|
Guji halkan: Hagardaamooyinka Ay Ciidankii NSS-Tu Kula Kici Jireen Dadka Rayidka Ah. Guji halkan: Liiska Saraakiishii Iyo Ciidamadii NSS-ta Iyo Warbixino Lagaga Hadalayo Muj C/raxmaan Aw Cali Faarax iyo K/S Cali Asad Liiska Saraakiishii Iyo Ciidamadii NSS-ta Ee Ka Hawlgeli Jiray Somaliland: Haddii Aad Liiskan Iska weydo, Ka Dambe Iska Eeg.. Waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa qayb ka mid ah Saraakiishii iyo Ciidamadii NSS-ta ee ka hawlgeli jiray dalka Somaliland laga soo bilaabo sannadkii 1981 ilaa 1990 iyadoo NSS-ta iyo ciidamadii la odhan jiray Xuuraanku ay ka mid ahaayeen hay’adihii cadaadiska ee taliskii Siyaad Barre u adeegsan jiray dhaca, boobka, kufsiga, xadhigga iyo dilka dadka rayidka ah. Waxa kale oo cadadkan iyo kuwo dambeba aanu idiinku soo bandhigi doonaa macluumaad xiiso leh oo ku saabsan sidii ay u hawlgeli jireen ama loo hawlgalin jiray ciidamadii NSS-ta. Tusaale ahaan qoraal ka soo baxay taliskii NSS-ta ee gobolkii Waqooyi-galbeed sannadkii 1987-kii oo ku saabsanaa habka ay ciidamada iyo saraakiisha NSS-tu u hawlgalayaan dabaal-degga 26-kii June 1987-kii, waxa uu u qornaa sidan: TALISKA CIIDANKA NSS-KA IYO DABAAL DAGA 26-KA JUUN EE 1987 Habka hawl-galka ciidamada ee dabaaldaga 26-ka Juun 1987 Maadaama ay tahay dabaal dagii 26ka Juun, waa in ciidanka NSS-ka dhammaantii isu yimaado saacadu markay tahay 4:30 galabnimo, isaga oo hawlgal la galaaya ciidamada nabadgelyada ee kale. Ciidanka waxa caawa hawlgalka xaruntiisu noqonaysaa xarunta Hangashta. Dhammaan goobaha muhiimka ah waa in la hanto nabadgelyadooda. Dhammaan dadka la tuhmo waa in faraha lagu dhigo lana hayaa inta xaaladiisa laga baaraan dagaayo. Ciidanka hawlgalka tiradiisu ugu yaraan waa 15 sarkaal, waxa hawlgalka u qaybin doona G/le dhexe Caydiid Casoowe, G/le Khaalid Xaaji, X/le Cabdi Caarshe iyo dhame Jeemis. LIISKA SARAAKIISHA HAWLGALKA CAAWA 26KA JUUNE EE 1987 1. G/LE/DHEXE – Caydiid Casoowe 2. G/LE – Khaalid Biixi 3. G/LE – Aadan Xasan Kaahin 4. DHAME – Maxamed Jamis 5. DHAME – Cabdi Caydiid 6. L/X/LE – Mahdi Allaali 7. G/LE – Cismaan Aadan Samar 8. L/X/LE – Cabdi Caarshe TALISKA NSS-KA GOBOLKA WAQOOYI GALBEED IYO DABAAL DAGGA JUUN Taliska NSS-ka gobolka Waqooyi Galbeed ee Hargeysa 26/6/1987, dhammaan ciidanka aan Saraakiisha ahayn ee ka qayb galaya u dabaal-dega maalinta 26-ka Juun liiskoodu waa sidan: 1. Daa’uud Jaamac Cigaal 2. Cumar Macalin Nuur 3. Rashiid Yuusuf Jimcaale 4. Maxamed Cabaas Ismaaciil (20/7/85 S/A/LE ka tirsan NSS-ka gobolka WG, Hargeysa) 5. Ibraahim Xaaji Xasan 6. Cali Maxamed Ducaale 7. Mahad Shire Cali 8. Cabdiqaadir Warsame Maxamed 9. Maxamed Siyaad Ibraahim 10. Axmed Yuusuf Xuseen 11. Axmed Abshir Socdaal 12. Axmed Sadiiq Maxamed Cabdi 13. Maxamed Nuur Xuseen 14. Xasan Maxamed Ugaas 15. Cumar Axmed Yuusuf 16. Cabdi Mire Muuse 17. Cabdillaahi Dheere 18. Cali Daahir Guuleed 19. Muumin Muxiyadiin Axmed 20. Nuur Jimcaale Arbe 21. Cabdiqaadir Abshir Mire 22. Axmed Nuur Cabdi Aadan 23. Maxamed Cali Muxumed 24. Maxamed Muxumed Yuusuf 25. Axmed Cabdi Yuusuf 26. Aadan Maxamed Cali 27. Cabdillaahi Xaaji Jaamac 28. Maxamed Xirsi Axmed 29. Muxumed Cumar Askar 30. Yuusuf Jaamac Faarax 31. Faarax Axmed Maxamuud 32. Mawliid Aw Axmed 33. Xuseen Xasan Gudaal 34. Cabdi Maxamed Xasan 35. Maxamed Xasan Ducaale 36. Maxamed Cumar Yuusuf 37. Axmed Muuse Tulud 38. Cabdillaahi Jaamac Saleebaan 39. Maxamed Ciise Seed 40. Mire Muuse Cismaan Waxa diyaariyey G/le dhexe – Jaamac Xuseen (Shaafi) Taliye ku xigeenka NSS-ka G/W/Galbeed Hargeysa. HABKA QAYBINTA CIIDANKA IYO WAAXAHA HARGEYSA Habka qaybinta ciidanka ka hawlgalaya Waaxaha magaalada, baadhista iyo hawlgalka magaalada Hargeysa ee caawa 26-ka June 1987. 1. GURYO SAMO 1. G/L – Aadan Waayeel (Taliye) 2. K/L – Rashiid Yuusuf Jimcaale 3. K/L – Maxamed Abshir Socdaal 4. K/L – Axmed Sadiiq Maxamed Cabdi 2. GACAN LIBAAX 1. Dhame – Cabdi Caydiid 2. K/L – Xasan Maxamed Ugaas 3. S/A/LE – Maxamed Cali Muxumed 4. S/A/LE – Muxumed Cumar Askar 5. L/A/LE – Yuusuf Jaamac Faarax 6. S/A/LE – Faarax Axmed Maxamed 3. 26 JUUN 1. G/LE – Cismaan Aadan Dude 2. K/L – Cumar Jaamac Cigaal 3. K/L – Cumar Macalin 4. K/S – Maxamuud Xasan Ducaale 5. K/L – Maxamed Cumar Yuusuf 6. L/A/LE – Maxamed Ciise Seed 7. S/A/LE – Cabdi Xiis Maxamed 4. IFTIN 1. 1/X/LE – Mahdi Allaale 2. K/S – Axmed Muuse Tilud 3. K/L – Cali Axmed Ducaale 4. K/S Maxamed Ceelaabe 5. K/L Muumin Muxiyadiin 6. 1/A/LE – Mawliid Aw Axmed. La soco qayb kale …… XG: Haatuf Guji halkan: Liiska Saraakiishii Iyo Ciidamadii NSS-ta Iyo Warbixino Lagaga Hadalayo Muj C/raxmaan Aw Cali Faarax iyo K/S Cali Asad |