spacer
spacer
header
Riyaale VS Sharci
 Guji Garnaqsi Guji Garnaqsi
Audio News
 BBC Somali 04:00 BBC Somali 04:00
 BBC Somali 11:00 BBC Somali 11:00
 BBC Somali 14:00 BBC Somali 14:00
 BBC Somali 18:00 BBC Somali 18:00
 VOANEWS VOANEWS
 Radio Horyaal Radio Horyaal
 Radio Waaheen Radio Waaheen
 Radio Hormuud Radio Hormuud
 Radio Hargeysa Radio Hargeysa
Somaliland Link
Al-Taqwaa
Allaybaday
Aftahan
Awdalnews
Caynaba
Farshaxan
Gabiley
Gaarriye
Golisnews
MALCOLM X
Radio Somaliland
Radio Somaliland Online
Haatuf
Hadhwanaagnews
Halgannews
Hargeysa
Harowo
Hilinkatoosan
Hormoodnews
Hoygasuugaanta
Berbera
Waridaad
Jamhuuriya
Somaliland Org
Somaliland Future
Longlivesomaliland
Somaliland Times
Somaliland Talk
Somaliland News
Kulmiye Info
Saaxil
Sooyaal
Somaliland Poets
Togdheernews
Qarannews

Welcome to Somalilandcenter.com


Home arrow Blog arrow Kulankii Caawa ee Xisbiyada Mucaaridka ah iyo Daahir Riyaale iyo tabcooyinka ku lifaaqan kulankaa.

Kulankii Caawa ee Xisbiyada Mucaaridka ah iyo Daahir Riyaale iyo tabcooyinka ku lifaaqan kulankaa.
User Rating: / 0
PoorBest 
Friday, 16 May 2008

Kulankii Caawa ee Xisbiyada Mucaaridka ah iyo Daahir Riyaale iyo tabcooyinka ku lifaaqan kulankaa.

Somalilandcenter.com - Hoggaanka labada xisbi ee mucaaridka UCID iyo KULMIYE ayaa caawa fiidkii soo gebagebeeyey wadahadal fool-ka-fool ah oo ay ku yeesheen galabta Qasriga Madaxtooyada, kadib martiqaad qado iyo fadhi ah oo uu Madaxweyne maanta ugu sameeyey halkaas.

 

Kulankan oo ay ka qaybgaleen dhinaca mucaaridka, min saddex xubnood oo ay hoggaaminayeen Guddoomiyayaasha labada xisbi ee UCID iyo KULMIYE, Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Faysal Cali Waraabe, waxa uu dhammaaday caawa fiidkii, wax war ah oo rasmi ahina kama soo bixin.

 

Hase yeeshee, waxa la sheegay in labada dhinac ay si adag uga wada hadleen arrimaha khilaafku ka taagan yahay iyo guud ahaan xaaladda dalka, balse, aanay jirin wax la isla meeldhigay. Waxaana la sheegay in kulan kale loo ballamay Isniinta oo taariikhdu tahay 19 May.

 

Madaxda xisbiyada mucaaridka ah oo ay saxaafaddu la xidhiidhay way diideen inay wax war ah bixiyaan, waxayna sheegeen keliya in kulankaasi ku dhacay jawi wanaagsan, loona ballamay kulan kale 19 May.

 

Fadhigan maanta oo aanay jirin cid dhexdhexaadinaysey waxa uu ka dambeeyey kulan xalay Madaxtooyada ku dhexmaray Madaxweyne Riyaale iyo madaxda labada xisbi ee mucaaridka ah, kaas oo gogol-xaadh u ahaa kulankan maanta, isla markaana la iskula qaatay in la joojiyo dacaayadaha iyo eedaymaha saxaafadda la isu marinayo iyo in la dejiyo xaaladda, wadahadalna la bilaabo.

 

Kulamadaasina waxay ka dambeeyeen xidhiidh wasiirka Maaliyadda, Xuseen Cali Ducaale (Cawil) uu shalay la sameeyey xisbiga mucaaridka ugu weyn ee KULMIYE oo isaga oo ah ergey ka socda Madaxweyne Riyaale ka dalbaday xisbiga KULMIYE in ay la kulmaan Madaxweyne Riyaale si xaaladda looga wadahadlo.

 Tabcooyinka. 

Sharcinimada madaxweynaha oo dhammaanaysa May 15, 2008 saacadu marka ay tahay 12:00:00 AM ( ee habeen-badhka), haddaba haddii aydhaafto saacad, maalin, bil, ama sanad waa isku mid jabinta sharciga.

 

Haddii aan is barbardhigno labada dhinac ee is haya muxaafid iyo mucaarid.

Muxaafid: Madaxweynaha iyo xukuumadiisu waxa uu  wadahadalku dhankooda ka yahay in ay mudada May 15, 2008 ku dhaafaan oo aan dadweynaha iyo xisbiyada mucaaridku aanay ku gadoodin, waxay ku tala jiraan in ay u harag jiidaan, dajiyaana dadweynaha, jabinta sharcigana ay la wadaagaan xisbiyada mucaaridku oo loo yidhaa heshiish iyo is afgarad ayaa labada dhanba wada gaadheen, dhanka sharcigana ay tahay mid isku mid ah, oo haddii aan ka hor muddada go’aan la wada gaadhin uu jabayo sharciga uu ku fadhiyo madaxweynuhu, taasi oo xukuumadu rabto in lala wadaago burburinta sharciga, kuna dajiso xaalada kacsan ee dalka, muddo dabadeedna ay sidii ay xukuumadu rabtay u socoto.

 

Mucaarid:  Mucaaridku waxay aaminsan yihiin in ayna noqon kuwii u horseeda fowdo ama qas dalka ku dhaca, iyada oo dadweynaha lagu qufulay in ay nabada ilaaliyaan, oo si qaldan wax loogu sheegay dadweynaha, maadaama dadweynuhu aanay fahan badan oo dhanka sharcinimada ah aanay lahay ay ka cabsi qabaan qalalaase dalka ku dhaca.

 

Su’aalaha dadweynuhu isweydiinayaan.

 

Xitaa haddii ay xisbiyada mucaaridku ogolaadaan muddada sanadka ah ee guurtidu kordhiyeen, ayaa damaanad qaadaya in aanay xukuumaddu muddo kordhin kale samaynay? Maxaase la yeelayaa haddii xukuumada badheedhay ay sii damacdo in ay xukunka sidaa ku haysato oo ay balamahaa la galay ka baxdo sidii caadada u ahayd xukuumada Riyaale?

spacer
Reference
NSS-tii
--------
Gobolka Gabiley
 Dhul Boob Dhul Boob
 Xasan Ganey Xasan Ganey
 Cabdi Qays Cabdi Qays
 Muj: Ibrahim Maygaag Muj: Ibrahim Maygaag
 Dr:Gaboose Dr:Gaboose
 Muj:Farxaan Faacuul Muj:Farxaan Faacuul
 Muj: M. Hashi Muj: M. Hashi
 Dr:Gaboose Dr:Gaboose
 Dr:Duxood Dr:Duxood
 Saleebaan Gaal Saleebaan Gaal
 Samaale Samaale
 Maxamuud Nuur Maxamuud Nuur
 London London
 Cawke Cawke
 Bayaan Bayaan
 Muj. Cashuur Muj. Cashuur
 Muj:Xasan Ciise Muj:Xasan Ciise
 Maxamed Arabay Maxamed Arabay
 Salaadiin Salaadiin
 Xasan_Gadhweyne Xasan_Gadhweyne
Shuronet
 Halkan ka dhageyso Halkan ka dhageyso
Cartoons
Cartoons
Statistics
Visitors: 9875413


Copyright(C) 2002 Somalilandcenter.com
spacer