HomeArticlesArticles LIXDA GOBOL EE WAAWEYN, TALO KU SOCOTA IYO XANTOODA.. Qaybtii 3aad
LIXDA GOBOL EE WAAWEYN, TALO KU SOCOTA IYO XANTOODA.. Qaybtii 3aad
Saturday, 14 June 2008
SACAD CIISE CUMAR
LIXDA GOBOL EE WAAWEYN, TALO KU SOCOTA IYO XANTOODA.. qaybtii 3aad
Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan shacabka xalaasha ah ee reer s/land meelkasta oo ay joogaan marka xigta waxaan salaan gaara siinayaa bahda saxaafada kala duwan ee wadanka s/land laga leeyahay ee markasta ku dadaala in ay dadka guda iyo debeda wixii wara ee ay wadanka ka hayaan iyo caalamkaba u soo gudbiyaan…
Dhamaan shacabka dega dalka jamhuuriyada Somaliland waxa ka dhexeeya dalka diinta hadalka ama af somaliga oo waxaynu nahay dalka kaliya ee aan lahayn laba ama sadex luuqadood sida dalalka inala jaarka ah..
Waxaase jirta kala duwanaansho dhinacyo badan leh kuwaas oo intooda badan la bartay intii wadanka doorashooyinku ka hirgaleen, waxaana aan isku dayayaa in aan lixdaa gobol dadkadega ee reer s/land mid kasta xantooda iyo wixii aan is leeyahay talo ahaan waad u gudbin kartaa aan uga faa’iidaysto warbaahinta baaxada weyn ee wadanka ka jirta..
Waxaan halkan ku soo gudbinayaa qaybtii 3aad ee qoraalkii magaciisu ahaa lixda gobol ee waaweyn talo ku socota iyo xantooda , waxaana aan u bilaabayaa sidan.
1-GOBOLKA SANAAG
Gobolka sanaag waxa uu nasuub u yeeshay in uu noqdo gobolka ugu weyn lixda gobol ee s/land.
Waxa kale oo uu nasiib u yeeshay in uu noqdo gobol kaliya ee ku yaala bari ee leh beero ay ka baxaan waybaaha la quuto, shayga waxaynu beerno ugu qaalisan( waa BEEYADA AMA MAYDI )
Waxa kale oo uu leeyahay cimilo aad u fiican iyo biyo wax kasta oo lagu beero ku filan.
Waxa kale oo uu leeyahay ama wali dhaqan waxyaabo badan oo dhulkeena ku yar sida ugaadha faro badan oo aan joogin meelo badan oo wadankeena ka mid ah, waxaana ka mid ah
A-dibtaagta
B-bayracda
C-gara nuugta
iyo qaar kale oo badan
waxaase lagu xantaa gobolkaa bahal maakhirimo ah oo aanay lahay dhamaan dadka kale ee reer s.land
waxaana la yidhaahdaa hadii ay ku arkaan adigoo sidii saxda ahaa wax u wada waxay ku odhanayaa waar ka taa sidaasi maaha si sax ah.
Markaad khaladka u leexiso ayey ku odhanayaa haa hada ayaad sidii loogu talo galay u wadaa ilaa aad khaasaare gacanta galiso.
Kamana ah xaasidnimo ee waa dhaqan ay iska leeyihiin.
WAXAANASE KULA TALIN LAHAA
Ilmaadeerayal waxaad tihiin gobol isku filaansho gaadhi kara waayo waxa leedihiin badii, buurtii, banaankiiiyo biyihii, ee isku daya in aad beeraha beeyada ka dhigtaan qaar ay ka baxaan wax la cuno hadii ay suura gal tahay.
Waxa kale oo gobolka caan ku yahay cimlo aad u fiican oo dhamaan dalkoo dhan marka la eego DEGMADA shiikh ee ka dirsan G/saaxil mooyee meel kale oo la cimilo ahi ma jirto magaalo madaxda gobolka sanaag ee ceerigaabo..
GOBOLKA SOOL.
Gobolka sool waxa uu yahay gobol had iyo jeer dadka degaa aanay isku jaho noqon ama aanay isku mawqaf wada noqon marka loo eego waqtiyo badan,
Waxaana ay aad ugu dhagan yihiin ka soo horjeedka madax banaanida s/land
Waxa kale oo ay aaminsan yihiin intooda badani in ay iyagu yihiin kuwa hortaagan aqoonsiga jamhuuriyada s/land ( ama jamhuuriyada geeska Africa)
Waar ilmaadeerayaal dan ku jirtaa maanta ma jirto qabiil iyo isku isir baanu nahaye waxa la idiinka baahan yahay in cidii waxa aad wada leedihiin aad taageertaan, iskana daaya dhawaaqa ah caddaw ayaa na qabsaday oo waanu shihiidaynaa..
Waxaan xasuustaya HEESTII nin la yidhaahdo HURE WALANWAL kulaa canbaro iyo wiilashii la socday.
imisaan hagoognaa oo ceebta aan hortaagnaa.
idinka aad hir foosheen oo hinglo aad ridayseen.
Intaa halabsanayseen sange hud iyo nacab qaba.
Ana hilimo darsnimo iyo hooyaday sinteediyo hilbaa la isku leeyahay u habranaayey xididnimo
Abtiyaal hubsiinada hal waa la siistaa
Hanfade yaanu idin qaadine
Indhaha hoos u soo ruga.
Waxaan uga jeedaa waar sidaa ka daaya oo qayladan aad maalin walba meel ka soo saaraysaan ee ah waa nala qabsaday ee na soo gaadha maaha wixii haru mar lagu gaadhi lahaa ee waxa la idinka baahan yahay waxa shacabkiina dan u ah ee idinka idiin dan ah