|
Jawaab Ku Waajahan Afraadda Magaca Beelaha Daahir Iyo Allamagan Ku Hadashay |
|
Friday, 13 June 2008 |
|
Jaaliyadda Imaaradka ee beelaha Daahir iyo Allamagan, Abudhabi, UAE
Jawaab Ku Waajahan Afraadda Magaca Beelaha Daahir Iyo Allamagan Ku HadashayAnaga oo ka tirsan jaaliyadda Abudhabi ee beelaha Daahir iyo Allamagan ee bariga iyo hawdaka Burco iyo degaanka beeslahaas ee gobolka Saaxil. Waxa aanu ka xunahay in dad aad u yar oo tiro kooban ihi si khaldan u adeegsadaan magaca beelahaas iyaga oo dan u gaara leh isla markaasna leh waxa beelahaasi ku soo biireen xisbiga UDUB. Waxa aanu bulshowaynta Somaliland ogaysiinaynaa, in aanay dhicin jirinna, meel belahaasi ku shireen oo aay taageero u garteen xisbiga haatan heeda dawliga ah e UDUB. Waa suura gal in qofku ku hadli karo magciisa xisbiguu uu rabana taageeri karo. Balse waxa denbi ah in uu adeegsado oo ku kaluumaysto magaca reerka isaga oo aan wax kalsooni ah (mandate) ka sidan beesha uu ka tirsan yahay.
Shacab weynaha Somaliland waxba uma kala qarsoona, beel walibana xisbiga aay sida baaxadda leh u taageerto waa la yaqaan oo waa macruuf.Beelaha Daahir iyo Allamagana waxa aay ilaa iyo weligoodba taageeraan meesha danta dalka iyo ta ummaddu ku jirto. Suurta galna ma aha in aay beelahaasi taageeraan UDUB oo dalka baa'ba iyo halaag u horseeday ilaa iyo intii uu talada dalka hayay.
Ugu dabayntii waxa aanu xisbiga UDUB kula talinayna in uu iska dhaafo huuhaada iyo riyada beenta ah ee uu rabo in uu ku khaldo ra'yul jamhuurka oo anaay waxba uga cabahayn ee uu runta iyo amru waaqica waajaho oo uu firig firigta aan waxba u macnaha ahayn iska dhaafo.
Jaaliyadda Imaaradka ee beelaha Daahir iyo Allamagan. Abudhabi, UAE |