|
Qosolka Macaaradku ma dhabbaa? |
|
Friday, 16 May 2008 |
Axmed Xaji Yuusuf Ducaale
Aad baan uga xumahay in madaxdii macaaradku shuruud la'aan ku horfadhiistaan ina Riyaaloo dayaxiisu dhacay.
Su'aal ma' iyadoo Ilaahay ina Riyaale mudadaynu ixtiraamayney inaga dhameeyey ayaad ula hadlaysaan, sidii wax dhaafsan Gudoomiye UDUB?
Waxay ahayd inay u hadlaan waa mucaaradka e' waxay dadweynuhu doonayaan oo ah in dulmiga iyo dilka la' caadeystey la' joojiyo
Waxay ahayd in lays weydiiyo dilkii u danbeeyey ee inamadii la' toogtey iyagoo bawaagtii dusha ku sita, iyo dhiigga shacabka ee la' xalaashaday mudadii Daahir magaca loo lamaaneeyey
waxay ahayd in la' weydiiyo ina Riyaale inantii lagu toogtey badhtamaha Hargeysa ee ninkii diley la' yidhi xadhiga ma'geyo, kii gaadhiga wadeyna la' qafaashay oo lagala maqanyahay gogoshiisii iyo gurigiisii
Waxay ahayd in la' weydiiyo xadhigii Abshir iyo hudheelada loo weerarayo sidii ay arga-gixso ku jirto iyadoo lagu socdo qof aan waxba geesan lagu kibir qoo-qayo.
Waxay ahayd in lays weydiiyo ciidamadan lagu sheegayo faras magaalaha caasimadda ujeedada ka danbaysa
Waxay ahayd inay kala hadlaan ina Riyaale qaabkii looga heshiin lahaa sidii Dawlad doorashada dar-dar gelisa loo samayn lahaa
Waxay ahayd inay u sheegaan in ina Riyaale aanu ku haysanayn kuna xukumi doonin sidii lagu qadderinayey isna ku qarda-jeexayey
Waaxay ahayd inay ka koraan khiyaamada, beer-laxawsiga balan-darada, iyo Billaahida beenta ah
Waxay ahayd inay yidhaahdaan cayda iyo hanjebaadaad caadaysatey hasii macaansan wixii lagagu dhawrayey kaa dhamaade e'
Waxay ahayd inay u sheegaan inuu ka waantoobo ina Riyaale hadaladay mas'uuliyiinta Dawladdu warbaahinta u marinayaan iyagoo ceshiimeynaya qabaa'ilka laga uriyo macaarad u janjeedhka
Waxay ahayd inay xasuusiyaan in wixii nabad-gelyada gaadha ina Riyaale ka mas'uul noqon doono
Waxay ahayd in aanay yeelin balanta isniinta 18-ka bisha dib loogu riixay, hadayba ogolaadeen is arag danbena, waxay ahayd inay u qaddimaan in aanay kula kulmi doonin maalintaa sidii madaxweyne.
Waxay ahayd inay dadweynaha sugaya runta ugu soo gudbiyaan oo ka waramaan waxay kala kulmeen kooxdii looga wer-wersanaa Somaliland
Waxay ahayd inay doorsiiyaan ina Riyaale, Cawil iyo Bullaale kuu door bido inuun ku nwehelinayo kulanka, illeen sadx sadex baad ahaydeene
Waxay ahayd inaydaan iskala qoslin nimaan qadaf iyo qallooc mooyee aan lahayn wax lagula qosol-qaybsado.
Waxay ahayd inaydaan sinaba uga yeelin ina Riyaale inuu doorasho idinkula galo isagoo gacanta ku haysta wasaaradaha Daakhiliga, Maaliyadda, Warfaafinta, iyo isagaa iska lumiyey waqtiga e' Wasaaradda Difaaca.
Waxad yeeshaan haku arkina madaxtooyada isagoo Daahir isu qaba Madaxweynihii hore ee somaliland. Waxad diidaan Warmihii dhiigga lahaa ee Guurti ku-sheeggu Somaliland ku wanjaaftay. Waxa diidaan bi'i waaya e' wixii quudhsi leh een qadderin marin.
Hanoolaato Somaliland Riyaale dabadii, ammaano Alla. Axmed Xaji Yuusuf Ducaale |