spacer
spacer
header
Riyaale VS Sharci
 Guji Garnaqsi Guji Garnaqsi
Audio News
 BBC Somali 04:00 BBC Somali 04:00
 BBC Somali 11:00 BBC Somali 11:00
 BBC Somali 14:00 BBC Somali 14:00
 BBC Somali 18:00 BBC Somali 18:00
 VOANEWS VOANEWS
 Radio Horyaal Radio Horyaal
 Radio Waaheen Radio Waaheen
 Radio Hormuud Radio Hormuud
 Radio Hargeysa Radio Hargeysa
Somaliland Link
Al-Taqwaa
Allaybaday
Aftahan
Awdalnews
Caynaba
Farshaxan
Gabiley
Gaarriye
Golisnews
MALCOLM X
Radio Somaliland
Radio Somaliland Online
Haatuf
Hadhwanaagnews
Halgannews
Hargeysa
Harowo
Hilinkatoosan
Hormoodnews
Hoygasuugaanta
Berbera
Waridaad
Jamhuuriya
Somaliland Org
Somaliland Future
Longlivesomaliland
Somaliland Times
Somaliland Talk
Somaliland News
Kulmiye Info
Saaxil
Sooyaal
Somaliland Poets
Togdheernews
Qarannews

Welcome to Somalilandcenter.com


Home arrow Articles arrow Articles arrow Milicsiga Heshiiska Xukuumadda Iyo Axsaabta Mucaaradka Ah

Milicsiga Heshiiska Xukuumadda Iyo Axsaabta Mucaaradka Ah
User Rating: / 0
PoorBest 
Sunday, 08 June 2008

Qalinkii: Maxamed Saleebaan Cumar

Hor-dhac:

Qormadani, waa aragti iyo qabitaan qumman oo si hal-haleel ah uga soo maaxday maskax iyo maan ka caafimaad qaba si xun wax u tebinta/sheegga. Waa dareen ka soo go’ay kal iyo lab saafi ka ah xumaan nooc ay tahayba. Waa taageero u socota dadyawga sama-taliska ah. Waa dawan, buun iyo caroog ku baaqaya isu-soo-dhawaynta uurka bulshada dan-wadaagta ah. Waa hadal iyo hawraar hillin u jeexaysa qabatinka samaanta iyo facaa’ilka Alle loogu dhawaanayo. Waa farriin dhaymo u ah doogta iyo boogta falsafadda gurracani damaqa ku hayso. Waa hiil iyo gacan loo fidinayo xaqa iyo wanaagga. Waa tallaabo hor leh oo uu lagu ballaysimay, wada-tashi, isu-tanaasul iyo tasaamux. Waa farxad aan la wadaagayo inta u saaxiibka ah garaadka sida toolmoon u shaqeeya. Gees kale haddaan istaago, dhanbaalkani waa mid huq iyo hagardaamo ugu filan inta hadimo-qoolka ku foogan. Waa eebo afaysan oo ku ganan inta deganaanshaha iyo nabad ku wada noolaanshaha cadawga u ah. Waa fallaadh walwal-curis ah oo aan ka go’ayn ninkii galabsaday.

Meexaane iyo arar kooban haddaan intaas kaga gudbo, u horreyn, aan dhayda ka caddeeyo hal iyo laba qodob. Ula-jeedadaydu maaha mid cid gaara abbaaraysa. Uma hollan, qalinkana khadka uma darin, duudsiga iyo deeddafaynta ashkhaas goonni ah. Xaashaa Lillaah!. Xaaraan bay iga tahay in aan si toosa iyo si dadban midna u carinayo hebello bulshada ka mid ah. Afeef kal-samaan iyo kalsooni unugtay aan intaas ku dhaafo. Obocda iyo adhaxda farriintayda maantu waa mid ku aroorta xaaladda siyaasadeed ee ammintan la joogo geyiga ka jirta. Dabcan, waa heshiiska ay dhawaan qalinka ku wada duugeen Xukuumadda iyo Axsaabta Mucaaradka ah. Ha yeeshee, inta aanan u gonda-degin godka iyo dulucda qoraalkayga, aynu wada dheehanno, sifihii iyo tabahii wada-hadaladani ku ibo-furmeen iyo xaaladdii keentay baahidooda (wada-xaajoodka).

Gogol-dhig:

Golaha Guurtida Jsl waa gole sharci-dajineed. Dhan marka laga halacsado, waa gole awoodo badan oo dastuuriya hagoogan. Dhinac kale marka laga jalleecana, waa gole aan la jaan-qaadayn koboca hannaanka dimuqraaddiyadeed ee waddanka ka tis-qaaday. Waa golaha kaliya ee ku jooga hab-beeleedkii duugoobay ee gabbalkiisu dumay. Haddii si kooban loo yidhaahdana, waa golaha kaliya ee aan ku iman rabitaanka shacbi-weynaha. Doorashadii wakiilada ee Sep 2005-tii ka qabsoontay Somaliland, waxa guulo muuqda ka soo hooyay axsaabta mucaaradka ah, taas oo dihatay in aqlabiyadda mudenayaasha golaha iyo shir-guddoonkuba noqdaan qaar ku abtirsada Axsaabta mucaaradka ah. Md: Rayaale oo taliskiisu xoolo badan ku lumiyo hir-galinta siyaasadaha ma-dhalayska ah ee ku qotoma aragtida; xinka, xasadka, xiqdiga, mindi-mindi-ku-taagta iyo hebel-hebel-ka-hor-geeda ayaa is-tusiyay in golaha wakiilada ee la doortay caqabad iyo carqalad ku yahay hab-sami u socodka hannaanka musuqa, cadaalad-darrada, maamul-xumada iyo keli-talisnimada ku dhisan ee xukuumaddiisa.

Madax-weyne Rayaale waxa uu raadiyay tub iyo dariiq uu ku qaybin karo, wada-shaqayntii ka dhaxaysay labada gole baarlamaan, taas oo wiiqaysa jiritaanka awoodaha golaha wakiilada ee la soo doortay. Maadaama lagula xisaabtamay facaa’ilkii uu iskii u fali jiray dharaarihii hebellada dhaameel-ku-noosha ahi kuraasida ku fadhiyeen, waxa uu ku kacay in uu mad-madow galiyo qaar ka mid qodobada distoorka, si waddanku u galo fawdo sharciyeed (Constitutional Crises). Waxa uu Golaha Guurtida u gudbiyay qoraal nuxurkiisu yahay in uu isagu (Rayaale) muddo afar sanno ah u kordhiyay Golahaas. Waxa yaab iyo fajaciso ku abuurtay dadweyne badan oo dheesha jeedaalinayay, in Golihii Guurtidu isku ansixiyo muddo-kordhintii indhaha la’ayd ee loo soo gudbiyay. Waa mar la arag ugub ku ah dunida dimuqraadiyadda ku dhaqanta. Markaas iyo marar la ged ah ayaan xasuustaa meerisyo ku jiray tixdii Isa-sudhan ee Abwaan M.I.W. "Hadraawi", kuwaas oo u dhignaa:

"Nin is doortay kaligii
In la doorsho mooyee
Isma doorsho abidkii".

Xaqiiqdii, dhacdadaasi waxay oof-wareen iyo dhabar-jab ku ahayd dimuqraaddiyaddii Somaliland ee koboca maalinlaha ah ku jirtay. Muran xooggan iyo khilaaf cirka isku shareeray ayaa hadheeyay guud ahaan dalka. Badi dad-weynaha oo filanayay in ay u dareeraan doorasho xor ah oo xalaal ah oo ay ku soo xushaan mudanyaal Guurti, ayaa ka biyo-diiday sida masuuliyad-darrada ah ee loo marin habaabiyay rabitaankii iyo doonistii ummadda. Axsaabta mucaaradka ah iyo afraadda damiirka leh ee bulshada ku dhex nool ayaa walwal iyo walaac ka muujiyay rajo-xumada soo food-saartay degganaanshihii siyaasadeed (political stability) ee Somaliland. Bulshada caalamka iyo dawladaha daneeya taabba-galinta dimuqraadiyadda Somaliland ayaa sidoo kale ka dayriyay talaabada siyaasadeed ee hoggaanka dalku falay.

Waan-waan daba-dheeraatay kadib, madax-weynuhu wuu ku guul-darraysatay in uu muujiyo haykal hoggaamiye, waanuu ka wayiigay inuu ka tanaasulo rabitaankiisa una tanaasulo dareenka shacabka. Si kastaba ha ahaatee, dooddaas waa lagu daalay, waxaanay noqotay in aakhirkii hadal-haynteedu soo af-jaranto. Sida jujuubka ah ee golahaasi isugu codeeyay ayaa dhalisay in golahani meydhaammo, taariikhdana ku gubto. Waxaan xasuustaa qormo la baxday: "Cimri tegaya, ceeb laguma sagootiyo" oo maalmahaas wargaysyada dalka qaarkood ku soo bixi jirtay. Hubaashii, wax-qabadyo doora oo golahaasi fagaarayaasha lagu kulmo ka sheegan jiray, waxa masaxday, dhacdadaas gilgishay dareenka bulshada dumuqraaddiyadda iyo xorriyadda jecel ee reer Somaliland. Gadoodka aasaasiga ah (The primary revolt) ee bulshadu waxa uu gaadhay halkii ugu sarraysay. Bal u fiirso tuducan oo uu dharaarahaas hal-abuuray: Abwaan; Muuse Aaye oo ka mid hormuudka caroog-sidayaasha bulshada:

"Guurtida iyo waxaysku mida, geedka tiinkaa".

Muddo-kordhintaas xaaraanta ah wixii ka danbeeyay, golaha guurtidu waxa uu bud-dhigay hab-dhaqan fool-xun oo ku qotoma, malafsi, dhaameel gurasho, ku mamid hanti xaaraan ah iyo qaadasho sed-quudheed aan gobonimada ku bannaanayn. Waxay noqdeen kuwo xeer/arrin kasta oo ay guda-galayaan ku ansixiya ama ku laala rabitaanka qof aan sharciga ka waynayn. Waxay isbaaro xooggan hor-dhigeen golihii wakiilada ee ummaddu soo dooratay, iyaga oo laalay in badan oo ka mid ah xeerarka dalka. Golihii Guurtida ee beri beryaha ka mid ah huwanaa hagoogta karaamadu, waxay ku danbeeyeen macaan-jecel beegsata kobta dhabaqu yaallo. Waxa taas ka daran, in badan oo ka mid ah odayaashii xeer-beegtida ahaa, waa la arki waayay, marka laga reebo qaar hungurigooda oo kaligii socda lagu arko suuqyada Hargeisa.

Haddii aynu gees kale jalleecno, Doorashadii madaxtooyada ee 2003-dii ka qabsoontay dalka, xaq iyo daw-darro kay tahayba, jagooyinka sar-sare ee dalka waxa loo doortay: Md: Rayaale iyo Md: Yaasiin. Sida ku qeexan dastuurka qaranka Jsl, muddo-xileedka Madax-weynaha iyo Ku-xigeenku waa shan sanno oo ka bilaabanta maalinta xilka loo dhaariyo. Xil-gudashada iyo waajib-oofinta baaca fog ee loo igmaday ka sokow, waxa looga fadhiyaa inay geba-gebada muddo-xafiiseedkooda diyaariyaan jawi ku habboon in doorasho dalka ka qabsoonto. Sharcinimada hoggaanka sare ee dalku waa waxba kama jiraan haddaan la cusboonaysiin shantii sannaba hal mar. Haddii ay sidaas tahay, waa marag-ma-doon in waqtigii xafiiska ee hoggaanka sare ee dalku gabaabsiyay 15.May.2008, iyada oo aan xukuumaddu soo ban-dhigin ku talo-gal iyo tabaabushe ku salaysan jaan-gooyo hufan iyo qorshe cad oo doorasheed.

Ku dhawaad labadii sano ee u danbeeyay, waxa isa soo tarayay tuhunno hor leh oo ku saabsan muddo-kordhin abaal-celin ah oo Golaha Guurtidu u sameeyo madax-weynaha iyo Ku-xigeenkiisa marka xilku ka dhammaado. Dadka dareennadaas qabay, waxay ka shidaal-qaadanayeen dhaqamada siyaasadeed ee maamulka waddanka caadada u ah. Shakigaasi waxa uu ahaa mid marba marka ka danbaysa sii kobcayay, kuna fidayay golayaasha iyo masraxyada siyaasadda lagu gorfeeyo. Si ay tahayba, 10.4.2008-da ayaa Golaha Guurtidu fuliyay cahdigii sharci-burineed ee ay wada saxeexdeen Madax-weynaha, isaga oo ku kacay fal wiiqay ummadnimadii iyo jiritaankii Somaliland. Golaha Guurtidu waxa uu indhaha ka laabtay sharciga, distoorka, danta guud iyo himilada aayaha Somaliland. Waxay intaasba siisteen dhadhamo maalmo ku kooban. Bal u fiirso tuducan oo ku jiray Gabaygii Gud-gude ee Abwaan M.I.W "Hadraawi":

"Gobanimana waa quus ninkii, gawska dhaafsaday"

Tallaabadaas urugada iyo uur-ku-taallada xanbaarsani waxay noqotay jug iyo hantaaqo la soo derista geeddi-socodkii dalnimadii, dawladnimadii, madax-bannaanidii iyo tacabkii bulshadu soo wadday mudada 17-ka sannadood ah. Waxyaabaha amankaagga iyo dhabanno-hayska keenay waxa ka mid ahaa; Golaha Guurtidu waxay muddo-kordhintooda u cuskadeen qodobo doora oo uu mudnaa: Xaalad nabad-galyo darro oo dalka ka jirta. Akhriste, bal ka warran dhawaaqa aan dheelli-tirnayn ee sida masuuliyad-darrada iyo hubsiino-la’aanta cuskan uga soo baxaya afka Gole Baarlamaan oo sare oo ummadi leedahay (Upper House of Parliament; House of Elders). Somaliland waxay adduun-weynaha ka gadi jirtay laba arrimood:
Degganaanshaha iyo nabad-gelyada (Peace and Stability).
Dimuqraaddiyadda (Democracy).
Xaqiiqatan, labadaa arrimoodba waxa dhaawacay Golaha Guurtida, oo caalamka u sheegay in aanay nabad-gelyo Somaliland ka jirin, shacabkuna door muuqda ku lahayn xulashada hoggaamiyayaashooda.


Dareen-celintii Muddo-Kordhinta M/weynaha.

Dareenno isa-seeggan ayaa durbadiiba ka soo baxay bulshada iyo darafyada siyaasadeed ee tallaabadani si uun u saamaynaysay. Xisbiyada Kulmiye iyo Ucid ayaa judhiiba ka soo hor-jeestay muddo-kordhintaas xaaraanta ah. Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo maalin ka hor go’aankaas Golaha Guurtida (09.04.2008), saddexda xisbi-qaran la saxeexay heshiis astaynaya xilliga ay qabsoomayaan doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo Madaxtooyada (07.10.2008 & 31.12.2008), ayaa isna deeddafeeyay go’aanka aqoon-darradu ka muuqato ee muddada loogu kordhiyay Madax-weynaha iyo Ku-xigeenkiisa. Deeq-bixiyayaasha caalamiga ah ee Somaliland ka caawiya arrimaha doorashooyinka (International Donors), ayaa iyana walwal iyo walaac baaxad leh ka muujiyay muddo-kordhinta caqabadda ku ah hirgalintii doorashooyinka iyo qabyo-tirkii hannaanka ugubka ah ee Dimuqraadiyadda. Bulshada reer Somaliland oo la taag-darnaa maamul-xumada iyo musuqa xukuumadda Rayaale, isla markaasna baxdo iyo dhacdo-ba Ilaahay weydiisanayay faraj khayr leh oo u geddiya nidaamkan iyaga (Shacabka) dishooday, ayaa iyana ku qaabilay ka xumaansho buuxa. Dadku waxay u arkayeen muddo-kordhintan dhiillo soo korodhay, waana taas sababta ay cabsida xad-dhaafka ah uga qabeen. Waxay dareensanaayeen in taliska maanta dalka ka jiraa si badheedh ah ugu tumanayo sharcigii ummadda & xorriyaadkii waddaniyiinta labadaba. Xisbiga talada haya iyo Golaha Guurtida ayaa iyana taas beddelkeeda isku mowqif ka ahaa taageerada Go’aankaas muddo-kordhinta. Si kastaba ha ahaatee, dalku maalintaas waxa uu galay marxalad aad u adag, waxaana soo food-saartay xaalad u dhow burbur. Hadraawi-baa laga hayaa:

"Inta qaran dhiskiisiyo
Dhidibkiisu taagnaa
Dheeraad nin dooniyo
Nin ku dhega xaqiisoo
Dhacsanaayay baa jira".

Tuducaasi waxa uu beyaaminayaa in intii dunida lagu noolaa, kooxaha is-maandhaafku ka dhaxeeyaa yihiin mid waxaanuu lahayn gacan-togaalaynaya iyo mid intiisii yarayd ku dheggan oo ammaan u la’. Si kale haddaan u idhaahdo, intii aadamuhu jiray waxa is hayay Xaq iyo Baaddil. Haddaba labadan kooxood ee isku seegay qaddiyadda muddo-fidintu, tallaabo noocee ah bay qaadeen wixii intaas ka danbeeyay?.

1. Xukuumadda Iyo Xisbigeeda UDUB

Ugub iyo wax cusub midna maaha difaaca badheedhka ah ee hebellada Garashada saboolka ka ah ee ku jira xukuumadda iyo xisbigeeda UDUB u fidiyaan baadilka, mar kasta oo xaaladi soo fool yeelato. Sidii lagu yaqaanay, waxay xukuumaddu bilawday dagaal hor leh iyada oo adeegsanaysa saxaafadda dawliga ah ee ku shaqeysa magaca "Qaran" iyo hantida ummadda. Waxay bilawday abaabul hor leh iyada oo caqliga ka xadaysa ma-kastada bulshada ku jirta iyo dadyawga damiirkoodu qallalay. Waxay qaadday olole ay ku soo urursanayso dadka dalqada wax ka berdaamiya. Dhaq-dhaqaaqyo aan yarayn oo ay taageero ugu raadinayso go’aanka Golaha Guurtida ee indhaha la’ ayay u baydhay. Muddo afartan habeen ku siman ayay xukuumaddu ku hawlanayd in ay hiil u hesho aragtida goblanka ah ee ka soo fushay golaha ay sida khaldan u adeegsato. Waxa xusid mudan, in ay xukuumaddu ku guul-darraysatay in ay taakulo aragtiyeed u hesho garashadeeda ablawday, marka laga reebo odayaal gadh-cas oo ku hadlayay (Laba mijood oo qaad ah iyo maalin-qadadeed). Wasiir kasta waxa loo dhiibay miisaaniyad go’an, iyada oo la faray in uu reerkoodii xerada soo galiyo. Magaalooyinka waawayn ee dalka ayaa la soo dhoobay ciidamo tiro badan. Ciidamadii ku sugnaa jiidda hore ayaa la soo galiyay gudaha. Baabuurta tiknikada ah ee gaashaaman iyo ciidamada milatariga ayaa habeenkii saacadaha horeba lagu arkayay waddooyinka magaalooyinka Hargaysa iyo Burco. Dadka maatada ah ayaa dareenkoodii argagax la galiyay, iyada oo xusuustooda la geeyay horraantii 1980-maadkii iyo dharaarihii taliska faashilka ahi ku amar ku taaglaynayay awoodda dalka.

Xukuumaddu may hayn qiil qumman oo ku habboon go’aanka ay taageerada u baafinayso, sidaas darted, waxa arrinkeedu ku koobnaa deeddafaynta, cambaaraynta iyo dhaleecaynta xubno ka mid ah mudanta ummadda (Hoggaanka Xisbiga Kulmiye). Waxa kale oo ay taageerada go’aankooda ka dhex baadhayeen beer-laxawsi ku aaddan ilaalinta nabad-galyada. "Nabad-galyada ha la ilaaliyo…dalka yaan dagaal laga ridin", ayaa u badnaa ereyada maalmahaas ka soo baxayay afafka hoggaamiyayaasha dawladda. Waa run nabaddu way wanaagsan tahay, hase yeeshee waxa is waydiin leh; yaa nabadda wax-yeellaynaya?. Jawaabtu way caddahay. Nabadda iyo degganaanshaha waxa dhaawacaya cidda iyada oo dalku nabdoon yahay dunida ugu baaqaysa; "Dalkayaga dagaal baa ka socda". Sidaas geddeed, waxa nabadda hantaaqaynaya cidda fiidka habeennimo dhalinyarada magaalada ku nool rasaasta iyo xabbadda nool ugu furaysa sida ula-kaska ah. Wax kale iska daayoo waxa xukuumadda iyo xisbigeeda UDUB xaalka gaadhsiiyay heer ay yidhaahdaan; "Reer hebel magaalada ha ka baxaan, Burco ha tagaan, halkaas dagaalka ay ridayaan ha ka ridaan!".

Axsaabta Mucaaradka Ah:

Axsaabta mucaaradka ah ee Somaliland waxay arrinta muddo-kordhinta ka muujiyeen dareen diidmo leh, iyaga oo si waadaxa ugu dhawaaqay in aanay Md: Daahir Rayaale Kaahin u aqoonsanayn Madaxweyne wixii ka danbeeya 15.May.2008. Waxay si muuqata u caddeeyeen sida aanay marnaba u oggolayn muddo-kordhin aan sharciga waafaqsanayn oo Gole xaaraan ahi u kordhiyo. Waxay daboolka ka qaadeen sida ay amankaagga u tahay in Madax-weyne 80 cod ku hantay talada dalka uu cimri-dherer siyaasadeed u arko muddo-kordhin ay u sameeyeen 82 oday oo aan ku fadhiyin nidaam doorasho. Waxay ku baaqeen in sharciyaddii Madaxweynuhu dhammaatay wixii ka danbeeya 15-ka May. Saxaafadda madaxa bannaan ee dalka ayaa iyana kaalin muhiim ah ka qaatay baahinta dareenka odhanaya; "Sharciyaddii Madaxweynuhu waa gabaabsi". Wargeyska Haatuf ayaa xusid mudan, gaar ahaan qormadii taxanaha ahayd ee la baxday: "Hoos u tiri ayaamaha". Gees-ka-gees dalka waxa is gaadhay rabitaanada qaybaha kala duwan ee bulshadu ku dalbanayaan in Madax-weynuhu xafiiska iskaga tago. Illaa carruurta ayaa maalmaha tirsanaysay. Waxa la ii sheegay in wiil yar oo qiyaasihii dhawr iyo toban sanno jira, kana mid ah barbaarta jaraa’idka gadda, laga iibsan waayay wargaysyadii. Markuu si kala garan waayay waxa uu suuq-gayn ahaan u isticmaalay: "Saddex cishaa u hadhay…Saddex cishaa u hadhay". Waxa la odhan karaa wiilkaas yari waxa uu la jaan-qaadayay dareenka ummadda. Si kastaba ha ahaatee, bulshadu waxay rajaynaysay in is-beddel khayr qabaa dalka ka hir-galo inta ka danbaysa 15.5.2008.

Gunaanad.

Haddii aynu wada milicsannay guud-markaas kooban, marka laysku soo gororiyo, maalintii ay ku sinnayd 15-ka May, laba mid ayuunbay taagnayd:-

Maadaama Madaxweynuhu ka dhega-adaygay in uu qaato soo jeedimihii shacabkiisa, caddaystayna in uu xoog ku sii haysanayo dalka, isla markaasna ku xad-gudbay milgihii iyo gobonimadii umadda; in dagaal xooggan lagaga rido kursiga uu isku sii dhajinayo.
In la furo wada-hadal xal lagaga gaadhayo khilaafka daba-dheeraaday, layskuguna yimaaddo miiska wada-hadalka.

Labadan qodob wax aan ahayn oo mubaax ahaa may jirin. Waa mid’e, In dagaal la ridaa maalintaa waxay ahayd arrin aan qurux badan samaynayn, danna aan u ahayn guud ahaan bulshada Somaliland. Haddii kobtaas xaal marayo, ayaa maalin ka hor 15-kii May Madax-weynuhu hoggaamiyayaasha mucaaradka u fidiyay gogol wada-hadal. Kooxaha mucaaradka ah oo matalayay inta badan shacabka Somaliland umay bannaanayn jid aan kaas ahayn (Wada-hadalka), waana taas sababta ay u oggolaadeen in ay arrintaas guda-galaan, waanay ku hagaagsanaayeen. Aakhirkii heshiis wadareed ayaa laga gaadhay arrintii rafadka badan dhalisay. Heshiisku waxa uu dan u ahaa, maatada, danyarta, ardayda, wadhatada, biyoolayda iyo bulshada taagta daran ee reer Somaliland qaybahooda kala duwan.

Gunta, gunaanadka iyo gebagebada qormadan, kaskayga iyo garashadayda gaaban sida ay ila tahay, lama saluugi karo wada-hadallada ay axsaabta mucaaradka ahi la fureen Madaxtooyada. Axsaabtu waxay u tanaasuleen danta guud ee ummadda ka wada dhaxaysa. Waxa kaliya in laga fekero u baahan tallaabadii tan inoo xigi lahayd iyo sidii Madaxweynaha looga heli lahaa dammaanad cad oo qeexaysa in aanuu heshiiskan ku badhi-furi doonin Axsaabta Qaranka. Xilka ugu weyni waxa uu heshiiskani ka saran yahay Madaxweynaha, haddii uu ka soo bixi waayo fulinta go’aamadaasna waxa uu noqonayaa wacad-qabe taariikhdu ka fiirsan doonto u wanqalista magaciisa cusub, ummadduna iyaga oo mid ah ayay ka tashan doontaa.

Qalinkii: Maxamed Saleebaan Cumar
E-mail:

spacer
Reference
NSS-tii
--------
Gobolka Gabiley
 Dhul Boob Dhul Boob
 Xasan Ganey Xasan Ganey
 Cabdi Qays Cabdi Qays
 Muj: Ibrahim Maygaag Muj: Ibrahim Maygaag
 Dr:Gaboose Dr:Gaboose
 Muj:Farxaan Faacuul Muj:Farxaan Faacuul
 Muj: M. Hashi Muj: M. Hashi
 Dr:Gaboose Dr:Gaboose
 Dr:Duxood Dr:Duxood
 Saleebaan Gaal Saleebaan Gaal
 Samaale Samaale
 Maxamuud Nuur Maxamuud Nuur
 London London
 Cawke Cawke
 Bayaan Bayaan
 Muj. Cashuur Muj. Cashuur
 Muj:Xasan Ciise Muj:Xasan Ciise
 Maxamed Arabay Maxamed Arabay
 Salaadiin Salaadiin
 Xasan_Gadhweyne Xasan_Gadhweyne
Shuronet
 Halkan ka dhageyso Halkan ka dhageyso
Cartoons
Cartoons
Statistics
Visitors: 10003835


Copyright(C) 2002 Somalilandcenter.com
spacer