spacer
spacer
header
Riyaale VS Sharci
 Guji Garnaqsi Guji Garnaqsi
Audio News
 BBC Somali 04:00 BBC Somali 04:00
 BBC Somali 11:00 BBC Somali 11:00
 BBC Somali 14:00 BBC Somali 14:00
 BBC Somali 18:00 BBC Somali 18:00
 VOANEWS VOANEWS
 Radio Horyaal Radio Horyaal
 Radio Waaheen Radio Waaheen
 Radio Hormuud Radio Hormuud
 Radio Hargeysa Radio Hargeysa
Somaliland Link
Al-Taqwaa
Allaybaday
Aftahan
Awdalnews
Caynaba
Farshaxan
Gabiley
Gaarriye
Golisnews
MALCOLM X
Radio Somaliland
Radio Somaliland Online
Haatuf
Hadhwanaagnews
Halgannews
Hargeysa
Harowo
Hilinkatoosan
Hormoodnews
Hoygasuugaanta
Berbera
Waridaad
Jamhuuriya
Somaliland Org
Somaliland Future
Longlivesomaliland
Somaliland Times
Somaliland Talk
Somaliland News
Kulmiye Info
Saaxil
Sooyaal
Somaliland Poets
Togdheernews
Qarannews

Welcome to Somalilandcenter.com


Home arrow Articles arrow Articles arrow DAWLAD MASUUL AH OO DADKA MATASHA DHAMMAAD Q10

DAWLAD MASUUL AH OO DADKA MATASHA DHAMMAAD Q10
User Rating: / 0
PoorBest 
Monday, 09 June 2008

Ahmed ArwoAhmed Arwo
Cardiff, UK

DAWLAD MASUUL AH OO DADKA MATASHA DHAMMAAD Q10

 

Salaan iyo nabadi korkiina ha ahaato. Assalaamu calaykum wa raxmatullaah wa barakaatu.

Waa qormadii tobnaad ee geedi-socodka dimuquraadiyadda furan ee adduun weynaha. Waa qoraalkii ugu dambeeyey ee dhammeystiraaya socdaalkeena taariikheed een ku booqanay sooyaalkii dimuquraadiyada dhib iyo dheefba, inagoo fiiro gaar ah siinay qodobada inoo ifinaaya marba kaalinta dal iyo dawladba aynu ka mareyno geedi-socodka

dimuquraadiyadda.Waxaa haboon inaan xiligan la soo afjaray murankii siyaasadeed ee dalka dhiig-joojiyey, inaan ku sagootiyo tilmaamihii iyo tusaalooyinkii aan dul maray si khafiif ah mawduuca mugga weyn ee dimuquraadiyada, anigoo ay iga ahayd inaan salka u dhigo geedi-socod u baahan sahan iyo abqaal dadweynahu ka qayb qaato.

HORTA HANBALYO IYO BOGAADIN ILA WADAAGA


Waxa ina soo maray muran siyaasadeed oo taabtay geedi-socodkii dhismaha qaran sharci ku dhisan, dimuquraadi ah oo talo-wadaag ah. Dal iibiya magac iyo nidaam qurux badan, qiime badanna inagu jooga, oon fikir-wanaag iyo wadajir ka maqan mandaqadda ku gaadhnay. Magacaas waxa gaadhay siigo, ceeryaan iyo habaas aan loo baahnayn. Leysu tilmaamimaayo cidda intaas ku saydhay, waxa se Mahad Alle ah in laga gaadhay go’aan wadajir ah oo mucaarid iyo muxaafidba qanciyey. Aan isweydaarsano hanbalyo iyo bogaadin, aynu Alle u mahdnaqno, una guntano in heshiiskaasi noqdo mid taabogala oo ka duwanaada kuwii inta loo mashxaraday haddana lagu hungoobay. Taas waxa baajin kara in la dhammeystiro waxa ka dhiman ee looga baahan yahay Golaha Wakiilada, Golaha Guurtida iyo Guddiga Doorashooyinka. Waana in loo soo jeedaa sida taas loo dhammeystiri lahaa inagoo wada jirna, una guntan danta guud. Waa waajib qaran, waana danta dalka iyo dadkaba.

HALKAY KA DHUTUNAYSAA MAAMUL-WANAAGU


Waxa aan dhisnayn kala-xadaynta Seddexda Waaxood ee Dawladnimo: Golaha Fulinta, Sharci-dejinta iyo Garsoorka. Waa halkaas halka sartu ka qudhuntay. Lagana biximaayo dhutis joogta ah iyo isqabsi aan loo baahnayn, ilaa nabarkaas la dhayo, la daweeyo, loona dhiso nidaam mas’uuliyadda u kala saara, xaqiijiya iyagoo wada shaqaynayaa inay haddana kala madaxbanaanaadaan. Sharci-dejinta oo loo dhaafo barlamaanka: Guurtida oo talo-bixin leh iyo Go’aanka oo uu leeyahay Golaha Wakiiladu ( Sida labada Gole ee dalkan UK), Fulinta oo dhaqan gelisa go’aanadooda, iyo Garsoorka oo gacan bira iyo madaxbanaani ka gaadha arrimaha horyimaada.

Waxaa taas salka u taagaya kaabayaashan:
1.Booliska oo dhab u madaxbanaan kolka ay timaado ilaalinta sharciga oo u simo muwaadinka kaakim iyo la-xukume, taajir iyo faqiir, reer magaal iyo reer miyi, mucaarid iyo muxaafid.

2.Xeer-ilaalinta oo sidoo kale madaxbanaan., cabsi la’aan iyo xaqsoor ku eega dacwadaha ay hayaan. Aan sugin amar meel kale ka yimaada bal se u gurmada difaaca distoorka iyo badbaadinta cadaalad inna sinta.

3.Waxa si gaar ah loogu baahan yahay in la helo maxkamad distoori ah oo lagu kabo maxkamadda sare. Maanta xukaamta maxkamadda sare waxa magacaaba Madaxweynha, Guddoomiyaha oo keliyana ayaa laga ansixiyaa barlamaanka. Intooda kale waa shaqaale uu qoro, eryana Madaxweynahu. Ogow go’aanka maxkamadda waxa lagu gaadhaa cod, taas oo ka dhigaysa ansixinta Guddoomiyaha maxkamadda mid aan micno lahayn. Waxa habboon in dhammaan laga ansixiyo barlamaanka, lagana soo saaro xeer qayaxaaya sida loo soo xulaayo, oo laga yeesho talo ballaadhan. Mar kale ayaan idinla wadaagi habka dalalku u maraan arrintan.

4.Waxaan laga maarmeyn in la helo shaqaale dawladeed oon siyaasadaysanayn, xisbiyeysnayn oo hawsha qaranaka ay u hayaan u fuliya muwaadiniinta si siman iyo daacadnimo.

5.Waxaa kaabayaasha ugu weyne ee dimuquraadiyada ka kow ah warbaahin xor ah, mas’uul ah oo sharci maamulo oo la dammaanad qaado. Taas waxa ugu horreysa idaacadda qaranka iyo Tviiga. Waxaan laga maarmeyn in la helo warbaahin khaas ah oo madaxbanaan heer kasta ha ahaatee.

6.Hantidhowr iyo Bankiga Dhexe oo iyana madaxbanaanada, mas,uuliyad ahaana la hoos geeyo Golaha Wakiilada, gaar ahaan Hantidhowrka oo dunida dimuquraadiga ah oo dhan si toos ah ugu xidhan Golaha Wakiilada oo hawl-galkooda iyo warbxintooda si toos ah loogu xidho iyo miisaaniyadoodaba.

7.Guddiga Doorashooyinka oo loo dhiso hab lagu soo xulo, furfuran, aan qarsoodi lahayn, loo sharciyeeyo madaxbanaan dhan, hawl ahaana ay toos ugu xidhmaan Golaha Wakiilada, lagana dheereeyo Golaha fulinta.


Intaas oo dhan waxa lagu fulin karaa wadashaaqyn Seddexda Waaxood ah gaar ahaan labada Gole ee Fulinta iyo Sharcidejinta. Waxaana loo baahan yahay in waxii sharci ah ee arrimaahaas diidan, amba shaki gelinaaya in la hagaajiyo si wada jir ah. Waxaa lagu gaadhi karaa tanaasul iyo wadaniyad danta guud laga hormariyo tan shakhsi amba mid goleba. Waa in la aaminaa dimiquraadiyada oo xaqiijinaysa in talada dalka marba cidda loo foodaa qabanayso, oo kan manta muxaafidka ihi berri noqonaaya mucaarid, iyo mucaaaridka oo sidoo kale xukunka sugaaya. Taasi waxa ay ka dhigaysa in mucaarid iyo muxaafidba ay dhisaan sharci iyo nidaam labadaba dhaqa, oo bulshada u dan ah iyo laftoodaba.
Waa in lagu eega sharcidejinta mustaqbalka iyo aragti dheer oo laga koraa sharciga lagu qotominaayo maalin joogta iyo muraad qof leeyahay.

Waxa habboon in aan hawlo yaala dib loo dhigin, oon lagu baraarugin marka hawshu daaqadda inooga soo gasho. Waan ognahay arrinta doorashooyinka waxa dib u dhigay waa dawladda oon ilaa hadda xuduudka degmooyinkii tobaneeyada sano jira weli samayn. Waxa la yaab leh iyadoon xuduud u samayn degmooyinka Baligubadle, Salaxlay, Faroweyne, Daarasalaam, Cadaadley, Dacarbudhuq, Xagal iyo qaar kale, in xukuumaddu inagu jaahwareeriso gobollo cusub iyo degmooyin.
Caqliga fayoobi waxuu ina tusayaa in marka hore la darso oo la xaqiijiyo baahida degmo amba gobalnimo ee jirta. Meelaha la magacaabay waxaad arkaysa sida ay u kala duwan yihiin oo degmooyin magac lahaa gobolna u qalma, la dhinac dhigay tuulooyin hadduun waabkii ka koray. Ma loo arki karaa in arrintuba tahay in meelihii gobalnimada u qalmay ee muddada dheer sugaayey in la laalaayo. Wey u dhowdahay.

Waa amuur danta guud ka fog, aan qorshe iyo odor midna ku iman, ujeedo gaaban leh. Waxayna ku xidhantay kaska dadweynaha oo xukuumaddu u aragto mid aad u hooseeya. Waxaan qabaa in ummadeydu intaas ka garaad badantay, mudantay in la sharfo oon loo arag doqon xoolihiisa lagu laaluusho, iyo fulay ushiisa lagu garaaco. Waxaan rajaynayaa in malo’awaalka xukuumaddu noqdo mid fashilma aan ina kala qaybin. Aan diidno in xoolihii dugsiyada iyo cisbitaalada lagu dhisi lahaa in lagu shaqaaleeyo dhowr qof oo u xil saran dano gaar ah iyo hawlo aragti gaaban. Reer iyo beelo madaxa leysu galiyo ka kor. Ha gargaarin nin magacaaga ku qadhaabta oon kuu keenayn dheef afkiisa iyo jeebkiisa dhaafsan. Talo ahaan xukuumaddu ha qadariso qiimaha dadweynaha, ha ku tartanto waxqabad iyo horumar. Taas ayey guushu ugu jirtaa oo weliba u dheertay abaal marinta Alle een wax aan cadaalad iyo daacad ahayn lagu gaadhayn.


Aan qof walba ku qiimeyno wax-qabad iyo shakhsiyadiisa, nin xun ood reernimo ku raacdaa uguna hiilisaa, waxaad la wadaagtay falalkiisa xun iyo dhibaatada uu maleegeeyo. Qofna qof loo qabanmaayo, naftaada ayaad mas’uul ka tahay ee ha noqon nin danbi aanu wax ka dheefeen u gargaara. Xuquuqda wadani waxaynu helaynaa markaynu waajibka dalka ka soo baxno. Illaahay hayna hadeeyo, isagaa innaga leexin kara dariiqa qaldan iyo marinka naareed.


Waa inoo maqaal kale oon idinkala wadaaga waayaha dalkeena Soomaliland ee qaaliga ah.

 

Ahmed Arwo
Cardiff, UK

spacer
Reference
NSS-tii
--------
Gobolka Gabiley
 Dhul Boob Dhul Boob
 Xasan Ganey Xasan Ganey
 Cabdi Qays Cabdi Qays
 Muj: Ibrahim Maygaag Muj: Ibrahim Maygaag
 Dr:Gaboose Dr:Gaboose
 Muj:Farxaan Faacuul Muj:Farxaan Faacuul
 Muj: M. Hashi Muj: M. Hashi
 Dr:Gaboose Dr:Gaboose
 Dr:Duxood Dr:Duxood
 Saleebaan Gaal Saleebaan Gaal
 Samaale Samaale
 Maxamuud Nuur Maxamuud Nuur
 London London
 Cawke Cawke
 Bayaan Bayaan
 Muj. Cashuur Muj. Cashuur
 Muj:Xasan Ciise Muj:Xasan Ciise
 Maxamed Arabay Maxamed Arabay
 Salaadiin Salaadiin
 Xasan_Gadhweyne Xasan_Gadhweyne
Shuronet
 Halkan ka dhageyso Halkan ka dhageyso
Cartoons
Cartoons
Statistics
Visitors: 10003982


Copyright(C) 2002 Somalilandcenter.com
spacer