Ahmed Mohamed Osman
Taariikh-Nololeedkii Marxuum Xaaji Dayib Aw Cali Aw Elmi Maayarkii u dambeeyey degmada Gabiley dawladdii rayidka ah ee Ra’iisal-wasaare Cigaal Waxaan halkan idiinka soo gudbinaynaa taariikh-nololeedkii Allaah ha u naxariistee X.Dayib Aw Ali oo taariikh wayn ku dhex lahaa guud ahaan Somaliland, gaar ahaanna galbeedka Somaliland. X. Dayib Aw cali wuxuu ku dhashay magaalada Gebilay sannadkii 1931. Wuxuu quraanka kariimka ku bartay madarasadii Macallin Xasan oo caan ka ahayd dagmada Gabilay. X.Dayib Aw Cali wuxuu ahaa Allaah ha u naxariistee nin aad u caqli iyo fahamba badan. Waxa uu sii watay waxbarashadiisii diiniga ahayd waxaanu si wanaagsan u bartay luqadda afka Carabiga, taas oo u fududaysay inuu barto axaadiista axkaamta iyo tafsiirka quraanka kariimka ah. X. Dayib Aw Cali wuxuu aha nin cimrigiisa ku dhammaystay kalsooni shakhsinimo, Allaah ha u naxariistee wuxuu ahaa deeqsi aad u gacan-furan kuna bixiya adduunka Ilaahay siiyey inuu ummadda dhexdeeda islaax iyo wanaag kaga dhex dhaliyo markuu arko cid is-haysata. Waxa lagu yaqaanayey caddaalad iyo eexasho la’aan, taasina bulshada waxay siisay kalsooni badan arrimahana loola tagi jiray. Wuxuu ahaa oday gacan qabtay ardayda waxbarshada ku jira. Wuxuu ahaa nin la karaameeyo oo haybad leh, kuna guulaysta inta badan arrimaha uu gallo. Wuxuu ahaa nin taageera kuna dhiirrigeliya dhallinyarada dhoofka oo wakhtigaas la tagi jiray Carabaha, gaar ahaan waddamada Sucuudiga iyo Imaaraadka, kana bixin jiray tikhidhka una soo saari jiray baasooboorka. Wuxuu ahaa nin xidhiidhiya culimada, duqayda iyo salaadiinta, culimadii uu aadka ugu xidhnaa waxa ka mid ahaa Allaah ha naxariisto dhammaantoodba: Sheekh Muxumed Warasame, Sheekh Xuseen Xasan (Sh. Xuseen Nuuriye), Xaaji Daahir oo ay aad saaxiib u ahaayeen, Sh. Cumar Warfaa iyo Sh. Axmed Naasula. Haddii aan intaa kaga gudubno taariikhda shakhsiyaddiisa. Xaaji Dayib Aw Cali shaqadii ugu horreysay ee uu qabtay waxay ahayd shaqo ganacsi, waxaanu wakiil u noqday Sh. Muxumed Warsame oo ahaa Sheekhal-baladkii Gabilay sannadkii 1954, kadibna waxa uu muddo dhawr sannadood ah u shaqeeyay Xaaji Askar Cabdillaahi Kaahin oo ka mid ahaa aasaasayaashii dhismaha, ganacsiga iyo waxbarashada Gebilay. X.Dayib aw Cali wuxuu markii ugu horreysay guursaday sannadkii 1965, isaga oo la gacaloobay X. Ismaaciil Yoonis (Xaaji Gaydh), xaaskiisuna ahayd Allaah ha u naxariistee Saado Xaji Gaydh. Wakhtigaas wixii ka danbeeyay X.Dayib Aw Cali waxay si laaxaad leh isugu xidhmeen Xaaji Gaydh oo ahaa soddogii, sida la ogyahayna Xaaji Ismaaciil Yoonis wuxuu ka mid ahaa raggii maalkooda u huray sidii loo heli dawlad dimuqraadiya oo shacbigu soo doortaan. Dayib Aw Cali wuxuu si toos ah u galay siyaasadda wakhtigii uu socaday ololihii ugu danbeeyay ee doorashadii baarlamanka dawladdii uu raysal-wasaaraha ka ahaa marxuum Maxamed Xaji Ibrahim Cigaal 1967. xilligaas oo uu sharaxnaa Xaaji Gaydh, kana sharraxnaa xisbigii SNL. Wuxuu si laxaadleh ugu ololeeyay Xaaji Gaydh isaga oo ahaa madaxii abaabulka ololaha ee xisbigii SNL ee Gobolkii Waqooyi Galbeed. Marxuum Xaji Dayib Aw Cali sidaas kaga muu hadhin siyaasadda, balse waxa uu ka qaybqaatay doorashadii dawladaha hoose oo uu iska sharraxay xisbigii SNL, doorashadaas oo dhacaday 31 March 1969, sida uu noo xaqiijiyey Cabdi Raage Wacays. Waxa kale oo uu ku guulaysatay doorashadaas, iyada oo aad loogaga codeeyay magaalooyinka Gabilay iyo Wajaale iyo Alleybaday oo xilliyadaasi aad u camirnaa. Dayib aw Cali wuxuu noqday maayarka dagamada Gebilay waxaanu xilka hayey siduu sheegay marxuumku muddo 7 bilood ah, isagoo noqday maayirkii ugu danbeeyay ee shacbigu soo doorteen, waxana talada ka maroorsaday xukuumaddii millatariga ahayd ee Afwayne hoggaanka u noqday. Wakhtigaas ka dib wuxuu noqday ganacsade aad looga yaqaan Somaliland, waxaanu bilaabay ganacsi gudo iyo dibadba ah isaga oo uu weheliyo walaalkii ka yaraa Allaah ha u naxariistee Mawliid Aw Cali. Ganacsigaasi wuxuu noqday mid ilaa maanta midhihiisa la cuno kana muuqdo waqtigan xaadirka ha Gobolka Gabilay oo wadaan dadkii ay dhaleen. Dayib waxa uu qaatay liisanka ganacsiga ee soo dajinta iyo dhoofinta sannadkii 1974, sida ku taariikhaysan liisankaas. Xaaji Dayib Aw Cali wuxuu markii ugu horreysay xajka tegay sannadkii 1976. Waxa uu ahaa ganacsade ay dhaqdhaqaaqiisa indhaha ku haysay dawladdii Siyaad Barre, balse aad uga foojigan in sirtiisa la ogaado, maadaaama la laayey ganacsato ay wada shaqaysan jireen oo uu ka mid ahaa Allah ha u naxariistee Cabdillaahi Cabdi Good iyo qaar kaleba. Dayib Aw Cali wuxuu qayb libaax ka qaatay taageeradii dhaqaale ee la siin jiray ururka SNM, wuxaannu ku suntanaa cidda ugu badan ee maalgalisa jabhaddii SNM, balse ahaan nin maalqabeen ah, kana foojigan in la ogaado siyaabaha uu wax ku bixinayo, una adeegsado hantiidiisa kolba cidda Faqashatu soo xidho inuu kaga furdaamiyo siina daayo. Waxa in badan loo maleegay Dayib Aw Cali in la dilo, balse wuxuu ka badbaaday xage Alle iyo isaga oo deeqsi ahaa iskuna furanayey hantidiisa. Dayib Aw Cali waxa ay dawladdu xidhay sannadkii 1987, waxana ka mid ahaa dadkii ay wada xidhnaayeen Suldaan Cabdi Muxumed (Suldaanka Gobolka), Axmed Cabdillaahi Xareed (weerar) iyo Shacbaan Cali Ducaale Sida ay ii xaqiijeen labada aqoonyahan ee kala ah; Cabdi Jamac Dhimbiil, Cabdiraxmaan Maxamed Maal (Agaasimihii hore ee Wasaaradda Waxbarashada) oo wakhtiyadaas macallimiin ka ahaa dugsiga sare ee Timacadde ee Gebilay iyo Kabtan Maxamud Shire oo wakhtigaas ahaa taliyihii bilayska ee magaalada Arabsiyo. Waxay ii sheegeen inay heleen wakhtigii dalka la soo galay waraaqo ay ku wada qoran yihiin iyaga iyo Dayib aw Cali oo inta badan dayib lagu eedaynayo, lana leeyahay sidan hoos ku xusan: Ganacsadaha magaciisu yahay Dayib Aw Cali Aw Cilmi waa taageere, dhiirrigaliye, maalgaliye ururka xaaraanta ah ee ku hoos jira cadawga Soomaaliyeed. Waxa kale oo iyaguna taageerada SNM ku suntanaa aqoonyahannada iyo saraakiisha kor ku xusan. Allaah ha naxariistee Dayib Aw Cali waxa ka tagay 35 qof waxa uu dhalay iyo waxay sii dhaleen iyo 3 xaas. Allaah ha u naxariistee Dayib Aw Cali wuxuu u geeriyooday xannuunka macaanka oo uu qabay muddo 35 sannadood ah, waxana si heer qaran ah loogu aasay magaaalada Gabilay 08 June 2008. Waxa soo diyaariyey soona ururiyey taariikhdiisa: Ahmed Mohamed Osman. |