spacer
spacer
header
Riyaale VS Sharci
 Guji Garnaqsi Guji Garnaqsi
Audio News
 BBC Somali 04:00 BBC Somali 04:00
 BBC Somali 11:00 BBC Somali 11:00
 BBC Somali 14:00 BBC Somali 14:00
 BBC Somali 18:00 BBC Somali 18:00
 VOANEWS VOANEWS
 Radio Horyaal Radio Horyaal
 Radio Waaheen Radio Waaheen
 Radio Hormuud Radio Hormuud
 Radio Hargeysa Radio Hargeysa
Somaliland Link
Al-Taqwaa
Allaybaday
Aftahan
Awdalnews
Caynaba
Farshaxan
Gabiley
Gaarriye
Golisnews
MALCOLM X
Radio Somaliland
Radio Somaliland Online
Haatuf
Hadhwanaagnews
Halgannews
Hargeysa
Harowo
Hilinkatoosan
Hormoodnews
Hoygasuugaanta
Berbera
Waridaad
Jamhuuriya
Somaliland Org
Somaliland Future
Longlivesomaliland
Somaliland Times
Somaliland Talk
Somaliland News
Kulmiye Info
Saaxil
Sooyaal
Somaliland Poets
Togdheernews
Qarannews

Welcome to Somalilandcenter.com


Home arrow Articles arrow Articles arrow Goormaa Axsaabtii Mucaaradka Somaliland Jeeb-Suudaaniga Loo Tolay Oo Xaalkoodii Ku Danbeeyey Af-wax

Goormaa Axsaabtii Mucaaradka Somaliland Jeeb-Suudaaniga Loo Tolay Oo Xaalkoodii Ku Danbeeyey Af-wax
User Rating: / 1
PoorBest 
Sunday, 08 June 2008

Qalinkii: Shueib A. Gaboose

Canada/ Toronta

Goormaa Axsaabtii Mucaaradka Somaliland Jeeb-Suudaaniga Loo Tolay Oo Xaalkoodii Ku Danbeeyey Af-wax Cunay Xishoo!!!

Marka hore waxaan salaan u dirayaa warbaahinta Somaliland ee ka hawlgasha dalka dibaddiisa iyo gudihiisa oo wixii waroo dalka khuseeya naga haqabtira waxaanad haysaan hawl qaran ee halkaa ka sii wada waanan idiinka mahadnaqaynaa sida dhexdhexaadnimada leh ood u soo bandhigtaan afkaarta iyo dood-wanaaga mujtamaca Somaliland ee idinla soo xidhiidha. Maanta waxaan doonayaa bal inaan ku lafa guro khilaafaadkii siyaasadeed ee hadheeyey Somaliland oon maqalnay waxna waa laga heshiiyey waxna wali way dhimmanyihiin iyo maxaa keenay khilaafaadka siyaasadeed ee marwalba soo noqnoqonaya oo intay cirka isku shareerto aan misna maqlaynno WAAR CARRO waa nabadeey ee reerka halla nageeyo colkiina waa la kala qaaday oo dhawrto iyo sadaqaa inagu baxsatay ee xagga Rabbi halloo jeesto!!!

Somaliland waxay qaadatay nidaamka axsaabta badan oo dastuurka dalka loogu talagalay in lagu hago wuxuu qodabkiisa 9-aad leeyahay sidan:- "Nidaamka siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland waxaa saldhig u ah nabad, talo-wadaag, dimuqraadiyad iyo hannaanka xisbiyada badan" ee haddaba iyadoo muwaadiniintu ay aad ula socdaan murannadii siyaasadeed ee dalka ka soo dhacay ayaad waxaad arkayaa inay dhammaantood salka ku hayeen dano gaara oo ay leeyihiin ama xukuumaddu ama axsaabta qaranku oo ay mar walba noqonaysay sidii gabadhii geel jiruhu kufsaday oo hooyadeed qaarta la dhacday deetana intuu ka dul booday uu ku qabtay hooyadeed oo gabadhiina istidhi adna markaaga kakici inkaar qabaha hooyadaa deetana islaantii ay ku tidhi gabadheedii "hooyo ragga lama uleeyee ninka usha ka daa hawshiisa ha iska watee waxba ina yeeli mayee" deetana gabadhii intay yaabtay bay ku tidhi hooyadeed illayn waad iga kacsanaysaye ee igamaad kicinayn hooyo.

Taasoo mar walba la mida waxay xukuumadda iyo xisbayadu isku hayaan inay tahay danahooda u gaarka ah ee aaysan ahayn danta qaranka oo hadba inta la isku kaco oo la goolaaftamo oo shicibka riwaayad loo dhigo ayaad haddana arkaysaa kuwiiyoo aan ahayn kuwii shalay oo wada barshaynaya oo barkimadu u dheertahay oo habluhu adeeg hufan ay qaadka iyo shaaha ugu dadaalayaan laguna marxabaysiinayo erayo macaan sida ha iga dhicin ha iga jabin iyo mudanayaal maxaan kaloon idiin qabanaa oo quluubtiinu tabaysaa iyo qosol iyo dhoola caddayn!!!!

Haddaan u soo noqdo cinwaanka maqaalkan bal aan in yar ka idhaahdo: Sideedaba caalamkan aad arkaysaan ummad waliba waxay leedahay dhaqankeeda iyo hab-nololeedkeeda oo ah waxyaaba ay uga gaddisantahay quruumaha kale, markaa adigu haddaad isla dhaqan wanaagsantahay waxaa jira qaar dhaqankaagu la xunyahay ama la yaaba markay maqlaan ummad baa sidaa u dhaqanta hana layaabin haddii lagu yidhaahdo India waxaa yaradka iyo gabbaatiga bixiya gabadha reerkooda meesha Soomaaliland ama Soomaaliyaba ninka gabadha guursanayaa uu tacab badan u soo galo, sanooyin badanna u soo shaqeeyo sidii uu u soo heli lahaa yaradkii iyo gabbaatigii uu la hor tagi lahaa gabadha reerkooda oo waliba hadduu qurbaha ka yimid gurigi baa ba’ay oo waxaa u soo miciyo lista dadkoo dhan. Waddama khaliijka Carabta dadka lacagtalihi waxay yarad u bixiyaan gabadha miisaankeeda DAHAB le’eg oo reeraha qaarbaa sii naaxiya hablahooda si miisaankeedu u dhaafo 120 kiilogaraam si ay u helaan DAHAB le’eg miisaanka gabadha! taasba caado rag dheh iyo nin walba qumanihiisaa qoorta ugu jira.

Haddaad eegto SUUDAANTA waxaad ku arkaysaa dhaqan aan dunidu la wadaaagin ee iyaga uun u gaara waxaana ka mida khamiiska ay xidhaan inuu xagga danbe jeeb ku leeyahay meesha dunidoo dhammi xagga hore shaadhku ama khamiisku jeebka ku leeyahay. Bal aan iswaydiino maxaa Suudaanta gaarka uga dhigay jeebka danbe oo aan kaftannee ma indhahay xagga danbe ku leeyihiin mise gacmahoodaa wax kala xada! Taa haddaan wax ka idhaahdo waxaa jiri jirtay in Suudaantu ay barigii hore ka mid ahayd dalka MASAARIDA oo dadka madaw yasi jiray ayna ahaan jireen dad guryaha iyo beeraha uga shaqaya. Marka ay adeega u keenaan sida cuntada, qaxwaha iyo sharaabka ee intuu miiska dhigo sii jeesto buu SACAATAL BAASHAHA guriga ama xaafiiska lihi xoogaa yaroo TIBA jeebka danbe ugu ridi jiray oo khaadimkoo soo jeeda waxba may siin jirin taasina waxay noqotay ilaa immika caado ma guurtaa oo Suudaantu leedahay. Dadka qaarna waxay yidhaahdaan Ingiriiskii gumaysan jiray yasid uu yasayo buu jeebka danbe wax ugu tuuri jiray.

Caadadaasi meel kastaba salka haku haysee maanta waxaa caddaatay in axsaaabtii qaranku u xuubsiibteen Suudaan oo xagga danbe ay jeebab ku soo tosheen kuna fillaatay QADO iyo QAAD loogu sameeyay guriga Daahir Riyaale dagganyahay iyo xoogaa qarasha oo laga soo daba tuuray oo jeebka danbe loogu soo riday markay guriga madaxweynaha ka soo baxayeen oo Somaliland siyaasigeedii uu ku danbeeyay jeeb danbe soo tolo iyo qadiyo qaad ee aysan lahayn siyaasad itijaah leh oo loogu damqanayay dal iyo dad-toona ee WAAR YAADHA HEE CANDHUUFTIINA DIB U LIQA oo kala garta in salaaddu kala tahay sunniyo faral ee wixii lagu dagaalamayay ay ahayd aan Maandeeq wada raqno iyo xukuumadda kaligeedba kuma filnee waqtigiina sugta taana waxaa daahfuray Mujaahid Cabdiraxmaan Laba Tolle markii uu ka hadlayay xuskii 20-aad ee SNM ku soo gashay Hargeysa 31 May ‘88kii uu ka yidhi waligeedba xorriyada waxaa u soo dhinta geesiga waxaana u hara oo manaafacsada fulayga ee Xukuumaddaw bahasha wax naga soo gaarsiiya kaligiin ha isku koobina e. Markaa akhristow ma iswaaydiisay waxa xukuumaddu isku koobtay iyo bahasha wax naga soo gaarsiiya macnaha ku hoos duugan. Haddaad fahamtay taa uun baa laysku haystaaye haku qaldamin in la isku hayo DANAHA QARANKA.

Gunaanad iyo gabagabadii waxaan ku soo xidhayaa goormaa Jeeb-Suudaaniga loo tolay axsaabtii qaranka oo ay ku fillaatay QADO IYO QAAD iyo XOOGAA QARASHA OO JEEB-SUUDAANIGA LOOGU SOO RIDAY. Miyeysan ahayn madaxda mucaaradku nimankii odhan jiray xukuumaaddii Siyaad Barre baa ka arxan roonayd oo dhagaxtuurkii 1982-gii waxay faqashtii ku dishay HAL ruux meesha xukuumadda Daahir Riyaale ay shicibkeedii oo cabasho yar ka gadooday ay judhiiba ku khaarijisay 3 muwaadin ee goormuu cirkii caadka noqday oo xukuumaddii shalay caynkaa ahayd ay noqotay xalay dhalay iyo mid u damqaysa dadkeeda. Anoo jecel inay Somaliland noqoto dal jira oo leh hoggaan wacan lana jaan qaada dunida dimoqraadigaa ayaan waxaan arkaa inaysan axsaabta qaranku ahayn kuwo leh siyaasad ay ku soo jiidan karaan muwaadiniinta oo waxaa sheegay M. I. Bullaale oo yidhi annagana Udub ahaan nalaga fiican mucaaradkuna ma ahan kuwii naga ridan lahaa ee xaqiiqdu waa sidaa haddaad isdiidsiinaysaan iyo haddaad qaadanaysaanba waxayna 3 da xisbi ka simanyihiin duudsiga xuquuqda aas-aasigaa ee muwaadiniintu xaqa dastuurigaa u leeyihiin oo waxay isku raacsanyihiin inaysan muwaadiniinta kale kula looltamin hoggaan dalka markaa shiciboow xaalkiinii wuxuu marayaa karis xun adna ku wax li’id iyo dalkii oo u afduuban 3 nin oo qudha ee ma waxaasaa loo soo halgamay mise kacdoon aan hadaf lahayn baa dadkeenii u soo dhinteen!

Wa Billaahi Tawfiiq iyo Sidii Roon Rabbo Na Garan Sii Adaan Talo Ku Seegine

Qalinkii: Shueib A. Gaboose

Canada/ Toronta

spacer
Reference
NSS-tii
--------
Gobolka Gabiley
 Dhul Boob Dhul Boob
 Xasan Ganey Xasan Ganey
 Cabdi Qays Cabdi Qays
 Muj: Ibrahim Maygaag Muj: Ibrahim Maygaag
 Dr:Gaboose Dr:Gaboose
 Muj:Farxaan Faacuul Muj:Farxaan Faacuul
 Muj: M. Hashi Muj: M. Hashi
 Dr:Gaboose Dr:Gaboose
 Dr:Duxood Dr:Duxood
 Saleebaan Gaal Saleebaan Gaal
 Samaale Samaale
 Maxamuud Nuur Maxamuud Nuur
 London London
 Cawke Cawke
 Bayaan Bayaan
 Muj. Cashuur Muj. Cashuur
 Muj:Xasan Ciise Muj:Xasan Ciise
 Maxamed Arabay Maxamed Arabay
 Salaadiin Salaadiin
 Xasan_Gadhweyne Xasan_Gadhweyne
Shuronet
 Halkan ka dhageyso Halkan ka dhageyso
Cartoons
Cartoons
Statistics
Visitors: 10003947


Copyright(C) 2002 Somalilandcenter.com
spacer