|
Guddoomiyaha Golaha Wakiilada C/raxmaan Cirro oo Warbixin ku sheegay inuu faramadhan ka taagan yahay |
|
Monday, 12 May 2008 |
|
Guddoomiyaha Golaha Wakiilada C/raxmaan Cirro oo Warbixin ku sheegay inuu faramadhan ka taagan yahay dhexdhexaadintii.. Somalilandcenter.com- Warbixin uu saaka siiyay Golaha Wakiilada, Guddoomiye C/raxmaan Cirro ayaa waxuu ku sheegay inaanay waxba uga suurogelin dhexdhexaadintii khilaafaadka u dhexeeya Asxaabta Mucaaradka iyo Xukuumada. Khilaafkaa oo salkiisu ahaa doorashooyinka soo socda. Waxa uu gudoomiyuhu sheegay inay u suurto gali wayday inuu is horkeeno labada Guddoomiye iyo Madaxweynaha, taasi oo dhanka Madaxweynaha uga hirgaliweyday oo uu Madaxweynuhu ku gacan saydhay. Waxa kale oo uu sheegay inuu hawsha dhexdhexaadinta isagu faraha ka qaaday una baneeyay cidii kale ee xilkaa qaadan karta. |