spacer
spacer
header
Riyaale VS Sharci
 Guji Garnaqsi Guji Garnaqsi
Audio News
 BBC Somali 04:00 BBC Somali 04:00
 BBC Somali 11:00 BBC Somali 11:00
 BBC Somali 14:00 BBC Somali 14:00
 BBC Somali 18:00 BBC Somali 18:00
 VOANEWS VOANEWS
 Radio Horyaal Radio Horyaal
 Radio Waaheen Radio Waaheen
 Radio Hormuud Radio Hormuud
 Radio Hargeysa Radio Hargeysa
Somaliland Link
Al-Taqwaa
Allaybaday
Aftahan
Awdalnews
Caynaba
Farshaxan
Gabiley
Gaarriye
Golisnews
MALCOLM X
Radio Somaliland
Radio Somaliland Online
Haatuf
Hadhwanaagnews
Halgannews
Hargeysa
Harowo
Hilinkatoosan
Hormoodnews
Hoygasuugaanta
Berbera
Waridaad
Jamhuuriya
Somaliland Org
Somaliland Future
Longlivesomaliland
Somaliland Times
Somaliland Talk
Somaliland News
Kulmiye Info
Saaxil
Sooyaal
Somaliland Poets
Togdheernews
Qarannews

Welcome to Somalilandcenter.com


Home arrow Articles arrow Articles arrow Somalilandeey, Jabuuti laabteedu xodxodashada gacanta shisheeyahay u furan tahay!!!

Somalilandeey, Jabuuti laabteedu xodxodashada gacanta shisheeyahay u furan tahay!!!
User Rating: / 1
PoorBest 
Tuesday, 17 June 2008
Cali Cumar Xasan

Somalilandeey, Jabuuti laabteedu xodxodashada gacanta shisheeyahay u furan tahay!!! 

Mar kasta oo jabuuti wax muskeeda ka sanqadhaanba, waxa meel halkeer ah '' Huduu iyo Yur '' uu ku didinayo, bahalka ooda fananayo kor ugu dhawaaqa, ninka, waa Somaliland-e u gaadhan kor-joogtada iyo ilaalinta beesha, ee isku xilqaama xasilanaanta iyo nabad ku daaqa degalka iyo degmadaba. Waxase qawadkeeda iyo qaadan waageedaba leh inaan cida qaarkeed, sida Jabuuti oo kale ahi taasi u qabin, taasi oo xasuusteena dib ugu godlaysa hal-muceedkeedii uu reebay gabayaagii waynaa, Salaan Carabay, ee ay ka mid ahaayeen.

 Waxba yaanu xaalkay i marin, Xoolo-na i siine

Xaashee nin libin kaa xasdiyay, xumihii waa yaabe.

 

Hebelkaa (Somaliland) u foogan hadh iyo habaeen inuu Laan-sare-ku-joogo oo sheeda cadawga ka dhawro, ilna-bilig hurdo u diido ee weliba suulasha ugu taagan inay maryo dhiigle kala furtaan hadii arintu adinka jamato, ayaa is-waydiintu waxay tahay maxaa luraya ee isaga uun u gaar yeelay damqashada iyo laxawga wado-dhalasho, hadaan cida uu u xaydan yahayba, wax-isku-ahaanta hoodh ku qoysanayn? 

Anigu Somaliland kalgacalka soo afaaf dhaafay ee ay u hayso Jabuuti oo laabteedu u furan tahay salaaxa gacaanta shisheeyaha, waan u waayay qiil aan ugu garaabee,  bal adigu akhristoow hadaad u hayso keen! Horta-se ila day kala-maankan hoose. 

- Somaliland waxay dagaal naf iyo maalba leh u gashay halgankii iyo xoriyadii jamhuuriyada Jabuuti, halka Jabuuti ay kuwii reer Somaliland ee u soo qaxay 80-dii, haba kuu joogo halgan ay caawisaaye, dib ugu celisay una gacan gelisay maamulkii Siyaad Barre. 

_ Somaliland waxay tiroba sedex jeer iyo ka badan oo Jabuuti colaado soo hoomaayiyeen, cadaysatay inay garab joogto jamhuuriyada Jabuuti hadii naf-huris iyo xinjiro dhiiga xaajadu gasho, waxa u danbeeyay dagaalka hada dhex maray Eretariya iyo Jabuuti. Halka Jabuuti ay mar kastaba qabanqaabinaso carqaladaynta nabada iyo isku tashiga ka jira Somaliland, haba kuu joogto aqoonsi iyo gargaar kale oo siyaasadeed ooy u fidisaa Somaliland-e. 

-  Somaliland godob-siyaasadeed ayay jabuuti u gashay oo taageerida hadadani ay ugu danbayso, Jabuuti-se waxba abaal yaan laga heline hadii laga nabadgalo uun ceebi may jirteen, cawo-darose waxa aynu ognahay in Jabuuti dhufays iyo gabaad u noqotay bahalahii laga hiray beesha, ooy isku urursadaan, oo weliba ay badhyo iyo awlalo iskugu shiilayso ooy ku buulaynayso si ay u xogaystaan. 

Sedexdii madaxweyne ee Somaliland yeelatayba uma yaraysan inay jabuuti, godlaan qalbigeeda iyaga oo ka unkaya jaarnimada, isirnimada, iyo abaal la isku galay beri-hore oo hadana la isku gali doono, oo mudan in la isku gudo, ha yeeshee intaan ka war hayo, Jabuuti caloosheeda marnaba uma dabcin Somaliland, waa halkii ninkii geel jiraha ahaaye, mar kastana Jabuuti '' haraga xaga xun bay ka ursatanaysay''!!! waxana ay mudanayaasheenii markay furdaamis u waayeen, arintaa Jabuuti midba markiisii yidhi, hadaladan hoose,- u fiirso. 

1- Madaxweyne C/raxmaan Axmed Cali ( Jabuuti inay wax nala garato waan jeclayan ha yeeshee nasiib daro, wali kama hayno taasi) !!!  

2- Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ( hadii ay mar kaliya Jabuuti qiimayso wada dhalashadayada, u talaabsan maynee Orod baanu ugu tagi, ha yeeshee ninkaa sii jeeda, oon ku rabin anagu ma garanayno si loola hadlo ama loola xaalo, waabu kaa sii jeedaaye !! ). 

3- Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin ( jaarkaaga ma dooran kartid, anagu inti itaalkayaga ah walaaltinimada aan u hayno Jabuuti, waanu sii wanaajinaynaa....). 

Dhamaan hadaladaasi dhaxal galka ah ee Madaxda Somaliland waxay ku tusayaan, in Jabuuti aanay Somaliland danaynayn, si ay ka tahayba, sidaa darteed, imika iyo haatan malaha waxa fiican in Somaliland kashada iyo qorigay isku qaarayso, marka Jabuuti wax yara gilgilaanba iska furto, oo miyirsato, oo aduunku dano ayuu isku raacayaaye, ay Isirnimada aan loo ogayn hoosta yara dhigto, oo bog kale oo cusub furto ooy cosobsi tagto, dhulku waa fara-badan yahaye. 

F.G,- Waan ku amaanayaa jabuuti isku xilqaamka ay u ololaynaso nabadaynta walaalaha Somaaliyeed ee dhibtu dhex taalo, ha yeeshee maxaa ka dhab ah inaan qabar kale oo hadimo talis ahi hoosayn?? !!! 


 Somaliland ha jirto oo ha joogto.

 

Cali Cumar Xasan

spacer
Reference
NSS-tii
--------
Gobolka Gabiley
 Dhul Boob Dhul Boob
 Xasan Ganey Xasan Ganey
 Cabdi Qays Cabdi Qays
 Muj: Ibrahim Maygaag Muj: Ibrahim Maygaag
 Dr:Gaboose Dr:Gaboose
 Muj:Farxaan Faacuul Muj:Farxaan Faacuul
 Muj: M. Hashi Muj: M. Hashi
 Dr:Gaboose Dr:Gaboose
 Dr:Duxood Dr:Duxood
 Saleebaan Gaal Saleebaan Gaal
 Samaale Samaale
 Maxamuud Nuur Maxamuud Nuur
 London London
 Cawke Cawke
 Bayaan Bayaan
 Muj. Cashuur Muj. Cashuur
 Muj:Xasan Ciise Muj:Xasan Ciise
 Maxamed Arabay Maxamed Arabay
 Salaadiin Salaadiin
 Xasan_Gadhweyne Xasan_Gadhweyne
Shuronet
 Halkan ka dhageyso Halkan ka dhageyso
Cartoons
Cartoons
Statistics
Visitors: 10003754


Copyright(C) 2002 Somalilandcenter.com
spacer