spacer
spacer
header
Riyaale VS Sharci
 Guji Garnaqsi Guji Garnaqsi
Audio News
 BBC Somali 04:00 BBC Somali 04:00
 BBC Somali 11:00 BBC Somali 11:00
 BBC Somali 14:00 BBC Somali 14:00
 BBC Somali 18:00 BBC Somali 18:00
 VOANEWS VOANEWS
 Radio Horyaal Radio Horyaal
 Radio Waaheen Radio Waaheen
 Radio Hormuud Radio Hormuud
 Radio Hargeysa Radio Hargeysa
Somaliland Link
Al-Taqwaa
Allaybaday
Aftahan
Awdalnews
Caynaba
Farshaxan
Gabiley
Gaarriye
Golisnews
MALCOLM X
Radio Somaliland
Radio Somaliland Online
Haatuf
Hadhwanaagnews
Halgannews
Hargeysa
Harowo
Hilinkatoosan
Hormoodnews
Hoygasuugaanta
Berbera
Waridaad
Jamhuuriya
Somaliland Org
Somaliland Future
Longlivesomaliland
Somaliland Times
Somaliland Talk
Somaliland News
Kulmiye Info
Saaxil
Sooyaal
Somaliland Poets
Togdheernews
Qarannews

Welcome to Somalilandcenter.com


Home arrow Blog arrow Deeqbixiyayaasha oo go'aansaday in aanay lacag ku bixin Diiwaangelinta Codbixiyayaasha ee Somalila

Deeqbixiyayaasha oo go'aansaday in aanay lacag ku bixin Diiwaangelinta Codbixiyayaasha ee Somalila
User Rating: / 0
PoorBest 
Sunday, 11 May 2008

Deeqbixiyayaasha Somaliland ka caawiya Doorashooyinka iyo hannaanka Dimuqraaddiyadda ayaa shaaca ka qaaday inay joojiyeen lacagtii ay ugu talagaleen diiwaangelinta codbixiyayaasha ee doorashooyinka Somaliland ee soo socda.

Waxayna shuruuddo ku xidheen lacagta ay u hayaan doorashooyinka Madaxtooyada iyo Dowladaha Hoose oo ay ballanqaadeen.  Deeqbixiyayaasha Somaliland ka caawiya doorashooyinka oo ka kooban: Guddida Hoggaaminta Dimuqraadiyadaynta Somaliland, UK, Norway, Denmark, Sweden, Maraykanka iyo Midowga Yurub, go’aan ay maanta ka soo saareen magaalada Nairobi, oo ay u soo kala direen Komishanka Doorashooyinka Qaranka, Saddexda Xisbi iyo Shirguddoonada labada gole, waxay caddeeyeen inay ka niyad-xun yihiin dib-u-dhaca mar kale ku yimi qabashada doorashooyinka iyo khilaafaadka ka taagan oo aan weli loo helin xal ku yimi wadahadal.

Waxa kale oo ay xuseen kala dhantaalnaanta Komishanka Doorashooyinka oo ay sheegeen in aanu dhammaystirnayn, isla markaana aanu dheellitirnayn.  Sidoo kale, waxay sheegeen oo ay ku sababeeyeen go’aankooda joojinta lacagta diiwaangelinta in uu jiro khilaaf siyaasadeed iyo mid sharci iyo weliba arrimo farsamo oo ka dhigaya wax aan sugnayn ama la hubin sida loo hirgelin karo Diiwaangelintu.

Sidaa darteed, ayuu yidhi qoraalka Deeqbixiyayaashu, “Waxaanu ka xunahay inaanu idiin sheegno in Deeqbixiyayaashu aanay maalgelinayn Diiwaangelinta Codbixiyayaasha”.Hase yeeshee, waxay si buuxda u ballanqaadeen inay maalgelinayaan Doorashooyinka Dowladaha Hoose iyo Madaxtooyada, taas oo ay iyana ku xidheen laba shuruudood oo kala ah:

  - In dib la isula eego Komishanka Doorashooyinka Qaranka, lana dhammaystiro, isla markaana laga dhigo Komishanka Madax bannaan, isu dheellitiran, xilkana gudan kara.

- In isfaham lagu gaadho wakhtiga ay qabsoomayaan doorashooyinku, qoraalna ay ku soo saaraan Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Guddoomiyayaasha Saddexda xisbi Qaran.  

Diiwaangelinta Codbixiyayaasha ayaa ah caqabada ugu weyn ee hortaalla doorashooyinka Somaliland, iyada oo sababtay in dib loo dhigo doorashooyinka oo qabsoomi lahaa Dec. 15 2007 iyo 14 April 2008. Isla markaana qodobo ka mid ah Xeerka Diiwaangelinta ayaa Madaxweyne Riyaale u cuskanayaa muddada Guurtidu u kordhisey, isaga oo ku doodaya in doorashooyinku aanay ku qabsoomi karayn wakhtiga Xisbiyada iyo Komishanku ku heshiiyeen, maadaama xeerka Diiwaangelintu dhigayo in 6 bilood u dhexayso dhammaystirka diiwaangelinta iyo qabashada Doorashada. Waxaana la filayaa in go’aankan Deeqbixiyayaashu uu ka dambeeyey, kadib markii Madaxweyne Riyaale uu ku adkaystay in aanu ogolayn wax aan ahayn xeerarka iyo Dastuurka Dalka, taas oo uu uga jeedo xeerka Diiwaangelinta ee uu u daliishanayo inuu xilka sii joogo.  

Beesha Caalamka ee danaysa dimuqraadiyadda Somaliland, kana caawisa doorashooyinka ayaa dedaal badan u galay in wadahadal lagu xallilo khilaafka ka taagan qabashada doorashooyinka, waxaana ugu dambeeyey wefti ka socdey Safaaradda Britain ku leedahay Addis Ababa, kaas oo kulamo la yeeshay dhinacyada arrintu khusayso oo dhan oo uu ku jiro Madaxweyne Riyaale. Sida uu sheegay Warsaxaafadeed uu Afhayeenka Madaxtooyadu ka soo saaray kulanka Madaxweyne Riyaale iyo Weftiga Ingiriiska, Madaxweyne Riyaale waxa uu ku dooday inuu diyaar u yahay inuu qabto doorashooyinka, balse, waxa uu raaciyey in la ilaalinayo, lana tixgelinayo xeerarka dalka, taas oo macnaheedu yahay doorasho ku salaysan xeerka Diiwaangelinta ee caqabadda ku ah doorashada. 

Source: Somaliland.org

spacer
Reference
NSS-tii
--------
Gobolka Gabiley
 Dhul Boob Dhul Boob
 Xasan Ganey Xasan Ganey
 Cabdi Qays Cabdi Qays
 Muj: Ibrahim Maygaag Muj: Ibrahim Maygaag
 Dr:Gaboose Dr:Gaboose
 Muj:Farxaan Faacuul Muj:Farxaan Faacuul
 Muj: M. Hashi Muj: M. Hashi
 Dr:Gaboose Dr:Gaboose
 Dr:Duxood Dr:Duxood
 Saleebaan Gaal Saleebaan Gaal
 Samaale Samaale
 Maxamuud Nuur Maxamuud Nuur
 London London
 Cawke Cawke
 Bayaan Bayaan
 Muj. Cashuur Muj. Cashuur
 Muj:Xasan Ciise Muj:Xasan Ciise
 Maxamed Arabay Maxamed Arabay
 Salaadiin Salaadiin
 Xasan_Gadhweyne Xasan_Gadhweyne
Shuronet
 Halkan ka dhageyso Halkan ka dhageyso
Cartoons
Cartoons
Statistics
Visitors: 9875444


Copyright(C) 2002 Somalilandcenter.com
spacer