axmed Cali Ducaale 68. A/Y Dahir Cabdi Jaamac 69.A/Y Maxamed Cismaan Ahmed Jaaj 70.A/Y Ahmed Abokor 71. A/Y Cabdi Cabdilahi Janaale 72. A/Y Xasan Xaaji Maxammed 73. Dr Cali Keli 74. A/Y Maxamud Maxamed Cadani 75. A/Y Cisman Xaji Cumar 76. A/Y Suldaan Siciid Kabadhe 77. A/Y Mubaarik Yusuf 78. A/Y Cumar Cismaan Xassan 79. A/Y Cabdirisaq Xuseen Abyan 80. A/Y Cabdiraxman Maxamed Doodi 81. A/Y Cabdi Cadilahi Xamari 82. A/Y Jaamaca Badhaadhe 83.A/Y Saleebaan Xaaji Cumar 84. A/Y Cabdi Maxamoud 85. A/Y Bile Cawil Xaaji Cumar 86. A/Y Maxamud Cabdilahi Cawad 87. A/Y Siciid Cabdilahi Cabdi 88. A/Y Cabdirisaq Xaaji Xuseen 89. A/Y Siciid Baashe 90. Eng Bashe A. Omar 91.A/Y Ismaaciil Cabdi Jiir 92.Eng. Cismaan Abshir 93.SH. Maxamed Cabdi Baaxeer 94.SH. Xasan Cismaan 95.Eng. Ibraahim Xasan Cali 96.A/Y Cabdirisaaq Cali Ducaale 97.A/Y Yaasiin Axmed Xaaji Ducaale 98.A/Y Cismaan Aw Cabdi 99.A/Y Cabdikariim Madoobe 100.A/Y Jaamac Idigaa 111.A/Y Ciise Idigaa 112.A/Y Mubaarik Maxamed Nuur Qorbaxay 113.A/Y Cali Khadar Xasan Cismaan 114.A/Y Cali M. Jaamac
Australia:
1.A/Y Xariir Haybe
2.A/Y Cabdilaahi M. Dabey 3.A/Y Cabdiraxmaan Axmed Cali
Khaliijka: 1. A/Y Aadan Nugaal
2. Prof. Cabdi Xaaji Ciise 3. SH. Maxamed Jaamac Maxamed 4. Eng. Mxamed Adan Ducaale 5. Eng. Maxamuud Jaamac Maxamed 6. A/Y jamaal Xuseen Turub 7. A/Y Saciid Baashe Fircoon 8. A/Y Saciid Cismaan 9. A/Y Cabdilqaadir Xaaji Cali 10. Eng. Fu’aad Abookor 11. A/Y Maxamed Jaamac Cali 12. A/Y Maxamed Cabdi Ducaale
Iyo Qaar Kaloo badan oo ku nool dunida dacaladeed!!!!!!. |